Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Maraykanka oo Ka Hadlay Khilaafka Dowladda Federaalka

Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta u saraysa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Safaarada Maraykanka ee dalka Kenya  oo war Saxaafadeed soo saartay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay khilaafkaas ayadoo ay sheegtay in aan xilligaan loo baahnayn.

Waxaana ay sidoo kale sheegtay in ay la socdeen  muraanka maalmahii taagnaa taas oo  u dhaxeysay Gudoonka Sare ee Baarlamaanka iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka, ayadoo markii ay dambe uu khilaaf ka dhex bilaabmay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’isulwasaarihi hore Cumar C/rashiid Cali.

War Saxaafadeedka ayaa Dowladda Maraykanka ka codsatay Dowladda Federaalka in ay  xal u hesho arimahaa isla markaana loo baahanyahay midnimada lana tixgeliyo heshiiskii Jabuuti.

Horseed Media

RELATED STORIES

2 Responses to “Maraykanka oo Ka Hadlay Khilaafka Dowladda Federaalka”

  1. Aad ayaan ugaxumahay burburka dowlada kumeel gaarkaa.oo soo gaaray bulsho iyo wadan burbursan.
    waxaan kaloo aad ugaxumahay in nidaam kaliya oo wadanka kashaqaynayay 20 kii sanoo udanbanbaysay uu yahay nidaam aan kala jabin marna kaasoo ah nidaamka qaadka lagukeeno.

    Laakiin marna soomnaalidu ma is waydiisay Qaadu inuu kamidyahay waxa dowladi loo la yahay.

    hadiise lahelo umad fiyow oo habeenkii seexata malagayaabaa inaan helo dowlad kaladanbayn leh.

  2. waa cajiiiiiiiiiiiiib maraykanku wuxuu kamid yahay dowladaha na curyaamiyey cuqubo haku dhacdee