Waa Kuwee Isimada Puntland?

Editorial

Dadka tariikhda yaqaan waxa ay tilmaamaan in magaalada Xuddun la yiraahdo ee gobolka Sool, ay ahayd meeshii dadka dega gobolada la isku yiraahdo Puntland ay ku heshiiyeen waxa loo yaqaan xeer Harti, ayna ku heshiiyeen sida ay u qaybsanayaan saldanada, magta iyo waxyaabo kale oo badan, waqtigaas waxaa lagu tilmaamaa qarnigii 17aad 1600 – 1700, sidey doontaba ha noqotee goobtii heshiiskaas ka dhacay waxaa lagu magacaabey Xuddun, oo macnaheedu yahay meeshii lagu xuddumay xeerka Hartiga.

Advertisements

Saldanada iyo magaca isimadu taariikh dheer iyo door shariif ah ayey ku leeyihiin bulshada degta Puntland, mar bay ahaayeen kuwo taladu iyaga ka go’do  ardaaga ay ka taliyaan waxaa ku xeernaa garcas garasho iyo aqoon dheer leh kuwaas oo ka talin jirey beeshaas wixii dani ugu jirto, waxayna lahaayeen wakiilo meelaha aysan gaari karin.

Haddii aan taariikhdaas fog soo dhaweeye markii xukunka daakhiliga la qaatey sanadihii 50aadkii, waxaa gobolka Bari talo loogu noqon jirey isimo kooban oo magac iyo maamuus weyn bulshada ku lahaa, Boqor, Garaad, Ugaas iyo Sadex Beeldaaje.

Markii guumeystuhu yimid dalka waxaa is badalay xaalka Soomaaliya, waxaa la ridey saldanooyin badan oo waagaas jirey.

Qaar kamid ah isimadu waxa ay sii wateen taladii bulshada iyaga oo xubno ka ahaa Golihii Shacabka ee fadhigiisu Muqdisho ahaa sida Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan iyo Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi Beeldaaje Maxamed, Garaad Cali Garaad Jaamac oo 60kii ku soo biirey iyo qaar kale.

Kaddib markii talada dalka ay la wareegeen ciidamdii xooga dalka 1969, doorka isimadu waxa uu ahaa mid ku eg beelaha soo caaleema saarey, waxa ay ku dedaali jireen in beeluhu nabadgelyo kala helaan, deris walaalnimo lagu wada noolaado, wixii dhib ah ee dhacda xeer iyo xaal waayeel lagu dhameeyo, waxaana ay dawladda ka heli jireen mushahar yar oo aan ahayn wax la sheego.

Burburkii Dawladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, gobolada waqooyi bari waxaa taladii markiiba gacanta ku dhigay Isimadii gobolka, kuwaas oo tiradoodu aysan ka badneyn 10 isim, siyaasiyiintii SSDF waxa ay ahaayeen kuwo cayaara doorka arimaha dibadda una madaxbanaan, laakiin arimaha gudaha waxaa bud-dhig u ahaa Isimada talada u danbeysana ay ka go’i jirtey. Waxaa la tilmaamaa in ay ahayd markaas marka ay bilowdeen in isimo cusub oo aan soo jireen ahayn markaas la caleemo saaro, waxaana beelaha qaarkood caleema saareen isimo, waxaana arintaasi ay salka ku haysey beelaha caleema saarey isimada cusub oo aan horey u lahaan jirin Isin, isla markaana doonaayey in cadkoodu muuqdo oo aan qof kale mindida daabkeeda u qaban, laakiin muddooyinkaas ma jirin beel Isim iska lahayd in ay mid kale ka dhinac taagto.

Kadib markii ummadda Soomaaliyeed ay ku guuleysan waayeen in ay dhistaan dawlad ay u dhanyihiin oo lagu wada qancsan yahay, waxaa loo guntadey in la samaysto maamul ka balaaran kii ku koobnaa gobolada Waqooyi Bari, waxaana la isku raacey in Puntland la asaaso oo ay tahay dawlad goboleed, lagu baadi doono qaranimadii Soomaaliyeed, laguna sugo inta bulshada degta koonfurta Soomaaliya ay u bislaanayaan in la asaaso dawlad federaal ah, ergada shirkaas fadhidey waxay dhamaayeen 433 ergay oo ka kala socdey 5 Gobol iyo Deegaanka Buuhoodle, Waxaa saxiixey asaaskii Puntland 26 Isim oo keliya.

Gobolka Bari 8 Isim
Gobolka Nugaal 4 Isim
Gobolka Mudug 5 Isim
Gobolka Sool & Deegaanka Buuhoodle 6 Isim
Gobolka Sanaag 3 Isim

Waxayna qalinka ku duugeen 13 Bishii March 1998-dii, waxaana lagu tilmaamaa mid ka mid ah heshiisyadii ugu wanaagsanaa ee dhulkaas lagu qabto, inkasta oo siyaasiyiintu aysan weligoodba fulin balanqaadkooda laakiin maamulka oo ban cidla ah laga yagleelay heer wanaagsan ayuu gaarey maanta, inkasta oo uu qaangaar yahay haddana wax badan ayaa ka dhiman.

