Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Rugta Ganacsiga Puntland Oo Tababar U Soo Xirtey Ganacsato (Sawiro)

Rugta Ganacsiga Dowladda Puntland ayaa tababar u soo gaba gabeysay qaar ka mid ah ganacsatada Shirkaddaha ka howlgala magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari,waxaana uu tababarka ahaa mid lagu baraayay kor u qaadida xirfadahooda ganacsi.

Munaasabad lagu soo xiraayay tababarkaas oo socday mudo 13-cisho ayaa lagu qabtey xarunta Rugta Ganacsiga,waxaana kasoo qaybgalay masuuliyin ka tirsan Dowladda Puntland,Rugta ganacsiga iyo ganacsato.

Guddoomiye kuxigeenka ahna sii hayaha Guddoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Siciid Cismaan Ciid oo ka hadlay munaasabada ayaa mahadnaq ujeediyey ganacsatada ee tababarka loo soo gaba gabeeyey,wuxuuna ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan waxaa la baray.

Sidoo kale wuxuu soo dhoweeyey howlgalkii dhowaan ay Ciidanka Puntland kusoo furteen Markab xamuul ah oo ay Burcadbadeedu afduubteen.

”..Anoo ku hadlaaya magaca Rugta ganacsiga waan soo dhoweynayna howlgalkaas,waayo waxyaabahaas waxaa ay ka mid yihin waxyaalaha caqabada ku ah ganacsiga..”,ayuu yiri isagoo mahadcelin ujeediyey Dowladda Puntland.

Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka Badda Puntland Siciid Maxamed Raage oo ahaa masuulkii lagu casumay munaasabadan ayaa isna halkaas hadalo hambalyo iyo dhiiragelin ujeediyey ganacsatada tababarka loo fidiyey,wuxuuna ugu baaqay in ay ku howlgalaan xirfadaha hor leh ee la baray.

Siciid Maxamed Raage ayaa ka codsadey dhamaan ganacsatada in ay gacan ka geystaan amniga ganacsiga gaar ahaan Maraakiibta u soo socota dekadda Bosaaso.

Faarax Xaaji Mire oo ah Madaxa Xirrirka Dadweynaha ee Shirkadda Golis ayaa isna halkaas ka hadlay,wuxuuna soo dhoweeyey tababarkaan loo fidiyey ganacsatada ka howlgasha magaalada Bosaaso isagoo ku tilmaamay mid faa’ido badan ah.

Dhamaan dadkii ka hadlay goobtaas ayaa mahadcelin gaar ah ujeediyey rugta ganacsiga Puntland oo soo qaban qaabisay tababarkaan,waxaana ka faa’ideystay oo loo qabtay ilaa 40-ganacsato.

Cabdisalaan Axmed Shire

Horseed Media

RELATED STORIES

5 Responses to “Rugta Ganacsiga Puntland Oo Tababar U Soo Xirtey Ganacsato (Sawiro)”

  1. Bulo says:

    Meesha Rag In wax Looqabtay baa ka Muuqata. Dumar kama Muuqdo. Dumarka waa In ay Badda Sbaaro Dhigtaan oo Maraakiibta Biyaha Maraaya Lacag Baad ah ka Qadaan Si Mashaariic Shaqo Abuur Loogu Sameeyo Anaga Xawaleey Hadaan Nahay Fadhi Noomayaal.

  2. mudug_ladY says:

    maasha alah alow ganacsatadeena noo daa oo hantidooda u barakee aamiin reer puntland waxaa idiin rajeyn horumar iyo barwaaqo iyo hanti maalqabeeno inaad noqotaan dhamaantiin.. aamiinn

  3. FARXAD says:

    HORUMARKA OO KOR DHAYA DOWLADA OO QABANAYSA DADKA OO KA FAIDAYSANAYA

  4. CID says:

    waa guul waa loo baahan yahay in dhalin yarada wax labo mida kale shaqo loo sameeyo guul guul

  5. Wadani Puntlander says:

    Waa guul iyo horamar la garaay.