Lamaane u dhashey dalka Britain Paul iyo Rachel Chandler kuwaas oo afduub loogu haysto Gobolka Galguduud, ayaa waxaa waraysi cusub ka soo qaadey weriye Soomaali ah oo la yiraahdo Jamaal Maxamed.
Muuqaalka cusub ee laga soo qaatey lamaanaha afduubka loo haytso ayaa waxaa laga daawaday Telefishanka Channel 4, Weriyaha ayaa sheegay in burcadda afduubka u haysta labada qof ee u dhashey dalka Britain aya ka kexeeyeen magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, ayna aad u jaahwareeriyeen si aanu u garan meel uu ka baxay iyo meel uu tagey.
Jamaal ayaa soo sheegaya in xaaladda Caafimaad ee Paul iyo Rachel ay ahayd mid wanaagsan, oo ka wanaagsan muuqaalkii markii hore laga soo duubey, inkasta oo jirdil loo geystey taas oo sababtey in Rachel uu ka dhaco mid kamid ah ilkaheedi.
Paul iyo Rachel ayaa fariin u direy raysalwasaaraha Britain waxaana ay ugu hanbalyeeyeen guusha uu gaarey, laakiin waxa ay ka codsadeen in uu wax ka qabto xaaladooda oo uu gacan ka geysto sidii loo sii deyn lahaa.
Paul Chandler ayaa sheegay in aysan ahayan kuwa haystaa burcadbadeed ee qaddiyadoodu tahay afduub loo geystey dad British ah. Waxa ay sheegeen in ay aad u tabeen saaxiibadood iyo qaraabadoodi, isla markaana ay noloshoodu tahay mid khatar ku jirta.
Wasaaradda Arimaha dibadda ee dalka Britain ayaan weli wax ka badalin qaabka ay ula dhaqanto dadka denbiilayaasha ah ee afduubka kula kaca dadka u dhashey Britain kuwaas oo dalbada madax furasho.
Daawo Muqaalka Cusub
waxan anii dhiihi lahaa dadkaan duqooshta ah iskaa siidaya waayo dhulkodaa waxa kunol somali badan markaa waxa fiican saan dadkaa somalida ah lodhiibin inaad dadkan sii deysaan hadana somalayi iskuu xishoot oo wax iskulaa hadhaa hungurun haa radiina waxaa dhulkiina saa ugaalay waa hunguri waxa layiiri badaa waxa qurmiya hal kalun somalina waxa qurminaya dad yaro jiiri ah oon dad iyo daal iyo diin tonaa garaaniyn
Nimankani haysta dadkani,waa in aan looga harin danbiga ay gaysteen,waxaa la wadaaga inta gacanta ku siisa,oo leh dad kala duwan kuna nool deegaanka xarar dheere iyo degmooyinka u dhow,waa danbiilayaal ay banaantahay in,inta la soo qabto lago ciqaabo,dil toogasha ah,waa wuxuush aan,dad-qalato ah,waxa ay ceeb ku tahay,dhaqanka soomaalida,taa waxaa ka daran dadka degaanka oo aan arintani waxba ka qaban,waxaa la iswaydiinkara ,sababta ay u ugolaadeen,in la arko,iyo wariyaha iyo kooxda xiriirka ka dhexeeya,malaga yaabaa in ay dicaayad u tahay kooxdaan argagixisada ah,waa arin baaritaan u baahan?