Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Wershadda Kaluunka ee Xaabo oo Soo Bandhigtey Wax soosaarkeeda (Sawiro)

Wershedda Kaluunka soosaarta ee Xaabo waxa ay shaqadeeda bilowdey sanadkan, waana wershad ku shaqeyneysa qalab casri ah soona saarta Kaluun tayadiisu aad u sarayso oo noocya badan, hadaba wixii macluumaad dheeraad ah kala xiriir:

+2525 821222, +25290 737439, +252 90 798919 ama Emailka-sales@habotuna.com

Wershadda Kaluunka ee Xaabo ayaa soo bandhigtey wax soosaarka wershadda oo dhawaan dhidabada loo taagay, waxaana ka soo qaybgalay munaasabadda lagu soo bandhigay wax soosaarka wershadda kaluunka ee Xaabo masuuliyiin ka socda maamulka sare ee Wershadda oo ku taala Xaabo oo wax yar u jirta degmada Caluula ee gobolka Bari.

Maareeyaha guud ee wershadda kaluunka Xaabo Cabdiqani Cali Yusuf oo Horseed Media waraysi ku siiyey gudaha wershadda ayaa sheegay in xiligaan wershaddu ku jirto tijaabo isla markaana, ay furitaanka shaqadu ku soo aadey iyada oo badxiran ah.

Mudane Cabdiqani Cali Yusuf ayaa sheegay in wershadda ay iska leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, isla markaana ay xiriir la leeyihiin wershadaha kale ee kaluunka ee ku yaala dalka, waxaana aan iska kaashanaa ayuu yiri waxyaabaha naga dhexeeya.

Dhanka shaqo abuurista mar uu ka hadlaayey ayuu sheegay in shaqaalaha wershadda ay gaarayaan ilaa 400 oo qof kuwaas oo u badan dumar, waxaana intooda badan ay ka hawlgalaan gudaha wershadda, sidoo kale waxa uu Cabdiqani Cali Yusuf sheegay in ay ku soo xirmayaan wershadda ilaa 80 laash kuwaas oo kaluunka keeni doona wershadda, iyaduna ay ka mid tahay shaqo abuursita ay sameeyeen.

Maareeyaha shirkadda Habo Tuna Factory Cabdiqani Cali Yusuf ayaa cabasho xoogleh ka muujiyey maraakiibta shisheeye ee sida sharci darada ah u qaata kaluunkii aynu iska lahayn ee ku jirey badaheena, iyaga oo ka imaanaya waddamo shisheeye isla markaana si aan dhuumasho lahayn u daldalanaaya kheyraadkeeni ee ay ahayd in Soomaalidu ka faa’ideysato, ayuu yiri.

Shirkadda Habo Tuna Factory ayaa dhawaan laga dhisey magaalada Xaabo oo 84mile u jirta xeebta Bosaso marka laga cabiro dhanka Badda, waxaa shirkaddu iska leedahay dhisme aad u wayn, waxaana ka shaqeeya khubaro u dhashey dalal kale kuwaas oo garanaaya qaabka loo wado wershadaha, waxaana lagu wadaa in dhawaan kaluunka ay soo saarto loo iibgeeyo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Wefdi ka socda Wershadda Kaluunka ee Xaabo ayaa dhawaan ka qaybgalay shirkii Istanbuul waxaana ay sheegeen in ay halkaas kulamo kula qaateen qaar kamid ah ganacsatada waaweyn ee caalamka kuwaas oo xiiseynaya wax soosaarka Soomaaliya gaar ahaan Kaluunka iyo kheyraadka badda.

Cabdisalaam Axmed Shire
Horseed Media
Xaabo, G/bari

42 Responses to “Wershadda Kaluunka ee Xaabo oo Soo Bandhigtey Wax soosaarkeeda (Sawiro)”

  1. asc hanbalyo hanbalyo hanbalyo un baanu leenahay horumarka ree Putland waar halkaa kawaada wa guul un e bye viva Putland

