Burburka DFKMG ee 2aad ma waxaa horseeday shirarkii Brussels iyo Istanbuul?

Waxaa markale soo shaac baxay khilaaf balaaran oo ka dhex dhashay mas’uuliyiinta dowlada Federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, khilaafkan oo u muuqda mid horey usoo maray dowladan isla markaana horseeday burburkii xukuumadii hore ee DFKMG ee uu hogaanka u hayey Cabdullahi Yusuf Axmed, ayaa u muuqda hadana inuu keeni karo burburka xukuumada iyo dowlada hada jirta.

Hadaba khilaafka maanta ku yimid Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh shariif Axmed, xagee buu salka ku hayaa muxuuse uga duwan yahay khilaafkii soo kala dhexgalay Xukuumadihii Prof.Cali Maxamed Geedi, Nuur Cadde iyo Madaxweynihii hore ee Cabdullahi Yusuf Ahmed?

Advertisements

Inteenan u dhaadhicin jawaabta su’aashaasi waxaa muhiim ah in wax yar aynu ka taabano khilaafkii kan ka horeeyey ee burburiyey Xukuumadii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdullahi Yusuf Axmed, uuna Raysalwasaaraha ka ahaa Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde).

Dowlada Federaalka kumeel gaarka Soomaaliya ee lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004, ayaa ahaa mirrihii shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee muddada 2da sano ah ka socday magaalada Eldoret iyo Mbghati, dalkaasi Kenya.

Shirkaasi ka dhacay Kenya ayaa lagu tilmaami karaa inuu ahaa kii ugu balaarnaa oo ay isugu yimaadaan dhamaan kooxihii iyo maamuladii isku hayey dalka Soomaaliya marka laga reebo Somaliland.

Shirkan ayaa waxaa markii ugu horeysay isa soo horfariistay kooxihi ku dagaalamayey koonfurta Soomaaliya iyo maamulkii Puntland iyo waliba dowladii hore ee lagu soo dhisay Carte dalka Jabuuti ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xassan.

Natiijada shirkaasi dib u heshiisiinta ayaa la oron karaa waxay ahaayeen sadex arrimood oo muhiim ah oo bilow u noqon karay heshiisiinta kooxaha Soomaalida iyo dhismo dowlad loo wada dhan yahay.

  1. In la sameeyo Axdi kumeel gaar ah oo saldhig u noqda Dowlada la dhisayo
  2. In la sameeyo Baarlamaan iyo guddoonkiisa
  3. In la doorto Madaxweyne magacaaba Raysalwasaare lana dhiso Xukuumada Kumeel gaarka ah

Hadaba sadexdan qodob waxaa ugu muhiimsanaa Axdiga Kumeel Gaarka ah ee lagu dhisay shirkaasi kaasi oo udub dhexaad u noqday habkii ay Dowlada kumeel gaarka ah ku shaqeyn lahayd isla markaana lagu qeexay awoodaha kala gedisan ee sadexda qeybood ee dowladu ka kooban tahay:

  1. Baarlamaanka
  2. Xukuumada
  3. Maxkamadaha

Waxaa sidoo kale Axdigan lagu qeexay awoodaha Madaxweynaha uu leeyahay, Raysalwasaaraha iyo xukuumadiisa iwm.

Habka ay doorteen kooxihii isugu yimid shirkii Kenya ayaa ahaa in dowlada la dhisayo ay noqoto mid awoodeedu uu leeyahay Baarlamaanka (Dowlada Baarlamaani ah), maadaama aysan shacabka codeyn karin, isla markaana la doonayo in koox gaar ah aysan awooda maroorsan, ayey isku raaceen in Baarlamaanka ay Qabaa’ilkii Soomaaliya sameysteen uu noqdo marjaca ama awooda ugu sareysa ee Dowlada.

Tan iyo intii lasoo dhisay Xukuumadii Prof.Cali Maxamed Geedi waxaa jiray khilaafyo kala gedisan oo dowlada soo kala dhexgalay, kuwaasi oo salka ku hayey murran la xariira siyaasada, danaha beelaha iyo waliba dhaqaale oo soo kala dhexgalayey madaxda sare ee Dowlada.

Khilaafkii ugu danbeeyey ee horseeda burburkii xukuumadii Kumeel gaarka ahayd ayaa salka ku heysay murrankii soo kala dhexgalay Madaxweynihii hore Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Nuur Cadde oo xiligaa ahaa Raysalwasaaraha DFKMG.