Kacaankii Isimada Cusub

Kadib markii Puntland la asaasey, waxaa soo baxdey oo muuqatay doorka weyn ee ay lee yihiin Isimadu, waxaana mid kasta oo magac jecel isku dayey in uu dorkaas qayb ka noqdo waxaana tusbax xariga laga jaray noqdey isimada cusub ee maalinkasta la cimaamadaayo, arimahaas waxa ay salka ku hayeen dhawr arimood kuwaas oo laga tilmaami karo:

Siyaasiyiinta qaarkood oo sameeya Isimada
Xuquuq iyo Sed raadin
Dhaqaale & Magacdoon
Isinkii hore oo nin jilicsan noqdey

Si kastaba ha ahaatee Isin kasta maalin maalmaha ka mid ah ayaa abkiisi hore la caleema saarey ama qarniga 21aad ayuu la saanqaadey oo waqtiba kama tegin, waxaase hubaal ah markii ay tahay mid ab ka ab ah way ka maamuus iyo sharaf badan, midda banka cidlada ah laga oodo. Reer guraagu markii ay meel cusub degayaan waxay reerka ku furaan xero laga baxay ama la degi jirey, xooluhu isla habeenkaankaas waa fariistaan, laakiin haddii ban cidla ah aad xero uga oodo, in ay la qabsadaan waa adagtahay, habeenkaasna istaag ayuu ugu dhamaadaa.

Waxaa in badan oo ka mid ah dadka indheergaradka ah ay isku raacsan yihiin, in faa’iidada iyo khasaaraha ka dhashey Kacaanka Isimada ay khasaarooyinku badan yihiin, waxaa meel hoose u dhacay magac weyn oo maamuus lahaa, waxaana qofku isku caddeeyaa in uu Isim yahay waa cimaamada midabka cas lagu xardhey ee meelkasta lagu iibiyo oo garabka la saarsado iyo koofiyad yar, waxkasta oo xeer iyo dhaqan ahaa ee Isim lagu soo xuli jireyna meesha waa ka baxdey.

Dastuurka Puntland iyo Isimada

Axdigii u horeeyey ee Puntland doorweyn ayuu siin jirey Isimada, talada u danbeysa iyaga ayey dib ugu laabaneysey, waxaa ka mid ahaa qodob ah, haddii dawladdu dastuur afti lagu ansixiyo muddo sadex sano ah ku diyaarin weydo waa jiritaan beeleysaa, waxaana talada ku wareegaysaa Isimada, arintaas oo ahayd middii horseedey dagaaladii ka dhacay Puntland sanadihii 2001 – 2003, ee Isimada Puntland naftirkoodu ay dhibane ku noqdeen kadib markii si gardaro ah lagu diley Suldaan Axmed Maxamed Hurre.

Dastuurka cusub ee hadda sugaaya in afti loo qaado door weyn ma siinaayo isimadda, waxaa ka hadlaaya qodobka 110 waxaana uu u qoran yahay sidan:

Isimada la aqoonsan yahay waa heerka u sareeya arimaha dhaqanka; Isimadu ma geli karaan arimaha xisbiyada siyaasadeed;  doorka isimadda waxa uu ku soo koobayaa qodobka 110, faqradihiis 1-6, in uu yahay arimaha dhaqanka oo keliya, dastuurku ma caddeyn qaabka lagu kala garanaayo Isimada la aqoonsan yahay iyo kuwa aan la aqoonsanayn, haddii lagu aqoonsanaayo in aabahood iyo awoowayaashood ay salaadiin ahaayeen, waxaa jira kuwo Puntland wax ka asaasey oo Saldanada samaystey aabahood iyo awoowgoodna aysan Isim ahayn, waxaaba dhici karta in shirkii Puntland lagu asaasey ay guddoominayeen.

Haddii aan xeer adag loo samayn isimadda, kaas oo beelaha u qeexaaya tubta la doonaayo in ay qaadaan si looga fogaado sicirbararka Isimadda ku dhacay waxaa hubaal ah in markasta ay maamulka iyo Isimaddu labo waddo kala qaadayaan, mid maamulku waa ku saxsan yahay Isimo u dhigma Baarlamaanka Dawladda Federaalka meel la geeyo malahan, waxaa jirta aragti ah Isimadda iska lahaa ansixinta xubnaha galaya Golaha Wakiilada ayaa asal iyo marjac dhaqanka u ah, waxaase isweydiin mudan Beelaha qaar ayaa jira xubnoba aan ku lahayn Golaha Wakiilada, haddii aysan ku lahayn Isimkoodu talada dalka aragti kumalaha miyaa, waa arimaha u baahan in si wanaagsan loo qeexo, waxkastana caddaladda gundhig looga dhigo.

