Faallo: Doorashada Madaxweynaha Somaliland iyo Waxa Laga Baranaayo

Maalmihii la soo dhaafey waxaa ka socdey Somaliland ololaha doorashooyinka madaxweynaha Somaliland, dhoolatuska ay samaynayaan sadexda Xisbi ee Udub, Kulmiye iyo Ucid ayaa ahaa mid ruxey qaybo badan oo ka mid ah Somaliland, dhoolatuska ayaa lahaa arimo badan oo xiiso leh, iyada oo aad arkeysid dhalinyaro aad u xamaasadaysan oo isku xardhey halkudhigyada Xisbiyada Somaliland, waqtigaa doorashada ayaa aad u soo dhaw waxaa ay dhacaysaa 26 June 2010 oo ay maalmo yar ka harsan yihiin.

Xisbiyada Somaliland.

Udub

UDUB waaa xisbigii ugu horeeyey ee laga diiwaan geliyo Somaliland  waxaana magiciisa loo soo gaabiyaa (Ururka Dimoqraadiyadda Umadaha Bahoobay), waxaa asaasey Rabbi ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, muddo yar kadib asaaskii xisbiga Udub, Cigaal waa geeriyoodey, waxaana hogaanka u qabtey Madaxweyne Rayaale oo noqdey Madaxweyne kumeel gaar ah markaas, Rayaale ayaa markiiba soo dhaweystey rag ay Cigaal aad u kala fogaayeen kuwaas oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale, xisbiga Udub waxa uu ku doodaa in uu xal u yahay Somaliland isla markaana u taagan yahay midnimada Somaliland, waxaana ay dadka qaarkood ku doodaan haddii aan Rayaale la dooran waxaa dib loogu noqon lahaa sanadihii 1992 – 1997 markaas oo dagaalo sokeeye ka socdeen Somaliland.

Ucid

Xisbiga Ucid (Ururka Caddaaladda iyo Daryeelka) waa xisbigii labaad ee laga diiwaan geliyo Somaliland, waxaa hormuud ka ahaa qurbo joog khaastan reer Finland waxaana qayb ka ahaa asaaskiisa Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Ciro.

Waxaa la aaminsan yahay talada lagu asaasey UCID in uu lahaa Maxamed Ibrahim Cigaal, waxaana kartoonka Dhanxiir ee wargeyska Jamhuuriya Sanadkii 2001-dii ka sameeyey oraah aad caan uga noqdey Hargeysa, maadaama ku dhawaaqida magaca xisbigu uu ahaa mid adag ayey ugu yeeri jireen UCI, dhanxiirna waxa uu yiri Odayga (Cigaal) ayuu uciyayaa.

Xisbiga Ucid malahan ahdaaf mucaaradnimo, waxa uu ka hadli jirey arimaha dawladda u yaala ama ay ahayd in ay dawladdu ka hadasho iyada ayuuna hor boodi jirey, waxaana aad loo xasuustaa doorashadii 2003 markii uu ku guuldaraystey Faysal Cali Waraabe, waxa uu ahaa mid warbaahinta u mariya erayo liddi ku ah Siilaanyo oo markaas qaaddacay natiijadii doorashada, sidoo kale waxa uu si buuxda u sheegay in uu diyaar u ahaa in xukuumadda lagu soo daro wasiirna laga siiyo xisbigiisa.

Xisbiga Ucid waxaa mar danbe xubno ka noqdey qurbo joog badan oo aqoonyahan u badan, waxaana uu Xisbiga saddexaad noqdey markii uu kaalinta saddexaad ka galay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka sanadkii 2002, isaga oo codad yar kaga adkaadey xisbigii Dr.Gaboose ee Sahan.

Xisbiga Kulmiye

Xisbiga Kulmiye waa xisbigii u danbeeyey ee Somaliland laga hirgeliyo waxaa la asaasay maalmo yar kadib geeridii Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaa hoggaanka u qabtey rag u badnaa jamhaddii SNM oo uu ugu magacdheeraa Axmed Maxamuud Siilaanyo, Maxamed Kaahin iyo Cabdiraxmaan Aw-Cali.