  2. Dhoodi Hashim says:

    Ibahaysiga Walaalaha Xaabo waa guul u soo hoyatay Gobolka la dayacay ee Bari. Waa guul guul guul. Cadawga ha la iska jira ee marar badan sidaas ula degay Gobollada Soomaaliya. Waa Guuuuuuuuuuuuul Guuuuuuuuul dhammaan Shacbiga la dayacay eeeeeeee Gobollada Soomaaliya ee dihan. Waa guul guul Cadawga Badda jooga waa in la isu kaashado, Soomaaliya Soomaali baa leh. Warshadda Xaabo waa tilmaanta Xoreynta Badda Soomaaliya. NO MORE BURCAD BADEED DAMBE, NO MORE KALLUUMEYSIGA TUUGTA AH. WAAN KU FAANEYNAA WARSHADDA XAABO. XAABO WAA HOOYADA HORUMARKA PUNTLAND IYO SOOMAALIYA.

  3. Dhoodi Hashim says:

    Waxaa amaan iyo bogaadin ku dayasho mudan walaalaha ka hirgeliyey Deegaanka Gaari waa Warshadda Xaabo. Waa arrin u baahan taageero iyo Hambalyo aad u weyn is xilqaanka aadka iyo aadka u sareeya ay muujiyeen Walaalahaasi. Sidoo kale waxaa kaloo bogaadin iyo qiimeyn mudan Warshadda Laasqorey ee u abuuray Soomaalida Gobolka Sanaag, Shaqo, waxbarasho iyo horumar deegaanka Laasqorey. Warshadda Xaabo waa talaabo Horumar, Ilbaxnimo, Soomaalinimo, Biseel Sare, iyo tusaale fiican. Waxaan kaloo uga fadhinaa Warshadda Xaabo inay soo jiidato HANAAN HORUMAR LEH EE u soo hoyatay DEEGAANKA GAARIWAA LA ORAN JIRAY inay ka baxdo Degmada Xaabo, Mahadsanidin.

  4. Farah says:

    Walaahi waa horumar wayn mar haddii dib loo aas-aasayo warshadihii yar yaraa ee ku salaysnaa dhoofinta iyo habaynta wax-soo saarka dalkeena.
    Laakiin markaan sawiradda fiirsaday waxaan ku arkay in qaboojiyeyaasha waawayn iyo meelaha ama kafadha kalluunka uu saaran yahay inay maaraysteen. Malaha xaabo waa xeeb oo birtu waa maaraysnaysaa markiiba ee laakiin warshadaha casriga ah waa ka baxeen saxuunta birta ah oo waxay istticmaalaan STAINLESS STEEL oo xitaa caafimaad ahaan bacteriyada la dirirta inay ku kordhalato. Fadlan horseedeey gaarsiiya maamulayaasha warshadda inay qalabkooda oo dhan u badalaan stainless steel.
    Mhadsanidiin.

  5. mohamud abdidahir {puntlander zambia} says:

    waxaan u arkaa horumar iyo asaas shaqo abuurineeed. laakiin muhiimadu waa in lagu daydo si wadanku barwaaqo u noqdo.

  6. qardhaawi (حتي النخاع) says:

    تهانينا الحارة والله هدا شي يثلج الصدر

  7. puntland says:

    waa hormar lagaaray ayaan u argaa warshada habo

  8. Somalilander says:

    Wa dadaalen congratulations to them. Still small but all things begin small, wish them success.

    Hambaalyo!

  9. Mahmud Janagale says:

    Mashallaah aad baan ugu faraxsanahay horumarka alle hadiin barakeeyo.
    midda kale waxaa jira dad badan oo lacag haysto marka hadii aad saamiga naadisan ku dhiranaayo in ay wax ku darsadaan shrikadkasta oo la aas aasaayo
    waanu aragnay in aan wax samaynkarono marka war shado kale ha la isku dayo sida:
    WARSHADDA SIBIRKA AMA SHAMIITADA.