Bartamihii sanadkii 2008, ayey ahayd markii Nuur Cadde iyo Cabdullahi Yusuf khilaafkooda sii xoogeystay, xiligaasi uu Madaxweynaha ku dhawaaqay in uu xilka ka qaaday Raysalwaasaraha Nuur Cadde, hase yeeshee go’aankaasi waxaa ku gacan seeray Nuur Cadde oo sheegay in sharciyan uu asaga xilka laga qaadi karo oo kaliya markii Baarlamaanka codka kalsoonida kala noqdo Raysalwasaaraha.

Nuur Cadde oo ka hadlayey Xil-ka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Cabdullahi Yusuf ayaa sheegay in Axdiga uu qorayo in Madaxweynaha uu Raysalwasaaraha magacaabi karo balse uusan xilka ka qaadi karin.

Dhegayso Nuur Cadde oo sheegay in uu yahay Raysalwasaaraha Sharciga ah  Dec. 2008 BBC [powerpress: url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2010/05/nuur_cadde_2008.mp3″]

Axmed Wallad Cabdalla iyo Beesha Caalamka

Beesha Caalamka oo uu xiligaasi horboodayey Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Axmed Wallad Cabdallah, ayaa ku taageeray Nuur Xassan Xussen (Nuur Cadde) inuu sharciga ku taagan yahay oo xilka uu ka qaadi karo oo kaliya Baarlamaanka sida uu qorayo Axdiga kumeel gaarka ah ee DFKMG.

Arrintan ayaa markii danbe keentay in Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed xilka iska casilo, ayadoo Dowlad cusub oo lagu daray kooxihii Asmara fadhigoodu ahaa lagu soo dhisay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, shirkaasi oo uu qeyb libaaxleh ka qaaday Nuur Cadde oo xiligaasi Madaxweyne isu soo sharaxay, walow Shiikh Shariif Axmed oo xiligaa ahaa hogaamiyaha Kooxdii Asmara uu kusoo baxay doorashada Madaxtinimada.

Shirkii Jabuuti ee horaantii sanadkii 2009 ayaa waxaa sidoo kale qeyb qaatay Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hormuud ka ahaa Shiikh Aadan Madoobe, ayadoo Baarlamaanka Soomaaliyana lagu daray 275 xildhibaan cusub oo ka socda garabka Isbaheysigii Asmara ee dowlada lagu soo dhafay.

Shiikh Shariif Axmed oo xiligaasi Raysalwasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa Baarlamaanka wuxuu si aqlabiyad ah ku ansixiyey Cumar Cabdirashiid inuu noqdo Raysalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Hadaba khilaafka hada soo kala dhexgalay Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed iyo  Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ah mid lamid ah kii soo dhexgalay Cabdullahi Yusuf iyo Nuur Cadde.

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa asagu sheegay in xil ka qaadista Shiikh Shariif ku dhawaaqay uu garab maray Axdigii DFKMG, asagoo heysta qodobada Axdiga kumeel gaarka ah lagu qeexayo awooda Madaxweynaha uu leeyahay iyo qaabka Raysalwasaaraha xilka looga qaadi karo.

Walow ay cadahay in qodobakan uu sharciyan ku saxsan yahay Raysalwasaaraha DFKMG Cumar Cabdirashiid siduu ugu saxsanaa Nuur Cadde, ayaa waxaa la yaab noqotay taageerada uu ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Axmed Wallad Cabdallah si deg degleh ugu taageeray Shiikh Shariif go’aankiisa.

Dad badan ayaa is weydiinaya su’aalaha ah:

  1. Maxaa keenay in Axmed Wallad Cabdallah inuu had iyo goor ku dhex jiro khilaafyada soo kala dhexgala Madaxda sare ee dowlada?
  2. Kaalin intee la eg ayuu ku leeyahay Wallad Cabdallah murranka siyaasadeed ee ka dhex jira DFKMG?
  3. Axmed Wallad Cabdallah shalay Nuur Cadde wuxuu ku taageeray inuu sharciyan Baarlamaanka xilka ka qaadi karo, halka maanta uu Cumar Cabdirashiid ku taageeray in xilka laga qaado, Axdigii DFKMG ma wuxuu noqday “la jiifiyaa banaan la joojiyaa banaan..”?
  4. Maxaa ku khasbay Axmed Wallad Cabdallah inuu si deg degleh oo saacado kooban gudahood uga hadlo xil ka qaadisay Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid, xili uusanba jawaab ka bixin go’aankii kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed?