Taageerayaasha ugu badan ee Kulmiye waxa ay ka yimaadaan Gobolka Togdheer, waxaana uu afka u dhigtey Xisbi ka horeeyey Kulmiye oo  Saleebaan Gaal oday ka ahaa kaas oo lagu magaacbi jirey ASAD Party, waana midda ku kaliftey in Saleebaan Gaal uu u galo Udubtii uu aadka uga soo horjeedi jirey.

Doorashadii Hore ee Somaliland

Waxyaabaha ugu badan ee uu ku faano Daahir Rayaale Kaahin ayaa ahayd qabashada doorashadii Madaxweynaha iyo kuwii goloyaasha deegaanka, marka Rayaale qabanaayey doorashada waxa uu madaxweyne ahaa muddo sanad ka yar, ma ahayn nin si fiican loo bartay, isaga qudhiisu ma aanu helin khibrad dheeraad ah iyo tabaha saldanada loo adkeysto, waxaana lagu tilmaamaa in uu qaadey tilaabo geesinimo leh isaga oo khamaarey.

Doorashadii hore ee Madaxweynaha Somaliland waxaa la qabtey sanadkii 2003 bishii April waxaana u tartamay Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, Doorashada ayaa ahayd mid taariikhi ah waxaana ay ahayd markii u horeysey muddo 36 sano ah, codadka la dhiibtey ayaa gaaraayey 500,000 oo cod, sadexda xisbi  midna ma helin wax ka badan 51%, waxaana ay ahayd mid ay aad isugu dhawaayeen, labada xisbi ee Udub iyo Kulmiye.

  • Udub     205,590 cod 42.8%
  • Kulmiye  205,372 Cod 42.7%
  • Ucid     77,160 cod   15.8%

Sida ka muuqata codadkii la dhiibtey doorashadii 2003 waxaa aad isugu dhawaa Udub iyo Kulmiye, waxaana natiijada diidey in uu aqbalo Siilaanyo oo ahaa musharaxa xisbiga Kulmiye, kadib markii maxkmadda sare ay goysey in Kulmiye looga adkaadey 218 cod oo keliya.

Inkasta oo markii dib loogu laabtey Sanduukhyo kale oo la sheegay in aan la tirin Kulmiye uu ka helay codad gaaraya 144 cod, waxaana  arinta soo dhexgalay Golaha guurtiga, odoyaasha dhaqanka kuwaas oo ku qanciyey Siilaanyo in looga adkaadey 74 cod oo keliya, isla markaana uu aqbalo isaga oo dadka iyo dalka u daneynaaya, waxayna u balanqaadeen in ay ku taageeri doonaan doorashada danbe ee dhacaysa 5 sano kadib.

Daahir Rayaale Kaahin waxa uu kursiga ku fariistey isaga oo aan ahayn madaxweyne si aqlabiyad ah lagu doortey  ama  aan helin 50% codad ka badan, waxaana uu shantii sano ku darsaday laba sano oo wafo ah ama dheeraad ah.

Dhoolatuska Doorashada 2010

Dhoolatuska ay wadaan xisbiyada Somaliland iyo isu soo baxyada ayaa ah kuwo lagu amaani karo dadka Somaliland, sida nabad gelyada, dimoqraadiyadda ah oo ay isugu soo baxayaan isla markaana loo soo kala jiidanaayo codbixiyaasha,  waa mid lagu faani karo, taas oo muujinaysa biseylka siyaasadeed ee ay gaareen Somaliland,  inkasta oo ay ka muuqato dhaliilo badan isu soo baxyada ay sameeyaan taageerayaasha xibiyadda Somaliland;  Ciladaha ka muuqda ayaa waxaa kamid ah:

  • Calaamadaha lagu kala garto waa mid isku mid ah dharka iyo calamada midabka cagaarka ama akhdarka ah ayey ka siman yihiin.
  • Khudbadaha ay isu jeediyaan waxa ay ka maran yihiin in dadka la geliyo himilo, iyo yididiilo kuwaas oo loogu soo bandhigaayo waxa la qabanaayo iyada oo maalinba dhinac laga eegaayo laakiin waxaad  arkeysaa in khudbaduhu ay ka mideysan yihiin  erayo aan macno badan ku dhisneyn sida Hanoolaado xibigeenu, codka sow xisbigeena siin meysaan iyo erayo kale oo Kacaanimo ah.
  • Dadka ka qaybqaata isusoobaxyada (Political rally) waxa ay u badan yihiin dad aan codbixiyaal ahayn kuwaas oo u badan caruuro ka yar 18 sano.

Mid ka mid ah dadka ka qaybqaatey isu soobaxyada ayaa ii sheegay in uu maalinkasta ka qaybqaato Xisbi kasatana uu tago fagaarayaasha ay ka hadlayaan, mar aan weydiiyey in sababtu tahay in uu ku jiro baaritaan kii uu dooran lahaa ayuu ku jawaabey kaan dooran lahaa beeshayda ayaa goysey ee waxaan meesha u tagaa waa farxad iyo dabaaldeg oo kale, dadka intooda badana waa sidaas.

Waxaad arkeysaa beelaha qaar oo soo saaraya baaqyo isla markaana qabanaaya shirar iyaga oo daaha ka qaadaya in ay ka diga rogteen xisbi  hebel isla markaana ay ku wareegeen xisbi kale, waxaana arimahaas sabab u ah balanqaadka ay ka helaan xisbiyada sida waxa uu u qabanaayo Beesha, Waxaa jira siyaasiyiin muddo dheer xisbi ka tirsanaa oo xisbi kale u ololeynaaya taasna waxa ay muujineysaa sida xisbiyadu aysan u ahayn kuwo barnaamij iyo mabaadi  cad ku dhisan ee ay tahay sida uu siyaasigu dantiisa uga dhex arko waxaana tusaale ku filan Cismaan Hindi oo muddo dheer ka tirsanaa Kulmiye haddana ah Abaanduulaha Udub iyo Ismaaciil Aadan Cismaan “Ismaaciil Yare” Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha oo mar ahaa ninka xisbiga Kulmiye ugu nebcaa kaas oo hadda u ololeeya Kulmiye.

Tabta iyo Xeeladaha Xisbiyada

Doorashada ayaa ah mid maraysa hal wereeg, musharixiinta ayaa ku kala baxaysa cod dheeri, taas oo mar labaad sabab u noqon karta in Dawladdu noqoto “Minority Government” mid aan haysan aqlabiyadda codbxiyaasha, Somaliland uma saamaxayso in doorashadu ay marto wareeg labaad taas oo u baahan dhaqaale badan.

Xisbiyada Somaliland ayaa taageerayaasha ay ku leeyihiin gobolada ay ku kala duwan yihiin waxaana jira tabo iyo xeelado ay isticmaalayaan.

Istraatiijiyada Xisbiga Udub ayaa u muuqata in gobolada ay u kala qaybiyey kuwo waaweyn iyo kuwo yar-yar sadexda gobol ee ay degan yihiin dadka ugu badan ee Maroodijeex (Hargeysa) Togdhdeer (Burco) iyo Awdal (Boorame), xisbiga Udub waxa uu aaminsan yahay in codadka ugu badan ee Awdal ay helayaan, sidoo kale Hargeysa ay kaalinta kowaad ama labaad ay galayaan, halka Gobolka Todheer ay kaalinta labaad ku soo baxayaan.