  10. jas says:

    MAASHA ALAAH ILAH HA IDINGU GARAB GALO WAX LAGU DAYDO AYAA TIHIIN DOWLADANA WAXAN KA CODSANEYNAA IN EY TAAGERTO GANACSATADA SIDAN OO KALA AH ABUURAYO SHAQOOYIN WARSHADO BADAN WAA IN LA SAMEEYA UMADA SI SHAQOOYIN U HESHO SIDA MIDA OOMADA WARSHADA DAWADA WARSHADA HARGAHA WARSHADA CAAGADAHA IYO WARSHADA DHARKA MAADAMA AAN LEE NAHAY XOOLO BADAN IDO AH DHOGARTODANA DUN TAHAY LAGA SAMEYN KARO DHARKA WAA IN HARGAHA LA DHOOFINAYO LAGA FAA.IDEYSTAA GABAOOYINKA CAALIMGA AH MOODO WALBA AH LA SAMEEYO SIO DIBADA LOOGU DHOFIYO DALKANA LOOGA ISTICMALO GUUL IYO HORUMAR // I/M SO PROUD OF WALAAHI WAABA QIIROODAY INSHA ALAH FIGRAD GANACSI DALKII AH I GASH

  11. waxaa ku faraxsanahay waxqabadaka dawlada puntland semaysay oo ah burcadbadeeda ooay gguulka gaartay ayaa aad iyo aad u soo dhawaynayaa maxaa yeelay dowladu balanqaadkii ay shacabkeeda u balaqaaday waxaa la roankaraa waxbadan bay ka qabatay

    • Keyse says:

      Assalamu calaykum
      waxaan rabaa inaan weydii walaalka jaamac inuu bal wax yar noo sheego wax qabadka maamulka iyo balanqaadka uu sheegey ineey fulisey. ayadoo meesha looga hadlayey horumar iyo shaqo abuuris ayaad meesha waxaad keentey waxqabad dowladeed,
      u maleen maayo dowlad ka tayo xun iney so martey Puntland sababaha soo socda awadeed
      1-amnigii oo faraha ka baxey oo keentey in la iska dilo qofki ladoono ahaado lamaaha amaanka,goloha sharci dejinta,shaqaale dowladed,ganacsato,cuqaal,hooyooyin,iyo ardey
      2-gole wasiir oo tiro badan
      3-wadanki oo kala googa’ay
      4-maciishadii kor u kacdey
      5-qaraxyo aan istaageyn

  12. Isse Mohamed Farah says:

    ugu horraynta waxaan mahadnaq u dirayaa bahda horseedmedia oom markasta usoo bamdhigta horumarka uu gaaro ama ku cusub,akhristayaasha,midda kale waxaan hambvalyo u dirayaa ganacsatada soomaaliyeed ee wershedda kalluunka ee habo,waxaan idin leeyahay guuleysta,waa wax lagu farxo in khayraadka baddeenna laga faa,iideysto,dawladda iyo maamulka puntland waxaan leeyahay waa in la taageeraa ganacsatada,waxaan rajeynenaa in dhammaan wershadahii horay u burburay sida tii qandala dib loo kiciyo.-guul iyo horumar qofkasta ee ka qaybqaata horumarka puntland ha noolaado. ,

  13. salaan sare mudanayaal.

    fariin gaaban oo ka timi bahda kaluumaysiga puntland
    cuna kaluunka hala cuno kaluunka kmm

  14. Xamaas says:

    Salaan sare marka hore:.
    hadii aan fikirkayga ka dhiibto kaluunka maanta kasoo baxa gudaha puntland waa mid si fiican aanu ugu bognay oo dhadhan macaan quality giisuna sareeyo hadaba warshadaha hala badiyo si baaga muudadu u yaraato..

  15. WiilNugaal says:

    Bismilaah. Somaliya xeebteeda way dheertay waana 3333km wax warshad ahna kuma yaalo laakiin waxaa nasiib wanaag ah in Puntland ay ku yaalan laba warshadood oo soo sara kaluunka waana ta laasqoray iyo tan cusub ee Xaabo waxaan idin leenahay soo kora samaystana macmiil badan ilahay idinkiisna Guulaysta.kaluunku waa khayraadka uu ilahay na siiyay laakiin nasiibdaro ma dhicin in sidii la rabay looga faaidaysto laakin imika waxaa muuqata waliba puntland in ay garteen sidii looga faaidaysan lahaa kaluunka.Puntland ha guulaysato amniga aan wada sunga dalkeenana aan ka difaacno cadowga kan dhow iyo kan fogba.