Dhegayso raysalwasaare Sharmarke oo sheegay in uu yahay Raysalwasaaraha Sharciga ah [powerpress: url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2010/05/cumar_cabdirashiid.mp3″]

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa asagu maanta shaaca ka qaaday in xilka aan laga qaadin, oo qaab sharci ah aan loo soo marin, asagoo sheegay in xilkii uu sidiisa u hayo, shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa kasoo qeyb galay inta badan Golaha Wasiirada ee xukuumadiisa, marka laga reebo wasiiro kooban oo ku dhaw Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed.

Wasiiradaasi ka maqnaa kulankaasi Xukuumada yeelatay ayaa waxaa kamid ahaa Shariif Xassan Shiikh Aadan Wasiirka Maaliyadda ahna Raysalwasaare kuxigeen, kaasi oo la hadal hayo in Madaxweyne Shariif si aad ah isugu dhaw yihiin, laguna tuhmo in uu go’aanka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha uu lug ku leeyahay, xili la isweydiinayo dhaqaale badan oo dowlada ku maqan halkii uu mariyey Wasiirka Maaliyada Shariif Xassan.

Shariif Xassan ayaa in muddo ah watay qorshe uu ku doonayo in dalka Soomaaliya lacagteeda ku bedalo mid cusub uu asagu iskiis heshiis ulla galay shirkado shisheeye, arrimahan oo qeyb ka ah xurguf xoogan oo la sheegay inay soo kala dhexgashay Raysalwasaaraha Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirka Maaliyada Shariif Xassan.

Shariif Xassan ayaa asagu ahaa Wasiirkii heshiiska kula galay shirka shisheeye in ay maamusho lacagihii dowlada Soomaaliya loogu deeqay shirkii Brussels ee bishii April 2009 ka dhacay dalkaasi Belguim, ayaa horey Baarlamaanka ugu dhaliileen inuusan heshiisyadaas soo hordhigin Baarlamaanka.

Dhamaan heshiisyadan iyo kuwo kale oo badan oo uu shaqsiyan saxiixay wasiirka Maaliyada ayaa la sheegay inuu taageero kaga helay xafiiska Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed, arrintan oo sii xoojisay murranka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha.

Axmed Wallad Cabdallah Brussels iyo Istanbuul !

Marka laga yimaado khilaafkan oo ah mid aan ku cusbeyn dowlada kumeel gaarka ah, ayaan hada waxaa muddan in wax badan la iska weydiiyo xiliga lagu soo beegay go’aanka uu ku dhawaaqay Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shiikh Shariif Axmed ayaa go’aankan shaaciyey xili uu isu diyaarinayo inuu ka qeyb galo shirka Caalamiga ah ee Dhaqaalaha (Dib u dhiska Soomaaliya) loogu aruurinayo dalka Soomaaliya, kaasi todobaadkan ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Shirkan waxaa qaban qaabadiisa leh Axmed Wallad Cabdallah oo ah ergayga Qaramada Midoobay qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, asagoo horey shir noocaan ah uga abaabulay xarunta Midowga Yurub ee Brussels sanadkii 2009, shirkaasi oo dhaqaale ka badan 250 milyan oo dollar dalka Soomaaliya loogu deeqay.

Hadaba Axmed Wallad Cabdallah oo asagu in muddo ah Siyaasada Beesha Caalamka ee ku aadan Soomaaliya siyaabo kala gedisan u haga ayaa la isweydiinayaa kaalinta uu ku yeelan karo khilaafyada burburka ku keenta DFKMG.

Horey ayey u jireen arrimo badan oo musuq maasuq ah oo dowlada Soomaaliya lagu eedayn jiray kuwaasi oo salka ku haya dhaqaalaha caalamka ugu deeqo Soomaaliya oo mara meelo daahsoon isla markaana aan gaarin meelihii loogu talo galay.

Waxaana horey u jiray Shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Brussel ee dalka Belguim kaasi oo soo maaliya loogu deeqay lacag gaareysa 250 milyan oo dollar, dhaqaalahaasi oo aan illaa iyo hada la ogeyn meeshii ay mareen.