Isimadii ku shirey Bosaso

Todobaadkii la soo dhaafey isimo gaaraya 28 Isim oo dhamaantood ah kuwii gadaal ka samaysey ayaa Madaxweynaha Puntland dhaliil xoogan u jeediyey, isimadan xaq waa u leeyihiin in ay shiraan, dastuurka Puntland waxaa ku cad in qofku aragtidiisa xor la yahay isla markaana cabbiro karo si furan, haddii aanu ka shaqeyneyn nabadgelyo xumo, laakiin isimadan ma aqoonsan yihiin dastuurka Puntland haddii ay aqoonsan yihiin iyagu waa ka duwan yihiin dadka caadiga ah, marka hore shir aysan isimada oo dhan u dhamayn in magaca Isimada ay ku hadlaan daw maahayn, marka labaad doorka dastuurku siinaayo waa in ay arimaha dhaqanka ku ekaadaan iyo heshiisiinta beelaha, hawshii ay iska lahaayeen ayeyna maamulka ku eedeeyeen ee ahayd heshiisiinta beelaha, arinta ugu daran waxa ay ahayd iyaga oo ku dhawaaqey Shir deg deg ah la isugu yimaado kaas oo looga arinsanaayo aayaha Puntland, miyeysan taasi ahayn burbur iyo fawdo umadda loo horseedaayo.

Jawaabta Isimada Soojireenka ah

Isimada soo jireenka ah oo muddo dheer indhaha ka qarsanaayey ninka dhahaaya isimada Gobolka Bari ayaan afhayeen u ahay, oo afhayeenimadaas waxna ku taageera waxana ku canbaareeya in ay u jawaabaan gar iyo daw ayey ahayd, sababtuna waa qof aan ii hadal ku oran in aad ku hadasho magiciisa waa meel ka dhac, anigu makala faddilaayo oo ninwalba reer ayaa caano ku shubtey ama isaga ayaa caano isku shubey, laakiin haddii isimku ka soo talaabo arimihii Beeshiisa oo uu u soo talaabo arimaha guud waa lama huraan in jawaab laga baxshaa.

Jawaabta Madaxweynaha & Kala doorashada hadalka

Kadib markii warbaahinta uu ka hadley Suldaan sheegtey in uu afhayeen u yahay isimada Gobolka Bari ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo arintaas ka hadlaaya ku tilmaamey ninkii u hadley raggii eedeeyey Madaxweynaha in uu yahay nin argaggixisadu soo dirtey aabihiis iyo awoowgiisna aysan isin ahayn, argagixisaduna ay isimada gashey, hadalkaasi maahayn mid daw ah mana ahan hadal loo isticmaalo shacab aad madaxweyne u tahay, kala doorashada hadalkuna waa wax weyn, waxaa jira laba erey oo isku macne ah laakiin hadba kii aad doorato ay wax kuugu dhismi karaan ama kaaga dumi karaan, mid xun iyo mid wanaagsan, mucaarad iyo mu’ayidba Madaxweynuhu waxa uu yahay Madaxweyne, waa markii labaad oo ay arintaani dhacdo waxaa ka horeeyey Nabadoon Cabdicasiis Afguduud oo tuug lagu sheegay,Rabbi ha u naxariistee Cali Cilmi Afyare oo Bakheyl uu muddo dheer soo haybinaayey oo sooryo uu filaayey iska dhaafe soo dhaweyn ka waayey ayaa yiri:

Waxba yaanuu ku siinee haddii uu ku hawili waayo; Oo hadalka kaan laga heshiin kuugu horeysiiyo; hah mawaad hureysaa allow lagu……..si kastaba ha ahaatee khudbad yar oo Madaxweynuhu ka jeediyey Masjid ku yaala Garoowe taas oo ku aadanayd bulshada Ogaadeeniya ayaa daaweynteedi muddo dheer qaadatay, waana muhim in hoggaamiyuhu hadalka soo jiidashada, midnimadda iyo walaalnimada ku dhisan uu markasta doorto, kana fogaado hadalka kaan laga heshiin.

Nidaamka Xisbiyada Badan

Sandkaynu joogno waa 12 guuradii Puntland, nidaamka beelaysan waa mid dhib iyo shiddo badan waa mid dib u socod ah, waa mid kii karti iyo aqoon lahaa dib u dhigaaya, qofwalba taariikhda waxbaa u gala oo ka hara, kooxda haysa talada waxay hastaan fursad weyn oo ay ku hirgelin karaan balanqaadkoodi ahaa in nidaamka Xiasbiyada badan Puntland laga hirgelinaayo, qofwalbana dhaxalka uu dadkiisa uga tago ayaa loo ayaa, waxaa la soo gaarey xiligii la hiigsan lahaa han sare, aduunka tegayna dhinac laga raaci lahaa.