  16. Shirwac says:

    Salamu calaykum
    Xaabo waa magaalo Qadiimi ah oo Xarun waxa ay u aheyd Boqorkii la oran Jiray Mohamud Xawaadane, waagaasna waxa ay aheyd Magaalo Weyn oo xataa isaka daa Somaliya ee Wadanka Kenia ay oran jireen marka ay Faaninayaan Magaalooyinkooda in ay la Barbar dhigi jireen Xaabo Tusaale ahaan Reer Laamo oo Kenya ah waxa ay oran jireen “Laamo Kamaa Haabo” oo aheyd “Laamo waxa ay la mid tahay sida XAABO”. Ilaahay Magalaadaas sidii ay ahaan jirtay ha ku soo celiyo oo dadkeeda horumarkii lagu yaqaanay iyo Xataaradoodooba Ilaahay ha u soo cesho Dhalinyaradaas dadaalka samaysayna Ilaahay hala garabgalo.

  17. Hersi says:

    maanshaa,allaah !! ilaah ha idiin barakeeyo intii sameysey warshaddaan iyo inta ka shaqeysa iyo inta eey u shaqeyso intaba ..waa wax ilaah lagu mahadiyo..marka koowaad marka xigtana dhiiri-galin mudan..waa badeenna oo aan ka faa,iideysaney ..waxaan qaba in warshadaha noocaan o kale ah aad loo badiyaa ..dowladuna waa in eey ganacsatada noocaan oo kale ah ee meelaha eeri-go,anka ah shaqo ka abuuraya waa in eey gaarsiisaa wadooyinka iyo korantada …iyo schoolo dadku wax ku barto…hurumarku waa kaa …ilaah ha idinla jiro guuleysta.

  18. Hanka Sare says:

    ASC waa arin aad loogu farxiyo isla markaana loo baahan yahay in ganacsatadu ku daydaan oo xoogga la saaro wax soo saarka gudaha. dhulkeena berri iyo badba waa barwaaqo, waxaa intaa noo dheer xoolo aad u badan oo ilaah nagu maneystay, waxaa loo baahan yahay in sida ugu haboon looga faaiideysto.

  19. Dahir mohamed says:

    Waa arin marqaati u ah in hantida gaar ahaaneed,sida idaacadaha,TV yada,hoteelada,isgaarsiinta,warshadaha ay dadko gaarka u leeyihiin ay ku talaasadeen,horumar muuqda,waxaase aan haba yaraatee taa la jaan qaadin maamulka,uu arinta uu xooga saaray ay tahay,in uu magacaabo,tiro tii u badnayd oo ah gole wasiiro u yaal,tiradoodana ay tahay,52 wasiir,waxa ku baxa hanti ay u baahnayd umadda reer puntland,hadaba waxa ka jira puntland labo arimood oo midina ay tahay hantida gaar ahaaneed,uu runtii horumar la taabankaro wada,iyo maamulka puntland,oo aan samayn maamul wanaag,waa in la dhimaa wasiirada,umadana ay doorato madaxdeeda.

  20. azhaar says:

    Maansha alaah raadiyaa waa gaaraa.
    Waxaan ilaaheey idinkaga baryaayaa inta idiin dhiman inuu idiin fududeeyo.

  21. IFAHAN says:

    Waa rag ku dayasho mudane nidaamka warshadah wadanka waxbadan ayuu kabadalayaah waxaan ku boorinayaah inee u sameeyaan suuqayn wanaagsan tankale waxaan leeyahay waxsoo saarka hala dhiirigaliyo taas ayaa shaqo ku abuurmaysaah looma baahna waxkasta in dibada laga keeno dowlada waxaan leeyahay canshuurta free halooga dhigo dadka maal galinta ku sameesanayah dulka kuwa waxsoo dhoofinayah xanshuur ta hala saaro si ee u yaraato waxdibada laga keenayo marlabaaad waxsoosaarka haloo bato war aragtaan calamku meeshuu marayo china 300 milyan ayaa faqrigii kabaxay india 400milyan ayaa midle class ugudbay taasina waa inaan ku dayanaah o faqriga lagabaxo

  22. najir says:

    waa guul dadka usoo hooyatey marka waxan leeyahay ilah baa mahadleeh inta kadibna waxa usheegay ganacsadtad reer puntland siiwada hoora marka dalkina iyo dadki naba sxb

