Ururka Xisbul Islaam ee ka arimiya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Hay’addaha Samafalka ee ka howlgala halkaas in ay joojiyaan shaqada.
Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee gobolkaasi Shuuriye Faarax Sabriye oo Shir Jiraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi ayaa ku amray dhamaan Hay’addaha samafalka ee ka howlgalada Beledweyne ay mudo 24-saacadood ku xiraan xarumahooda ama xafiisyadooda.
Wuxuu ku eedeyey in aysan wax u qaban dadka danyarta ah ee ku dhaqan gobolkaasi isagoo sheegay in dhowr jeer oo hore ay ugu baaqeen in ay u gargaaran dadka danyarta ah ee aan waxba haysan.
Hay’addaha Samafalka ee ka howlgala gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne ayaa weli ka hadlin amarkaan loo jeediyey.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!