Digniinse waxaan u iri hadal yaroon ugu danbeysiiyay
Gudiyahay docdiinaa khalqigu wada dayaayaaye
Dusha waxaad ku qaadeen culays dayn ka xoog badane
Dariiqaad fashaan baa hadhow laysku daadihine
Haddaad idinku dalabyeelataan kala didweeyaane.
…….(Waxaa tiriyey rabbi ha u naxariistee Afyare)

Ismaaciil X.Saciid
Editorial | ©2010 Horseed Media.

Comments

  1. dhudi says

    KKKKK Dr Cabdiraaxman Shaqo Fiican Buu Qabtay Lakiin Nux Nux da hoose Waxa lasaadalinayaa in Uu Moddo Korosi Rabo goorti 4ta sanno u Dhamaato Rer Barina Mudo Korosiga Xasiyad bay ka Qadaan Marka Madaxweynaha waa lagu kalsoonyahay ee Qayladu Shuqa Shuqaynta bay ka midtahay Micnaha Goorti Mudadiisu Dhamaato in uu Xilka ka Dego.Issimaduna Seenyalaha Kowaad iyaga Shida.

  2. says

    Qoraal wanaagsan.
    Waxaan aad ula yaabay baaqii isimada ay dowladda ku dhaliilayeen ee ay ku codsadeen in beeluhu ka arrinsadaan jiritaanka dowladda, waa arrin aad u khatar badan oo amniga qaranka wax weyn u dhimi marta waliba xilligaan adag ee lagu jiro, sida muuqatana waxay taageero wayn siinaysa dadka amniga wax u dhimaya oo awal waxa keliya oo ay ka cabsanayeen ay ahayd dowladda ay rabaan in isimadaani ridaan sida baaqooda ka muuqata.

    Baaqa isimada sidaad ogtihiin waxaa dhowr beri ka horeeyey shir dowladda iyo isimadu ku heshiiyeen sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen, waxaana muuqata in isimadaani aysan ka mid ahayn shirkaas.

  3. says

    asc
    salaam dhamaan asxaabta gaar ahaana bahda webka HRSD media ,,,,,sxbayaal nin ka diyaariyay qoraal kaan waa nin wax badan xeeriyay wuuna ku mahadsan yahay,, labaad isimada ilaahow noo dhowr waa waxa aan ku dhaano somalida kale ,,tan nidaamka axsaabta horta qolo kasta oo meeshaa madax ka noqota marka ay doorashada galayaana waa hirgalinaynaa ayay dhahaan hadhowna waa ka meermeeraan ee maxay baas oo arkaan oo ay ka acsanayaan axsaabtu waa waxa wax tar maahee aan dhib keenayn mise waa waaye siyaasiyiinteena ayaan kala qaybsami karin oo xooda hadaba talada haysa maahee kuwa kale maskaxaa fuunto noqota kkkkkkk

  4. says

    kkkk cajiib sxbayaal waan idin salamay run ahaan tii saan uar ko ama rayi ahaan aan qabo xisbiyo loo sameeyo puntlan umaleen maayo in aay is badal kee naayso wax ba yaan been laays ku qan cin qabiil reerpuntaland iska daayn mayaan cadalad na kama jir to reer hebeloow yaan laays ku ciyaarin

  5. oday bari says

    acww,

    qoraalka ismaciil waa mid dhadhan leh runtii,waxaan qabaa dhaliisha isimada waxbaa ka keenay ee iskamay iman ee dabcan waxbaa ka keenay mana qabo 28 isim inay qalad iskubahaysteen.ismaciil xaaji saciid waxaan xasuusinayaa puntland qabiilo ayaa dhistay ismadana waa uun qabiiladaas dhar dhaaro ay keen sadeen isim waa isim kol hadii reerkiisu ku caano shubtay ama soo jireen ha ahaado ama yuusan ahaan waa isku marba haduu mandate haysto mid mid kawayni majiro just ixtiraam baa jirah dhexdooda ah,markaa waxaan oranlahaa aynu ixtiraano isimadaas oo yaynaan shakhsi 4 sano inala joogaya uusan waxkale inala noqon.

  6. says

    HORSEED MEDIA AAD AYEEY U MAHADSANTAHAY QORAAL KALIYA WAX MA TARO DADKA QORBA JOOGTA AH AYAA U BADAN IN EEY FIKIRKAAN OO KALE AKHRISTAAN BALSE DALKII DADKA JOOGAY FIKIRKAAN HA LA GAARSIIYO AYAGOO KA HELI KARA QEYBTIINA IDAACADA AH ,LAKIIN WAXAAN U MALEYNAYAA FAROOLE CIDII WAX KA SHEEGTA WAA ARGAGIXSO OO RUNTA KA HADASHA OO SAXAFIYIINTII AYAA CARUUR QORYA WADATA LOO SOO DIRAYAA

  7. says

    Waxay tahay il atahay Ismaciil wuxuu qaatay door hugaanimo he is leader we so proud of you. Waxaaa larabaa in qofkastaa qaato doorkis

  8. Abdi says

    Qoraalkaan Ismaaciil,run buu ka hadlay waliba xigmad iyo talo siin dhaxal gal ah ayuu soo hordhigay dhammaan bulshada Reer puntland,Isimadu dib haysugu isagu noqdaan oo Ragaan seef la boodka wada ah Isimo iyo Madaxwaynaba,ay danta ummada ka fakaraan Sharcigana la dhowr oo waliba Isimadu ku qancaan in faraha kala baxaan arimaha Siyaasada.