Hadii Madaxweynaha uu kala diray Xukuumadii dalka, qaab caynkee ah buu shirkan muhiimka ah ee Istaanbuul uga qeyb galayaa?  Maadaama uu Xukuumadii kala diray Ma Madaxweynaha kaligiis baa ka qeyb gelin oo Dalka Soomaaliya mateli doona? Habkee buu Shiikh Shariif Axmed caalamka uga hadli doonaa dib u dhiska Soomaaliya, hadii ay burbur ku sugan tahay Dowlada aan 2da sano buuxsan ee uu hogaanka u hayo oo hada khilaafkii ugu weynaa lasoo gudboonaaday?

Shirkan Istanbuul ee dhaqaalaha loogu aruurinayo Soomaaliya waxaa la oron karaa wuxuu soo dadajiyey burburka dowlada DFKMG oo horey murrankii uga dhashay shirkii Brussels ku kala fogeysay Labo shariif iyo Raysalwasaaraha.

I. H.Said
Horseed Media

Comments

  1. Djibouti says

    Le Premier ministre Omar Bravo Sharmarke, s’il vous plaît enseigner à ces gens à lire et à écrire. Monsieur le Premier Ministre vous êtes au dessus et au-delà de votre niveau d’éducation comparer au reste de représentants du gouvernement.

    Nolow resulwasar cumar cabdirashid

  2. says

    Dawlad waxa layiraha dawlad aay ka danbeyaan dhamaan bulsha,aniga dawlada uu sharif madxwenaha uu kayahay awalba manan aqonsaneen,wayo sharif waxa lagu yaqaan inu yahay nin isbadalbadal badan kolba qata shatigu kahelo..

  3. says

    mudanayaal dhamaantin waan idin salaamayaa mida kale waxaan leeyahay hadadan umada usoo wadin wanaag u soo wadin haleeys xilqaamo dad umada wanaag u haayo haloo dhiibo jagada aad isku heysataan hadii kale umada wanaag haloo keeno is qabqabsi umada weey kadaashay in taan kabadan walaalayaal

  4. dhudi says

    Horta Waxaa Guul ah In Dagaalki Gacan ka hadalka ahaa uu Sawaxan isu Bedelay.Waxa Kaloo Mihiim ah Masuul Iskiis isu Casilay Isagoo Aan gori lagu Muquunin.Barlamaan Haa iyo Maya Jiraahdana Uu Jiro.Xaalka Masuliyiinta hada Waxay U Miqataa Shariifku in uu Iscasili Doono Wayo Wuxuu Ku takri Falay Mushin Uusan Barlamanka soo dhex dhigin.Qilaafka Masulitu waxaan u Malaynayaa in Uu Salka ku Hayo Danagaara Ilaashi iyo wada Shaqayn la,aanta Ka dhexeysa.Somaliduse Calamaka Bay eeda Saartaa Wixii Xunba Xaawo baa Leh.

  5. says

    magaceygu waa mahad cismaan cabdi daahir waxaan ku noolahay magalada muqdisho waxaan leeyahay dhamaan masuuliinta doowlada soomaaliya yaanan leeydiinka faa iideysanin khilaafkiina ee adinka dhameya maxaa yeelaykhilaafkaas dadka cadawgiina ah weey ku farxayaan had iyo jeer marka waxaan leeyahay masuuliinta ugu sarsareyso doowlada wax alaala iyo wixii idiin dhaxeyo dhameeya yaanan leys jiid jiidin mudanayaal marka waxan si khaas ah baaq ugu dirayaa madaxweynaha soomaaliya waxaana leeyahay madaxweyne waxaa tahay ninkii lasugayay mustaqbalka marka waxaa lagaa rabaa hoow inaad qabato shaqo dheer ayaa ku sugeyso ee dhaxda dhuuqso waa lagu sugayaa

  6. says

    asc

    sharciga baarlamaanka u yaal ayaa dr cumar ku taagan yahay laba shariifna lacagta soomaliya loo uruurinayo ayay rabaan inay xadaan marka malaha walad cabdallana wax buu laxadayaa waayo arrintii C/llaahi uu kdiiday ayuu SH.shariif ku taageerayaa.
    laakiin dr cumar ku adkayso sharci baad ku taagan tehee hana uga tagin laba shariif masiirka ummadda.

