Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Ciidan kawada tirsan Xisbul Islaam oo Ku Dagaalamay Meel ku dhow Xarrardheere

Iska horimaad u dhaxeeya Ciidan kawada tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa uu ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn degmada Xarrardheere ee gobolka Mudug.

Degaan qiyaastii 50-KM u jirta degmada Xarrardheere ayuu ka dhacay iska horimaadka shalay gelinkii dambe,waxaana ka dhashay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Iska horimaadka ayaa yimi sida ay wararku sheegaayan ka dib markii koox ka mid ah Ciidanka Xisbul Islaam ay lasoo baxsatay labo gaari nooca dagaalka ee loo yaqaano tiknikadda,waxaana ay kala soo baxsadeen degmada Xarrardheere oo ay todobaadyo ka hor la wareegeen Xisbul Islaam.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen saddex qof oo ah dhinacyadi dagaalamay,waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 5-qof oo ah labada dhinac.dhaawaca ayaa la gaarsiiyey Isbitaalka degmada Xarrardheere halkaas oo lagu dabiibaayo.

Mid ka mid ah gaariga lala baxsaday ayaa dagaalka sidoo kale lagu gubay,waxaana aan la aqoon sababaha keenay in cutub ka mid ah Ciidanka Xisbul Islaam ay lasoo baxsadaan gawaarida dagaalka.

Saraakiisha Xisbul Islaam ayaa weli ka hadlin arintaas,waxaana ay imaanaysa xilli isla degmada Xarrardheere ay soo gaareen Ciidan ka socda Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab kuwaas oo doonaaya in la wareegaan halkaas si ay u sameyaan maamul hoos yimaada.

Horseed Media

RELATED STORIES

3 Responses to “Ciidan kawada tirsan Xisbul Islaam oo Ku Dagaalamay Meel ku dhow Xarrardheere”

  1. Kun ciil says:

    Kuwaan tsunami somalia loo soo dirye Ilaah ha naga qabto

  2. asc horseedmedia waad mahdsan tahay intaas kadib waa dhimaato inay islaayaan kuwii umada usheegayey inay wado wanaagsan hayaan marka hadiiba iyagii ay hoostooda kakhaldan tahay maxay soomliwayn ugudbaan NIN AYAA ARKAY LOOX GURI DUSHIIS SAARAN OO BISIN LAAXIN AH KU QORAN YAHAY MARKAAS BUUYIRI NIMAN WAR KOR IIQAADA AAN ERAYGA LAAXINKA AH KASAXEE NIMANKII QAADAYEY MID KAMID AH BAA YIRI USBILAAHI MARKAAS AYAA WADAADKII KUQAYLIYEY WAR IDHIGA MAXAA DHACAY MARKII LAYIRINA WUXUU DHAHAY HOOS AYEYBA KAKHALDAN TAHAY EE AAN MARKA HORE KASOO SAXO NINKA YIRI USBILAAHI

  3. HUSENOW says:

    ileeyn mooryaan ma daahiro, aduun iyo aakhiraba waa ay seegeen , dadkan muslimna waa la sheeganayaa waxkastana waa dil war diinta sheegayso intee lagu arkay wax kasta in dil lagu xaliyo. Maxaan ka baran karnaa kuwaan hadiiba ay saan yihiin. Diintooda ka been sheegay. Waa naloo yeertay, ayeey hada noola imaadeen kuwii idinka horeeyayba waa naloo yeertay imisa ayeey ku laayeen dhalinyaro masaakiin ah janaad galeeysaan eey ku dhaheen. Soomaali cilmi la’aan ayaa meeshaan dhigtay.