  9. Layla says

    Sua’aal walaalo

    wali Isimada Puntland ma harti oo qura? dadka aan ahrti aheen yaa matala? mase Harti kaliya baa daga
    Puntland?

  10. Sakariye Isticmaar says

    Mahadsandin Horseemedia. Waxaan oran karaa qormadan waxa ey jawaab u noqoneysaa kuwa raba iney magaca isimada Puntland sicir-bararka ku ridaan waxaa nasiib daro ah in-maanta ey jiraan kuwa ismo sheeganaya oo aan ka heysan cod iyo ogalaansho beelaha ey ka dhasheen hadaan nahey shacbka Puntland waxaa nala gudboon in-kuwa sheeganaya ismada balse aan aheyn isimo la doortey inaan la soo dhoweyn oo eysan ku yeelan wax cod ah ummada dhex-deeda maadama ey horseedi karaa fowdo iyo amni xumo ismadeenu waa kuwa dhax-gal ah waana kuwa taariiqda xustey ma dooneyno inaan noqono bulsho is-daba yaacda waxaan marlba taageereynaa ismada sida Boqor Garaad Ugaas

  11. says

    Bismilah. horta HM waad ku mahadsantahihiin qormadan oo ah runtii aan ka dhadhasan karo ninka qorey inuu yahay xog ogaal wax badan ka warqaba ahna mucaarad wax dhisa afircanku waxay yaqaaniin mucaarad xabad la ordaya war mucaarad waxaa loo baahanyahay wax dhisa sida ninkaan qormada qorey ah
    balse waxaa imanaysa suaal meesha ku jidha oo aan waydiinaayo horeseedmedia xiligi dowladi ka horeesey tan faroole maynaan arki jirin qoraaladaan oo kale ,mise ninka qormadaan diyaariyay baa howlo shaqo ku jirey runtii aad baan u soo dhawaynayaa sidaan oo kale in lala xisaabtamo madaxwaynayaasha waxaa soo doortey shacabka waxan leeyahay HR MAHADSANID

    • ahmed xaaji says

      faroole doorasho shacab kuma imaan, ee waxu jagada ku hela cod bixin barlamaan oo tiradodu aheed 34 odey ee ka mid ah 66 odeyaal ee barlamanka puntland fadhida.

  12. says

    cade muuse ayaa ka hadal qurxoona farooooooooooooooole kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk viva cade muuse oo aan ku xasuusto batrool baan qodeyna kkkkkkkk iyo inuu tixgelin jirey isimada pland.

  13. Puntlander says

    I thought the article was well balanced and well guarded in terms of trying to use polite language. For those who is allergic and sensitive to what has been said about the president should understand that President Faroole is the president of Puntland and he doesn’t belong to any family, group, subclan or clan. In other words he is a public domain and he can be criticized by any Puntlander as long as that criticism is constructive and it is aimed to make changes and guidance. When he leaves the office he will be entitle to be respected as a normal citizen who deserves all the due respect and courtesy.

    Best regards,
    Punlander

  14. Sharmaarke Axmed Cumar says

    ASC Waxaad aad u jeclaystay sida quruxda badan ee loo qoray qoraalkan ka hadlaya doorka isimada leeyihiin. Waxaa hubaal in wax badan iska badaleen doorka isimadu lahaayeen waxaa soo baxay rag tiro badan oo aan ahayn isimo, balse noqday burcad isimeed inay wax haligaan oo beelaha isku diraan oo dhaqaalo ku raadsadaan isku dirka beelaha, abaabulka dagaal…. iyagoo u maraya jidkastoo ay ku heli karaan dhaqaalo. Shacabka reer Puntland waa inay arintaa ka feejignaadaan oo aysan ku dhicin dabinta cadowga Puntland u maleegayaan iyagoo adeegsanaya waxmagaratada asal ahaan ka soo jeeda Puntland.

  15. nuuro says

    Waxaan u Malaynayaa Shacabka PL in ay Yihiin Saldano Haye iyo Saldana Ilashade Hadaba Marki aynu Dib u Fiirino Soojireenka Taariikhdeena Saldano Isimadeeno waa Saldana Buubsanyihiin.Isimada Qudhooda waa La,dayacay baan Orankaraa.wixi Isinku Xaq u Lahaa Haduu wayo Isagana wixi laga rabay loogu Imanmaayo.

