Faallo: Doorashada Shariif Xassan Kadib

“…Anna Ceelalyada Baas  Caraabada Waxaan Cagta Soo Rogaba Caynaankii Heloo Waan Hayaa…”

482 Maalmood ayaa laga joogaa habeenkii la doortey Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif, goobtuna waxay ahayd Jabuuti, waxaa socdey wada xaajood hoose, baarlamaankii waa faa’iidey oo 100% ayuu dhalay waxaana uu gaarey 550 xildhibaan, waqtiga 8 bilood ayaa u harsanayd waxaa loogu daray 2 sano, Shariif Xassan durba damac ayaa qaadey waxa uu soo istaagey doorashada Madaxweynaha waxaa ka horeeysa kan Shirguddoonka, Adan madoobe waxays yiri ar isma casilin waana roogaa oo ma dhiman “siyeed bilood yaa iinherti”,  Shariif Axmed oo kursiga Madaxweynaha habeenkasta ku riyooda ayaa qanciyey saaxibkiis Shariif Xassan, laakiin heshiiskaas laguma muujin in shirguddoonka iyo baarlamaanku isla dhacayaan laba sano iyo sideed bilood kadib, heshiiskaas waxa uu muujiyey sida Shiikh Adan Madoobe hawsha siyaasadda ee uu faraha la galay uga dhacsanaa, waraysi danbe uu baxsheyna waxa uu ku qeexay in sideed bilood u hartey, Shariif Xassan waa nin caqli badan sideedii bilood markii ay dhamaatey, damiciisi waa dabooley sababtuna waxay ahayd Dawladdu waxaa ku socdey weerar joogto ah isla markaana lagu soo ururshey meelo kooban, inkasta oo reer Galbeedku u soo gurmadeen.

Bishii Janaayo sanadkan 2010 ayaa xildhibaan Islow dilaaciyey sheekadii u daahsooneyd Shariif Xassan, waxay soo socotaba,  Jabuuti ergo soo dirtaba, Walad Cabdalla baaq soosaraba arinto ma joogsato ileyn mawjad xoogbadan ayaa gadaal ka taagan, waxaana ay ku soo dhamaatey in Maanta (28.05.2010) Shariif Xassan caynaankiisi dib u helo 3 sano iyo shan bilood kadib.

Isbedel caynkee ah ayaa la filanayaa?

Shariif Xassan waa nin awood  jecel, isla markaana hadal deggan, ku adkeysta waxa uu rabo,  waxaana lagu tilmaama siyaasiga ugu shacbiyada yar  waxaana uu  isbedbedelkiisi badnaa ku waayey taageerayaal badan ee uu ku kasbaday diidmadii ciidamada safka hore in ay Soomaaliya soo galaan inkasta oo uu gadaal ka saxiixay in Itoobiya xitaa soo geli karto, sanadkii 2006 ayey ahayd markii iigu horeysey ee aan la kulamo, waxa aan aad u dhegaystey waxyaabo la weydiinaayo sida uu uga jawaabo ama qofka u qanciyo, waxaaana ka waayey hal arin oo uu si cad uga jawaabey, waxaa hubaal ah in uu matoor cusub guddoomiyuhu saarayo Dawladda Shiikh Shariif.

Shariif Xassan waxa uu xiriir dhaw la lee yahay Madaxweynaha oo ay ahaayeen mataano aan meelna u kala harin, inkasta oo khilaafkii baarlamaanku uu mugdi soo kala dhexgeliyey kadib markii Madaxweynuhu dalbaday in khilaafka la joojiyo Adan Madoobe loo oggolaado in uu uu shaqadiisa sii wato, muddadaas yar waxaa ay aad isugu soo dhaweysey Shariif Xassan oo ahaa mashiinka afuufayey khilaafka iyo Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid.

Xukuumad Cusub oo Adam Madoobe xubin ka yahay?

Sida muuqata talaabada labaad ee ku xigta doorashada Shariif Xassan waa in la dhiso Xukuumad cusub, xukuumadan waxaa looga faa’ideysan doonaa in banaanka la dhigo ragii la safnaa Shiikh Adan Madoobe isla markaana dagaalka ku qaadey Shariif Xassan, waxaana lagu hirgelinayaa heshiiskii Ahlu-Sunnah Waljamaaca, inkatsa oo ururkaasi uu yahay mid ay u hadlaan rag badan oo hadaladoodu iska soo horjeedaan, Xukuumadda cusub ayaa la saadaalinayaa in ay noqon doonta mid ka tiro yar tii hore ayna ka muuqdaan wejiyo horey uga dhexmuuqan jirey dawladihii hore.

