Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Sawiro aad u qurxoon oo laga soo qaadey goobaha roobabku ka da’een

Akhriste ka mid ah akhristayaasha qiimiga leh ee Horseed Media ayaa gaarey goob ka mid ah goobaha roobabka lixaadka leh ka da’een ee deegaanka Qardho, akhristaha ayaa noo sheegay in uu socod ku tegay deegaanka Mindhiciro oo dhanka waqooyi 15km kaga beegan xarunta gobolka Karkaar ee Qardho, waxaana uu halkaas kula kulmey dad xoola dhaqato ah, waxaana uu ka soo direy sawiradan qiimiga leh iyo warbixinta hoose:

Bilihii aynu kasoo gudubnay,gaar ahaan bishii May waxa ka da’ay,deegaanada gobolka Karkaar roobab lixaad leh oo dad iyo duunyaba lagu diirsaday.Haddaba waxaan booqday dooxada Mindhicir oo hillaada 15km u jirta degmada Qardho,waxaan ku soo arkay barwaaqo ilaah ku minnaystay halkaasi,meel walba waxaa ka muuqday doog iyo xareed wadhan dhulka oo idil gaar ahaan ceelka Mindhicir.Waxaan waraystay mid ka mida xooladhaqatada halkaasi ku nool oo ii sheegay inaan la arag roob caynkana muddo ku siman soddomeeyo sano “Wali ma arag roob ka biriq iyo hanqar badan noloshayda oo runtii waanuba baqnay!” ayuu yiri ninkaas.

Waxaan sidoo kale waraystay Maxamed Jaamac dheere oo isagu inta badan dega deegaanka mindhicir waxaa wajigiisa ka muuqday farxad iyo rayraynta barwaaqada wuxuu ii sheegay inay xoolihii u darareen Lo iyo ariba oo la liswaayey ciirtuna jug leedahay

Dhinaca kale waxaan arkay haweenka oo ku ururuya geed wayn oo damala hadhkiisa si ay u akhriyaan waxa la yiraahdo MADIIXA oo haweenku akhriyaan xilliga bari samaaga waxay luuq dheer ku qaadayeen heeso iyo ereyo kala duwan oo af soomaaliya oo ay ilaahay uga shukrinayeen cirka hooray dartiis.

K. Awmuuse
Qardho

16 Responses to “Sawiro aad u qurxoon oo laga soo qaadey goobaha roobabku ka da’een”

  1. fuqayare says:

    scwwbktuhu.intaas waxaa dheer alle waxaa uu inagu iigaayaa wax uu ina siiyo hadii eebbe loo mahadnaqo. wuu inoo siyadinaayaa, ha ladaayo ha,ad baa waxnoohaysa ,wax mahayaane eebbe ayaa waxwalba haya oo awooda taas yaa diidan wabilaahi tawfiiq fuqyare. caluula iyo bargaal biyaha sayn baan kaimi

  2. abdiaziz says:

    SCWW, Illaah baa mahad leh nimcada iyo barwaaqada illaah ku manaystay dhulkii, waxaan inaku waajib ah in alle nimcadiisa lagu shugriyo, soomaaliya nabad iyo barqaao illlaah hak dhigo sawiradani waxay i soo xusuusiyeen 35 ka hor anigoo lo’dii jaamac dheere oo ceel haare, dadboone, uuri, ceel mur iyo afarta dulood ee Qardho oo illaah barwaaqo ku manaystay lo’duna subax iyo galaba la lisaayo alla dhulku fiicanaa, sawiradan oo kale soo dira fadlan istambada horseed ee dhexda kaga jirta ka daayo si loo xafido, xaquuqda sawirka lama ankirsana laakiin fadlanka daaya stamka horseed ee dhexda taasi waa codsi saaxiibayaal ,

  3. maansha allah waxa i qanciyey nimcada ilaah kadib waxan ilaah oogu mahad celiyey sida diinta loo fahmay gabar ari la jirta oo xijaab xidhan allow umada saan ku wad mansha allah

  4. Jagfe says:

    Salaan Sarre bahda Horseedmedia.
    Thnx Thnx Brothers and Sisters of Horseedmedia the Job you are doing for your People.
    Why other Websites and Radio of Puntland can’t, wouldn’t and don’t do the Job you do Horseed for your fellow Somalians?
    Maybe they ….. don’t get it…. what is Journalism!
    I enjoyed looking and watching these amazing Pictures of our Land. Thnx again and keep up the good work.