  16. says

    Bismilaahi Raxmaani raxiim
    Bacda salaan waa mhadsantahay horseedmedia sida isu dheelitiran ee aad uga hadashay arintan hase ahaatee anigu arinta waxaan ukala qaadayaa sadex.
    1.SICIRBARARKA ISIMADA
    2.HADALKA ISIN ISKU SHEEGA HADLAY
    3.HADALKA MADAXWAYNAHA
    4.NABADU YAY DAN UTAHAY

    1…SICIRBARARKA ISIMADA……………………………
    Tan iyo Burburkii ama ilaa saggashameeyadii waxaa bilaamay sicirbarar aan indheergaradka iyo aqoonyahanada mooyee cidkale dareemayn oo ku dhacayay isimada kaas oo runtii isbadal wayn ku keenay doorkii ay isimadu ku lahaayeen Puntland iyo soomaaliya oo dhan waxaa soo baxay siyaasiyiin goortay wax ku waayeen—

    Siyaasadii shakhsi nimada ahayd ku noqday beeshooda si ay cuno ugu raadsadaan Isimnimo.

    Taasina waxay nasiib darro kutahay doorka isimada oo aan ba anigu leeyahay hadaysan isimadu hada wax kaqaban doorkoodu meeshuu kabaxayaa waxayna gaarayaan in la laalo.

    marka anigu waxaan umada reer puntland gaar ahaan kuwa reer puntaland in laga digtoonaado isimada kib kasoo birray ayna ku ekaato isimadu kuwii hore ee soo jireenka ahaa doorkooduna uusan dhaafin dhaqanka iyo heshiisiinta beelaha waayo waxa keenay sicirbararka waa markii ay isimadu galeen siyaasada.

    2 ISIN ISKU SHEEGA HADLAY

    Ninka hadlay anigu waxaan u arkaa in uu yahay nn aan isinimo ku hadlayn aana uqalmin waayo wuxuu uhadlay qaab katalin dagaal iyo isku dir xukuumada iyo shacabka wuxuu kubaaqay in la burburiyo intii yarayd ee aanu 12-sano ku caanamaalaynay oo wuxuu yiri haloo noqdo burburkii iyo in dib loo soo bilaabo hadaba anigu waxaan dhihi lahaa xataa haduu isim hore yahay halaga saaro isimada waayo ISIM DOORKII MAAHA INUU KAHADLO BURBURIN EE WAA INUU WAX DHISO.

    3.HADALKA MADAXWAYNAHA

    Horta anigu waxaan jeclaanlahaa in ninka isimka sheeganaya ay u jawaabto gabar katirsan xafiiska war faafinta ee maahayn inuu isku taxalujiyo lkn waxaa madaxwaynuhu ku amaananyahay qaabka uu uhadlay waayo nin saas loola hadlo waa yahay haduu burbur rabo ninka isimka sheeganaya ha aado koonfurta soomaaliya madaxwaynahana waxaan ugu nasiixaynayaa dadku waa khaldamaane u tartiibi .

    4-NABADU YAY DAN UTAHAY

    Anigu waxaan qabaa hadii hada lagu dhawaaqo in laqabto shir loo dhanyhay oo puntland dib loogu dhisayo in laga taliyay in aan waligeed burbur laga bixin oo hadana dhawr iyo toban sano oo kale qaab qabiil lagu jiro marka waxaan dhihi lahaa anigu war hadaad ism thay inaad nabada kataliso baa larabaa ee inaad dhibta kataliso maaha ee wixii saxid ubaahan ha laisla saxo dadka cuqdada ku jirtana ha iska saareen

  17. Mohamed Said says

    Dear Horseed,
    waad ku mahadsantihiin qoralkiina wax ku ool ka ah waxaana laga yaabaa in dad badan eenan ogeyn mesha uu ka dhacay (Xeerka Harti) ama is afgaradki hartiga, hadana dad badan oo akhriyey qoralkaan ayaa fahmay mesha ay ka dhacday arrintaa.
    Isimku wuxuu ku haboonan lahaa in laa daayo sidii uu ahaa xiligii la asaasayay Puntland, kana koobnaadaan xiligaas intay ahaayeen.
    Tan Hadalka madaxweynaha, waxaan oran lahaa in ilaah waafajiyo hadalka wanaagsan, hadalkii uu masaajidka Garowe ku yaal ku yiri MDX waa dhegeesanayey maalintaa waa ka naxay kiligeyna maaheen ee waxaa ka naxay dhamaan musaliinti, MDW wuxuu ka bixiyey raaligelin.

