Ciyaaryahankii hore ee naadiga Valencia David Villa ayaa la xaqiijiyey inuu ku biiray kooxda Catalonia ee Barcelona,ka dib uu maanta oo jimce ah maray baaritaan dhanka Caafimaadka ah oo uu ku guuleystay.

Villa oo 28-sano jir ah ayaa saxiixay qandaraas gaaraysa 4-sano,waxaana ay naadiga Barcelona kusoo iibsatay oo ay kasoo bixisay lacag dhan £34.2m.wuxuuna intaa ka dib Shir Jiraa’id qabtay sheegay;
”Qof weliba wuu ku faraxsanaan lahaa inuu yimaado naadi kan la mid ah,siduu qof weliba sheego,Barcelona waa naadiga ugu fiican addunka”,ayuu yiri David Villa oo ku faraxsan ku biirista kooxda Barcelona oo sanadkaan si dirqi ah ku qaaday horyaalka dalka Spain ee La liga.

David Villa intuu u ciyaarayay kooxda Valencia mudo shan sano ah wuxuu dhaliyey 107-gool isagoo safta 166-kulamo oo keliya.
Waxaa muuqata in ciyaaryahanka u dhashey dalka Faransiiska ee Thierry Henry inuu daaqada ka baxay isla markaana booskiisa waayay,isagoo laga yaabo inuu isaga tego kooxdaas.waxaana jirtay warar sheegaaya inuu wada hadal kula jiro koox ka dhisan dalka Maraykanka.

David Villa ayaa sabab u ahaa koobkii ay hanteen xulka qaranka Spain sanadii 2008-dii ee loo yaqaano EURO oo ay ku wada ciyaaran wadamada ka dhisan qaarada Yurub.
Kooxda Barcelona ayaa sidoo kale baadigoob ugu jirta ciyaaryahan Francesc Fabregas ee u ciyaara naadiga Arsenal ee dalka Ingiriiska,waxaana laga yaaba in ay lasoo wareegto.
Horseed Media
Sports News
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!