Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Sarkaal ka tirsan Booliska Dowladda Federaalka oo Lagu dilay Muqdisho

Waxaa habeenimadi xalay gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Taliye Kuxigeenkii Saldhiga Degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir Allahu naxriiste Cali Yare ayaa fiidkii xalay nin hubeysan ku toogtay degmadaasi,waxaana qofka toogtay la sheegay inuu baxsaday.

Sarkaalkaan la dilay ayaa la sheegay inuu mudo ka shaqaynaayay magaalada Muqdisho isla markaana soo qabtay jagooyin kala duwan ee dhanka Booliska ayadoo uu lasoo shaqeeyey Dowladdi hore ee Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed.wuxuuna ahaa qof si aad ah looga yaqaanay degmadaasi oo caan ka ahaa.

Degmada Dharkeenley ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa ka dhacaayay dagaalo iyo iska horimaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka.

Saraakiisha Booliska Dowladda Federaalka ayaa iminka wada baaritaano la xirrira dilka Taliye Kuxigeenkii Saldhiga degmada Dharkeenley.

Horseed Media

RELATED STORIES

Comments are closed.