  23. ADAM says:

    ASCWW DHAMAAN BAHDA HORSEED MEDIA IYO REER PUNTLAND OO DHAN KALA JOOGANA DIBADA IYO GUDAHA BA WAA TILAABO HORMAR LEH OO AY QAADEEN DADKA WANAAGSAN EE RABA INAY WADDANKA WAX U QABTAAN RABI WAXAAN KA BARYAYAA INEEY ILAAH WAAFAJIYO KHEERKA. DHINACA KALE WAA IN LAGU TARTAMO HORUMARINTA PUNTLAND OO SHAQO LOO ABUURO DADKA DEEGAANKA SABABTO AH TAAS WAXEEY BAAJINAYSAA DHALINYARADA BADAHA ISKU KU HALAAGMAYA WADDANKODI BAA SHAQADA KA FURAN TAY MARKAAN EE GACMAHIINA KU DHARGA AYAAN IDIN LEEYAHAY REER PUNTLAND.
    ADAM
    DENMARK

  24. maasha aah
    maasha alaah ha;lan waxaan ka gudbinayaa hambalyo ka turjumaysa dhamaan bahwaynta casayrland ay u dirayaan masuuliyiinta haabo tuna factory waa warshada ugu wayn e soo kaluunka soomaaliya waxaan leeyahay halkiina dadaalka ka sii wada waad naga farxiseen maasha alaah maasha aalaah

  25. quraysh says:

    asc maasha allaah wa guul iyo horumar alleha idiin barakeyo

  26. Ali dheeg says:

    runtii waa arin aad loogu farxo .. dadaalka ay wadaan ganacsatadeena wadaniga ah oo aan ognahay itaalkoodu inta uu la egyahay .. waxaan leenahay mabruuk allaah ha idiin barakeeyo .. hal mid ayaan tala ahaaan idinku darsan lahaa nimanyahow waxaad ku dadaashaan dhanka nadaafada waxaa ii muuqda xoogaa xaga nadaafadu in ay liidato dhidid fara badan ayaa ka baxaya dhalinyarada shaqada ku jirta qalabka shaqada aad ku wadan runtii ma ahan kuwa nadaafad wacan ku dheehantay bal taas dib u fiiriya walaalayaal .. tan kale lacagta aad ka heshaan meesha dalka qayb ku celiya ganacsatooy oo dalku runtii waa dayacnyahay ilaahay ka sokoow idinkaa ragiisii ah

  27. Max Qardho says:

    Masha Allah, Hormarkarin waa mid loogu mahadiyo eebe… ganacsatada waxaa leeyahey Ilaahey ha idiin barakeeyo Boowayaal… waxaana arkaa degaanka Haabo in ee noqoneyso degaamo dad u baxaan, Mudo ma maqal Xaabo, hada ayaanba akhristey, waana degaankeygii.. waan u hanbalyeen ganacsatada Degmada Xaabo…. Xaabo, Murcayo, Xaafuun, Banderbeyla iyo Qardho iyo dhamaan degaamada la isku dhaho.. Karkaar… waan soo dhowey ganacsatada…

  28. guray says:

    maasha alaah waa horumar ay gaareen ganacsatada somaliyeed waana wershadii labaad oo puntland ka dhisan oo di loo kiciyo tii sadexaadna waaan sugaynaa in dhidibada loo taago qandala iyadana waa in dhidiada loo taaga shaqana waa laga heli doonaa guuuuuuuuuuul aan lee nahay

  29. wixii wax dalka kusoo kordhinaya waa lobahaan yahay dadka qar ayaan melay galan haysan oo xabadii ku socotaa habeen iyo maliin

  30. Kulmiyee says:

    Ass Aleikum,
    Waxaad qabateen hormar lataaban karo run ahaantii. waana howl loo baahnaa runtii in la helo rag ka faa’ideysta qeyraadka wadankeena ilaahey kumaneystay.garabkiina allaha galo.waxaan idinka codsanayaa inaad qualitiga aad ilaalisaan aadna ka gadaan shacabka Soomaaliyeed qiimo macquul ah oo uu qof waliba awoodi karo.Wabilaahi Towfiiq.