  18. ahmed says

    Anigu waxan qabaa in isimadu ay ku saxsan yihiin mowqifka ay ka istaageen burburka ay puntland ku socoto kana gilgisheen uurkutaalada haysata shacabkan hayinka ah ee reer puntland. Isimidu waxay iftiimiyeen in puntland ay xaalad khatar ah ku jirto oo ay badbaado u baahantahay. ninkii lag filayey in uu wax xaliyo waakaa cayda la soo fariistay oo sidii lagu xaman jirey u dhaqmaya. waxad moodaa kooxaha la safan faroole inay ihaanaynayaan isimadii wax garadka ahaa ee arkay inay talo faraha ka haaday. waxay ku doodayaan isimo sax ah ma aha oo hadaa makuwa faroole taageersan ayuun baa kuwa saxa ah. aan isweydiinee hadalkii faroole yiri ee ahaa awoowayaashood ma noqon isimo waxa ku fiicnaan lahayd inuu weydiiyo suldaan garaase oo aan filayo inuu ku haboon yahay su’aashaas. isimadii 28 ahaa waxay ahaayeen isimada gobolka bari aqoonsinina ugama baahna faroole runtayna ka hadleen
    nin walba oo wax garad ahina waa ogyahay sida maanta xaal yahay oo ay arintu taagana tahay “ Minii la yaabo yaasiinka”

  19. Puntland says

    Si looga baxo arrintan iyo waxay keeni karto waa la soo dedejiyaa system siyaasadeed o aan qabyaalad iyo reer ku dhisnayn. Isimaduna ha isku noqdeen oo iyagu ha iskala hufeen intaan Mamulku soo dhex-galin…wax ha isku ogaaden. Shir u gaar ah ha qabsadeen hadday rabaan oo weliba maamulku ha ku taageero balse yuusan fara-gelin si aan siyaasadda iyo Isimadu lugaha isugu sii maran.
    Aad bay iila habboontahay naseexooyinka qoraagu u soo jeediyey Madaxweynaha iyo Isimadaba. Hadalka Madaxdu waa inuu yahay mid “laaqi” ah. Isimaduna, waa inay ogaadaan in siyaasadda Maamulka loo igmaday inkastoo ay wixii talo iyo tilmaan ah ay keeni karaan.

  20. Puntland says

    Waa qoraal dhibaatooyin jira tilmaamaya oo ay taqhay bulshad aiyo maamulkeeduba inay xal u wada helaan, beelaha iyo maamulkuna midba doorkiisa si hufan uga soo baxo dhaliishiisana qaato. Waa wax iska cad in Isimmadii si xad-dhaaf ah u siyaadeen taasoo tilmaamaysaa inaysan Issinnimo kaliya arrintu ahayn ee HAN kale ku hoos qarsoonyahay. Waxyaalaha keenayana waxaa ka mid ah system-ka qabiil-ka ku dhisan ama wax lagu qaybsado oo aan “merit” iyo individual capacity ku dhisnayn ayaan ogolayn inuu qofku si qabiil-ka ka xor hankiisa u raadsado. Ninkii Han siyaasadeed leh waxay ku khasbaysaa inuu isim-nimo ka soo galo.

  21. says

    as/c wr wb waxaan salaamayaa shacabka puntland gaar ahaan khabiirka qoray qormadan waxaa uu ahaa nin wax garad ah waxaan kaa codsanayaa gaar ahaan in aad mid kale ku darto oo arimahan ka hadlaysa tan hogaanka dhaqanka waa wax aan indhaha laga qarsan karin siyaasadna waa ku jirtaa waayo ragbaana dabada ka riixaya waana kuwa raba in ay burburto puntland ilaah idankiis u hirgeli mayso by oday bari

  22. said says

    ASC ALL
    Salaan ka dib, runtii qormadan aad ayaa loogu bahnaa, burburkii ka dib baa soomaali oo dhan noqotay siyaasiyiin hadan mid walba madaxweyne doon ah, waxaa soo raaca mid walba oo askari noqdaa waa Korneyl, hadana midkastoo dugsi sare ka baxa ama dipaloma qaataa waa Pof. ama Dr., hadase diintii oo mid walba sheegaty inuu yahay Shiikh hadaadan ku oran wuu xanaaqayaa ama ku gaaleysiinayaa, waxaa kusoo xigta arintaan dhaqanka oo ah mid dadka reer Puntland ku dhisan yihiin kumaan kun oo isimo ah yaa hayn kara yeyse isin u noqonaya ileen dadkii oo dhan baa ISIMO ahee, haloo daayo 26 ISIN ee 1998 wixii ka danbeeye hala tirtiro.

  23. Ahmed says

    Tan hadalka madax waynaha ( waloow aysan mar iyo labo toonah ahay inta uu madaxwaynuhu ku hadlay ereyoh dad badan ay ka xanaaqeen) hadana madax waynuhu wuu khaldami karaa laakiin waxaa haboon in lataliyayaal wanaagsan hadalkana yaqaan ay la taliyaan Madaxwayneheena, wixii tafaraaruq iyo qoqob keenaayana ay ka qabtaan kalana taliyaan. Waana wadada ugu haboon ee lagaga hortagi karo inay hadaladaas oo kale soo noqnoqdaan Mustaqbalka dhow

  24. Ahmed says

    Aad ayaad u mahadsantihiin Horseed Media..