  7. sheekhunaa says

    sc wr wb

    ku raisal wasaare cumar cabdi rashid.

    mudane anoo kugu salaamaya salaam islaam iyo mid ehel nimo. mida xigtaa cumar cabdi rashid waxaan jeclahay in ay guush ku raacdo sababta oo ah ma tihid nin somalia danbi ka galay!mida xigta dadka kugu xeeraysan qaarkood waa rag danbiyo qaran galay qaarana waa rag galay danbiyo qabail. qaarna waa waa ragii somalia dulmiga u horseeday! sidee uga bad baadi kartaa mowjadahaan.

    aduunka inaad sheegtaa somalia u bahan tahay masuul cusub u qabilsan arimah somalia, 2 inaad maxkamad u furtaa raga ku lug leh musuqmusuqa unka raga dhibka ku haayo tageerayo xasiilino darada.

    sida qabqablayashii dagaal oo ah xildhibaan iyo ragii wadanka soo galiyay argagaxisada una furay in ay noqoto meel ay ku dhuumalaystaan. sida dadkii ka qayb qaatay dowlada in ka soo qayb galaan rag danbiyo qaran iyo shacab galay. ugu horeeyo madax waynaha. aadan madoobe.iyo wasiiro ka mid ah golahaga. sida indha cade. janaqow.raga musuq maasuqa sida ibi sakin, jurela.cabdi shakur. iyo rag kale oo aad iga xooga ogaal san tahay in hantida ay wadanka ka dhaceen laga xanibo!.
    in aad u qortaa un midowga euraba iyo igad jamacada carabta in ay somalia dowlado dano gaar ka kale ku hayaan faro galin.inaad sida ugu dhaqsiyo badn la samaysaa xariir

    inaad la samaysaa xariir puntland. sida ugu dhaqsiyo badan.markaasna la qaadato wadatashiyo

  8. Maxamad says

    hore ayaa loo sheegay in somalia ayey ku jirto wisaayada UNta ama trusteeship aan la shaacin. ninka Governorka ka ahi waa Walad Cabdalle, sidaa darteed ma jirto cid ka daba hadli karta illa inta xukunka wisaayadda laga baxayo

  9. says

    Waan salamayaa qoraaga Ismacill waa waa leader somaliyeed maskaxdaada iyo aqoontaadana somaliyoo dhan baa u baahan we so proud of you my freind.
    Waxaan aaminsanahay horta burbur wax ka xun majiraaniin laakiiin laba shariif hala iska dhiciyo yaan lagu haleeynin Cumar Abdirashid anagoo dhan oo ka kooban somali waa in aan bad baadinaa hantida qaranka iyo sharaFTA UMADA Cumar na waa raysuwasaare ee ma dhicin. Sharcigana ma yuu yaqaan shariif ee ha waydiyo shariif xasan asgaa ilbax u ahe.

  10. says

    asc anuu waxan leeyahey waxaa kala saari kara waa barlamaanka somaliya oo ceyriyay aadan madoobe waa ragga waayo aadan madoobe wuxuu ahaa nin itopia meesha u jooga shariifka hadii sharciga i laalin waayo ha laceyriyo isna c,c, sharmaake waxaa ceyrirka waa barlamaanka walad abdale waa la soo ibsadey waxaan lee nahey yaanu ku dilin hadaan nahey somaliye nadaa aad muritaniya maryaha jiidi jirtey

  11. oday bari says

    acw
    aad buu u mahadsanyahay ismail runtii waxaa aad iisoo jiita qoraaladiisa hufnaanta iyo miisaanka leh,runtii go aanka sh shariif qaatay mid seeflabood ah inuu yahay way iska cadahay cumarna sharci ayuu ku taagan yahay waa hadiiba sharciga la ixtiraamayee.axmed walad c/lah wuxuu la jaar yahay cidii markaa bur burinta uu soomaliya kuwado kala qayb qaadata sidaa daraadeed bay isugu dhaceen c/lahi yusuf kadib markii laga fushanwaayay sidii larabay dabcan cumarna waa muwaadin mana ogola dibin daabyada soomaliya waana midaas mida ahmed walad a/lah uu markiiba ku hambalyeeyay,sh shariir waa nin badwayn galay asagoon dabaal baran wuuna ku haftay

  12. says

    waxaan maqli jiray a quick fox jumps over the lazy dog.cumar nin qabow oo sahlan buu u egyahay oo dadku moodaan laakin shariifku wuu dhayal saday. sharif waxan leeyahay madaxweyne caqligaaga ku soco qof kugu lux luxan oo dan gaara leh meel ku gaarsiin maayee.weled cabdal(hogaamiye kooxeedka ku so biirey masraxa siyaasada somalia)waxaan leeyahay kuwii kaa horeeyeyba khayr kalama tegin somalia