  31. Puntland says:

    SCW. Tani ragnnimo maaha ee waa rag-ka-rooni!
    Waxaan leenahay sxbayaal shaqo wacan. Eebbe ha idiin fududeeyo. Doqonnimo Soomaali waxaa ugu filan in baddeenna ajnabi ka taajiray annaguna ka baahannahay oo iyaga dib u barino! Waa in magaaladan iyo kuwa kale ee xeebta ee fog-fog-ba jidad loo sameeyaa HAI si wax soo saarku suuqyada dalka gudihiisa u soo gaaro. Waxaan leeyahay sidii waa hore “maalkeenna weeye cuna malayga, waa shay macaanee cuna mallayga”! Nin kalluun dayacay meel xun buu dabadaa saaraaye!!

    Eebbow khayraadkayaga noo barakee.

  32. Haa. waa saas sida laydinka rabaa, isku tashada oo wax qabsada, ilaahaynana talo saarta, dabadeedna ujeedadiina waad gaaraysaan.

    Ilaahay ha idiin barakeeyo, waa guul u soo hoyatay reer puntland.

  33. Xaq udirie says:

    WALLE WAAN KU DIIRSADAY rag rag dhalay WALAAHI. HADALKA HA YARAADO HOWSHU HA BADNAATO

  34. Shimbiraale says:

    Horumar, Qalabka warshadahani u baahanyihiin sida tuubooyinka (fitting),vessels, rubbers, rubberka miiska ku wareega, mashiinada i.w.l aynu ku sameyno bossasso iyo agagaarkeyda si shirkadan oo kale ay waxqabadkeyda usii wadato.

    Walaasheey, macaaneey cuna kaluunka, cuna kaluunka.

  35. MAASHA ALAAH . waxaan uhanbalyeeynayaa ganacsata iyo muwadiniinta ku fakarey in la sameeyo warshada cusb ee Habo, waxaana wax loo bahanyahay in dalka ay kusoo bataan warshada ceynkaan oo kale qurabjoogta iyo ganacsatadu waa in ay ku fakaraan in maalgashadaan wadankooda waxaan leeyahay HANBALYO HANBALYO PUNTLAND GUUUUUUUUUUUUUUUUUUL

  36. Disappointed Puntlander says:

    Maasha Alaah!!!!…..Wax qabad la taaban karo ayaa la yiraahdaa!!.
    Waa shirkadii labaad oo ka faa’iideeysata qeyraadka ilaaheey ku maneeystay PL. Waxeey kaloo faqriga iyo shaqo la’aanta ka saartay reer Xaabo.

  37. LA says:

    Ragannimo dhab ah!!!!

  38. howsha hor umarka ah ee ay waddado warshada xaabo iyo raga madaxda ka ah ilaahay halagarab qabto anaguna waanu tageersanahay in badan waanuna sodhawaynahaynaa in badan

    • HAMBALYO,HAMBALYO DHAMMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED,GAARAHAAN REER PUNTLAND IYO GANACSATADA SOOMAALIYEED EE KU FIKIREY IN EY DHISTAAN WARSHADAA,WAA WAX LOO BAAHANYAHAY IN LA HORMARIYO PUNTLAND LAGA DHIGO WADAN WARSHADA LEH,MAASHA ALAH GUULEYSTA GUULEYSTA BEYNU IDIN LEENAHAY.

      • GULWADAYAAL GUULEYSTA,WADADII CADEED CAGTA SAARNAYEE KU CARAABINEE ,HORUMAR DUNIDA WAXAY KU GAARTEY WAA WARSHADAHA,SOOMAALIYEY KU DADAALA SAA OOGA FAIIDEYSANLAHEEDEEN BADIINA IYO BEERIHIINA. HAMBALYO REER PUNTLAND IYO MIILKIILAYAASHA WARSHADA HABO TUNA FACTARY.

        • Hadeynunahay waxgradka qurbajoogta soomaaliyeed.waxaan hambalyo u direynaa madaxda warshada iyo dhammaan ganacsatada soomaaliyeed,waxeynu leenahay waa wax ku dayasha mudan talaabada aad qaadeen waa wax lagu farxo ,waxaan idiin rajeyneynaa guul dhammaantiin .