    Waxaa haboon maadaama ay Puntland ka jirto dawladi in Isimada loo sameeyo golo, magacna looga dhigo ( Golaha Isimada Puntland) isla mar ahaantaas la qeexo waxa ay xaq u leeyihiin inay ka hadlaan ama bulshada u qabtaan iyo waxa aysan xaq u lahayn, waxa ay qabanayaana ay noqoto wax qeexan oo lawada yaqaan. Xulida isimada golaha ku biiraayah waxaa haboon inay dawladu aad uga fakarto oo dad aqoon u leh arimaha dhaqanka goboladeena lagala tashado..

    Tan hadalka madax waynaha ( waloow aysan mar iyo labo toonah ahay inta uu madaxwaynuhu ku hadlay ereyoh dad badan ay ka xanaaqeen) hadana madax waynuhu wuu khaldami karaa laakiin waxaa haboon in lataliyayaal wanaagsan hadalkana yaqaan ay la taliyaan Madaxwayneheena, wixii tafaraaruq iyo qoqob keenaayana ay ka qabtaan kalana taliyaan. Waana wadada ugu haboon ee lagaga hortagi karo inay hadaladaas oo kale soo noqnoqdaan Mustaqbalka dhow

    Ahmed

  25. YOONIS says

    Xaafidullaahi Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamud M Faroole wax qalad ah ma geysan. Laakiin ninka qoraalka qoray, waxaa ku fiicneyd inuu ka hadlo
    ninka sheegtay suldaanka ma dhabaa ma yahay suldaan?
    Miyeysan cadeyn in ninkaasi ku shaqeeyo dareenka
    dad kale, waayo ma aha xilligan lagu jiro in farta lagu taag-taago madaxweynaha
    Waxaa lagu jiraa waqti ah in lala shaqeeyo madaxweynaha
    Ninka qoraalka waxay aheyd inuu asna dhaleeceeyo ninka sheeganaya waxa uusan aheyn, ee qalad in madaxweynaha keliya farta lagu taago
    Puntland hadii la rabo in ay horay u socoto waa in lala shaqeeyo, lagana danbeeyo amarka madaxweynaha
    Yoonis

  26. Rooble says

    ASCW, aad baad u mahadsantihiin warbixinta qalinkeeda la siiyey Editorialka waaqiciga jira ayey ka hadleysaa maxaa yeeley arinta isimada farahey ka baxdey ujeedooyin kala duwanna waa loo sameystey Ilaahna barakaduu ka qaadey, doorkooduna waa gabeyn kuwii hore iyo kuwa cusubba, Balse dhaliisha madaxweyne faroole uu ka bixiyey baaqii isimada waxey cadeyneysaa qofka faroole uu yahay(fudeyd,dabecad xumo) balse waa ka waxqabad badanyahay maamuladii hore daruufo jirey awgeed.

    Abdisaid Ali
    Comden NJ,USA

  27. says

    Salamu Calaykum
    Wa bacda salaan, Anniga waxaan oran lahaa Harti inta Issin uu lahaa 60kii ka hor waa la yaqaan ee taas arinta Issimada ha loo cesho. oo Issamadii Kacaanka iyo wixii ka danbeeyey la sameeyey halag xayuubiyo magac Isin haddii ay dadkooda rabaan ha looga dhigo NABADOON. Wabilaahi towfiiq

  28. says

    salan iyo mahad bahada horseednet…ka bacdii, walaal ismaaciil xaaji siciid, aad ayaad ugu mahadsantahay, falanqaynta badan ee arimaha siyaasada puntland iyo kuwa bulshadaba ,waxaana leeayahay waxaad ka hadashay arimo wax ku ool ah, iyo khalado badan oo loo baahanyahay in la saxo, sida arimaha siyaasada iyo tastuurka puntland, iyo kuwa ismadaba, insha ALLAH waxaan rajaynaynaa in wax laga qabto….

  29. says

    hadalka dheer ee meeshaan ku qoran ma wada akhrin balse xirmada ka saraysa tixda dambe ee dhahaysa ama ka hadlaysa nidaamka axsaabta badan ayaa aad ii anfacay, taasi waxay meesha ka saaraysaa is qabiil wax ku doonka, waxaa meesha ka baxaaya anagaa reer hebel ah oo meeshaan kaadideydaan u soo cabay, haddii aan hadaba la helin nidaam axsaab badan ogaada in Puntland ay burburayso maxaa yeelay hadda sida wax ku socdaan ee qabyaaladaysan oo hal reer maalinkasta meesha soo fadhiyaan waxba kuma sii socondoonaan.

    talo: ha la sameeyo ururo siyaasadeed oo ku tartama xilka madaxweynaha.

  30. HERSI says

    Dhib weyn baa ka jira issimada soo badanaya ..maxkamad kala faslisana looma sameyn..waxeyna u muuqattaa iney noqdan tusbax oodda laga jaray..haddaan xad loo yelin.

    qabaa,ilada xaq bey u leeyihiin iney sameystaan issim ..laakiin waxaa haboon inaan laga bad-badin.. hadii kale dhibtu isla beeshey kulasoo laabaneysaa .