Khilaafkan oo la dhihi karo ninka sida weyn ugu khasaarey ee Shiikh Adan Madoobe ayaa la filayaa in uu xubin ka helo xukuumadda cusub taas oo ah balanqaadkii madaxweynaha iyo Axmed Ould Abdallah, laakiin waxaa dhici karta in uu noqdo wasiir aan macno ku dhisneyn.

Kalsoonida Baarlamaanka ee Xukuumadda

Kadib marka la dhiso xukuumadda cusub waxaa Raysalwasaaruhu ku khasban yahay in uu weydiisto kalsoonida baarlamaanka waaba haddii xal loo helo khilaafka isaga iyo Madaxweynaha dhexyaala, helida kalsoonidu waxa ay ku xiran tahay sida Shariif Xassan uu wax uga maamulo magacaabista xukuumadda cusub, waxaa dhici karta in meeshaan ay noqoto halka lagu legdo Cumar Cabdirashiid oo adkeysi iyo geesinimo muujiyey khilaafkii u danbeeyey, hadii uu kalsoonida waayo, Shariif Axmed waxaa uu fursad u helayaa damiciisi dastuurku ka horjoogsadey.

Khilaafka Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa khilaaf ba’an dhexyaalaa, waxa hoggaanka u qabtey nin ay si wanaagsan u yaqaanaan, sanadkii la soo dhaafey wax mushahar ah may qaadan, inkasta oo waqtiyada khilaafyada mushaharka laa qaataa 1000 jeer ka wanaagsan yahay mushaharka caadiga ah, Guddoomiyaha cusub ma ahan nin lagu yaqaan in uu xaliyo khilaafka baarlamaanka laakiin waxa uu aad ugu fiican yahay sida laba kooxood loogu qaybiyo kadibna loo xukumo, doorashadii hore ee 2004 ayuu khilaaf dhexdhigay kulankii u horeeyey kadib markii Cali Geedi xukuumadda soo dhisey khilaafkaas oo socdey muddo laba sano iyo bar ah, kadib mideyntii Xildhibaanadii kala fadhiyey Jowhar iyo Muqdisho ee la isugu geeyey Baydhabo, waxa uu ku dhexjirey muddo ka yar 6 bilood waxaana hillaac uga baxay meel kale, taas oo muujineysa in Shariif Xassan ay ku adagtahay in uuba hogaamiye meel mideysan, doorashada Shariif Xassan kadib waxa ay horseedeysaa in Baarlamaanku waayo kooram ku filan oo uu ku shiro kadib marka ay ka yaacaan qaar badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Waqtiga Dawladda u harsan

Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif oo ahayd midii beesha caalamku ugu taageerada badneyd ayaa haddana ahayd middii ugu waxqabadka liidatay isla markaana dhulka ay ka taliso uu aad uga yaryahay xitaa tii Cabdiqasim Salaad, khilaafka iyo hoobiyaha ku socda ka sokow waxaa dhawaaqaya dawanka waqtiga u haray saacadduna waxa ay u foorarsatey heer dhamaad ah sanadka 2011 bisha lixaad waqtigii dastuuriga ahaa waa ka dhamaadey, waxaana la is weydiinayaa 2 sano iyo sideed bilood waxa ay ku dhamaatey, heerka Dawladda Federaalku ay joogtey maalintii uu iska casilaayey Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo heerka maanta ay taagan tahay.

Ugu danbeyntii xildhibaanada Baarlamaanku waxa ay cagta saareen raad arooryaad Soomaaliduna waxay tiraahdaa Raad arooryo dib looma qaado,  mashiinka soo dhexgalay dawladdu yuu qaadi doonaa ma madaxweynaha oo la sito ayeynu arki doonaa? mise Raysalwasaaraha ayaa dabinka loo dhigey oo Baarlamaanka ku hor kufaaya?, mise Dawladda oo dhan ayaaba la liqi oo la isweydiin meel ay martey?, mise dawladdu guul ayey gaari  maamulkana waddanka oo dhan ayey gaarsiin? jawaabaha waqtiga ayaan u deyney.

Ismail H. Said
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.