  13. says

    hal xaaran ah nirig xalaal ah madhasho
    waxan ulajeda dowladdan awal ayey meesha xaqdarro kutimid hayeshee habakutimaado xaqdarro e su aashu waxa weeye nidaamka dowladdu waa nidaam noocee ah ma dictaroshep ma parliamentry mase islamist ok kaba soqaad inay tahay parlimentry marka waxa iska cad in madaxweynuhu uusan fahansanayn gabi aanba parlimentry system waxa layirahdo taasina waa waxa kukalifay inuu wixii afkisa soomara kuhadlo waayo shiikhu wuxu ahanjiray iyo meesha lageeyey waxay ilatahay ninna looga sheekaynmaayo marka layaabimayno inuu kala garanwaayo awooddiisi iyo middi parlamanka waxan kutalinaya in dib loo aqriyo ahdi qaramedka

  14. says

    CAJAAIB, SOOMAALIDU WAXAA AY KU MAAHMAAHDAA CANQOWKA ISKU DHUFTE ASAGA U DHUTIYA, HADALKII SHALAY IYO KII MAANTAY EE WALAD CABDALA EE NUUR CADE IYO SHRMA’ARKE SIDEE AYUU ISKU WAA FIJINAYA TAAS WAXAAN U QAADANAYNAA
    WAXAA AY SOO DA DAJISAY IN BEESHA CAALAMKU KA AAMIN BAXDO OGAATAYNA IN UU KU FASHILMAY SIYAASADA SOOMAALIDA WALAD CBADALA, KANA MI YAHAY HOGAAMIYE KOOXEEDYADA SOOMAALIDA BURCAD BADEEDNA ISKU SII BADALI KARA HADAAN HADA SHAQADA LAGA CAYRIN

  15. says

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Cumar rag rag dhalay waaye, sidaasaa la rabaa inuu markiisa u aargudo Walaalkiis madaxweynihii wadaniga ahaa ee C/laahi Yuusuf Axmed.
    Walad Cabdalla waxaan u arkaa inuu yahay nin ka macaasha khilaafka siyaasiyiinta Soomaalida. Cumarow Geesinimadaada waxaa la rabaa inaad ku kaliftid Shariif Axmed inuu is casilo.

    • Halima says

      asc
      Anigu waxaan qabaa in ninkaan imtixaanka ah ee walad Abdalla la iska qabto. Waxaan soo jeedin lahaa soomaalida sidporaha ku nool inay qaban qaabiyaan ashtago ay ku muujinayaan gaymka khaldan oo uu soomaalida kula dhex jiro.Sida dhaqanka walad Abdalla ka muuqata waa furaha beesha caalamku u adeegsato inaan soomaliye waligeed hishiin ama aysan xal dowladnimo helin marka soomali waxaa la gudboon inay marka hore Ilaahood ku tashadoon kuna kalsoonaadaan, marka xigana iyagu isku tashadaan, walad cabdalla iyo beel caalamna iska illaawaan.
      That is the only solution remains for them. Ilaahow na badbaadi oo bohosha aan ku dhacnay naga soo saar

  16. says

    kkkkkkkk,aad baan ugu hambalyaynayaa qoraaga warbixintaan soo diyariyay ,waxlalayaabo maahan khilaafkaan hada jira waayo waxaa dowladaan 2km joogta majaraha u haya nin maafiyaa oo caadaystay inuu iska horkeeno dadka,maaliyadii soomaliya loo ururiyayna bangiyada caalamigaa buu kabuuxsaday.ninka madaxwaynaha ka ahna maahan axad leh karti iyo aqoon hogaaneed,kan raysalwasaaraha sheeganayana maahan axad isaguna leh khibrad xaga siyaasada ah oo xagaas iyo canada buu naga soo galay.waa wadan maafiyo gacanta u galay ilaahow adaa noo maqan

  17. faadumo says

    cumar cabdirishiid dawldiisu waa jidhaa shariif ayaa raba inay burburto meeshu aadan madoobe haduu xilkii kadmdy cumr xilk kama dhamaan dawldii 2kmtr ama meeshaa bayku baabi ama cumar waa joogy ama halkaasbayku burburi ama cumr waa joogy hadalku inaatsbuu ku egyhy soomalinya dhulkasta dawld madaxbanaan buu ku dhawaqan puntland isaaqland jubaland ….. shariif qabrigii abihii banaankaa loosoo gury cumar waa raysal wasarha 2kmtr waanajooogyaa