  5. atnaan says:

    Asalama alykum wa rahma marka hore waxan u mahadnaqa yaa bahda reer horseedmedia oo suurta galiyay arintan marka labaad waxaan leeyahay alhamdu lilah ilah ayaa mahadaas iska leh quruxda ka muuqata iyo barqaada alle mahadiis waye……. anigu waxaan leeyahay umadu haday violence iska yarayso alle barwaaqo iyo rayn rayn ayuuu siiyaa ….

  6. Oday Caraale says:

    masha’allah waan ku farxay waa in dadka puntland ay rabi utakadaan salaad mahadnaq, subxaanalaah watacaalaa ayaa ku maneestay barwaaqadaan. war dadka xoolaha lahoo yaan la hilmaamin reeraha masaakiinta iyo agoonta iyo inta dhiban zakada iyo sadaqada ku dadaala in rabi idiin siyaadiyo nimcadaan. Masha’allah war reer qardhood xamraawi ah baan ahay weligeey ma’arag laakiin waan maqlay meesha ee rabi u mahadnaqa, Duqa magaalada waan ku salaamay, iyo culumada, cuqaasha oo dha.

  7. Muse says:

    mash allaah maasha allaah axamdulilaah alxamdulilaah

  8. salma says:

    salan sare walalayal illaahay ayay mahad u sugnatay baraawaqada dhulkii ka dhacaday wasee in illahayga na siiyay aan la casiiyin oo loo mahad naqa

  9. J.Botan says:

    Bismilaah, asc

    Maashaa allaah waa Barwaaqo Allah loogu shukriyo,Qof walboo arkana aad ugu farxayo allow u siyaadi ummadaas nasiibka u yeelatay dhulkaa udgoon oo CIIRTU JUGLEEDAHAY!

    Wabilaahi Towfiiq

  10. Dhakaar says:

    Belo, Belo, Belo

    Boowe quruxbadaan mindhiciro.

    Tolow Lo’dii reer Cali Qood halkan sooma gaari jirinee matii reer Aw-Muusaa.

  11. qardhaawi (حتي النخاع) says:

    ياطير ياطير والي قرضو رائح خبرني عن حالي مشتاق انا مشتاق دمع البعد حراق . وشكرا لكم جميعا هذه بلادي

  12. fooleeye says:

    maasha laah ilaahay baa mahadaaa iskaleh ilaahay ha inoo si yaadiyo inagana ha inakadhigo kuwii ku shugriya barwaaqadaas ilaahay keenay wiilka noosoosawidhay waxaan leeyahyay kakadhaalin ee noosoo sawir inbadan si ay ula socdaan dadka wadan ka dibada ugamaqan waana ku mahad santahay

  13. Yasmin Siciid says:

    Ascwrwb horta waxaan u mahad celinayaa intii soo diyaarisay sawiradan quruxda badan runtii waa sawiro qurux badan illaahay barwaqo ayuu ku minastay wadankii illaaahay nagama dhigo kuwiku caasiya barwaqadada illaaahow noosayaadi intan haysana sii aaaaaaaamin waxanba ka sii helay dumarka geedka damalka ah harsanayaa deedna madiixayaa xasuus.com damaladii qardhood aniga oo harsanayaa ayaaba i baxday kkk sidoo kale sawiradan waxaay igu kalifeen inaan iminka baxo masha allaaah illaaahow igu sin barwaqadan byeeeeeeeeee yasmin

  14. Farax says:

    Beautiful sight. Never thought Qardho was this green.

  15. sheekhunaa says:

    sc wr wb horta waxaan ugu mahad noqayaa wiilka soo qaaday sawirkaan waxaan ku leeyahay aad baad u mahad sanatahay.waxaan kaloo leeyahay ilaah qayrkiisa waxaa u ku xiran yahay baryadiisa.ilaah barya qayrka ilaah ha idin badiyee,waxayna ku fiican tahay in dhulka galeey ay ku daadiyaan meelaha aadka u qoyan.si wax dhib ah idinka soo baxdo,dadka hala baro in ay joojiyaan jarida dhirta siiba dhuxusha in ay abuuran geedo badan o u noqon karo anfac dadka iyo xoolabaha. ilaah ha idiin ziyaadiyo qayrka aadbaana ugu farxan waxaan jeclaan laha in weside puntland ay soo diraan daagana ay ka howl galaan. mahad sanidiin dadkana loogu faideeyo.

  16. Somalilander says:

    masha allah looks beautiful meshas oo kale wan ku dhax dabalaan jiray.