Gobolka Saaxil (Berbera) ayaa sidoo kale xisbiga Udub la aaminsan yahay in uu kaalinta kowaad ku soo baxayo, laakiin xisbiga Udub ayaa muhimad gaar ah siiyey Ceerigaabo xarunta gobolka Sanaag iyo deegaanada hoostaga, taas oo ay u arkaan in ay tahay halka kala reebtada ah “battleground”, waxaana booqasho gaar ah ku tegay Daahir Rayaale, iyo qaar kamid ah wasiiradiisa kuwaas oo weli olole ka wada Ceerigaabo iyo Ceel  afweyn.

Haddii Xisbiga Udub uu kaalinta kowaad ka galo Gobolada Awdal, Saaxil, Sanaag, isla markaana tiro aad u yar looga qaado kaalinta kowaad ee Gobolka  Maroodijeex, Gobolka Togdheerna ay kaalinta labaad ku soo baxaan waxa ay u badan tahay in uu ku guuleystaan  doorashada.

Xisbiga Kulmiye isagu waxa uu markaan aaminsan yahay in ay haystaan taageerada ugu badan ee Somaliland, istaraatiijyada Xisbigan ayaa ah in ay awood saaraan sidii ay ku heli lahaayeen codad badan oo ka yimaada Gobolka Awdal, sidoo kale waxa ay meel dhigteen in ay kaalinta kowaad ku soo baxayaan Gobolada Togdheer iyo Gebiley, waxaana xisbiga Kulmiye u arkaa halka lagu kala baxaayo “battleground” in ay tahay Hargeysa, halkaas oo ay xoog badan saareen.

Xisbiga UCID qudhiisu ma yara dabka uu shidaayo, waxaana isugu tegey ololaha aqoonyahan badan oo xisbigaas ka mid ah kuwaas oo badankood qurbaha ka tegay laakiin, waxa ay riixayaan gaari aan taayiro lahayn Faysal Cali Waraabe waxa uu dubra ku bilaabey ololihiisa doorashada nidaamka giraanta wareegta maalinba khudbad cayn ah ayuu jeediyaa isaga oo ku bilaabey in uu Shareecada Islaamka dalka ku xukumaayo, isaga oo aan kursiga ku fariisan ayuu durba fariimihii uu diri jirey u direy Itoobiya iyo Jabuuti.

Xisbiga UCID waxa uu caqabad ku yahay guusha Kulmiye, sida ay aaminsan yahay dadka qaarkiis, deegaanada uu ka soo jeedo Faysal ama beeshiisu waa u caddahay in aanu guul ka gaari karin doorashada, haddii uu isku deyi lahaa in uu Kulmiye talada kula midoobo isla markaana u soo jiido Kulmiye  guusha waxaa hor yaala eraygii taariikhda galay, waana ku adagtahay in Faysal jawaab u helo “Anoo Wax Dili Kara Duco Qaadan Maayo” .

Gobolada Sanaag, Sool iyo Cayn

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka dhexeeya muran weyn oo ku aadan halka uu yahay xuduudka Somaliland, maamulka Somaliland waxa ay sheegaan in xuduudkoodu yahay kii uu ka tagay gumeystihii Ingriiska ee dalka Soomaaliya soo gaarey dhamaadkii qarnigii 19aad ama wixii ka danbeeyey 1884-tii, inkasta oo dalka iyo dadkuba jireen gumeystihii  Ingriiska ka hor, laakiin dooda xuduudu waa mid dheer oo iska leh mawduuceeda gaarka ah.

Inta badan dadka degan gobolada Sanaag qaybta beelaha Hartigu dego, Sool iyo Cayn ma aaminsana in dalka Soomaaliya la kalo jaro, waxaana ay arkaan in qarnigan manta ah oo cid cid gumeysan kartaa aysan jirin aan lagu maamuli karin dhulkooda, inkasta oo ay jiraan dad u dhashey goboladaas oo aaminsan nidaamka gooni isu taaga Somaliland.

Doorashadii hore ee sanadkii 2003, waxaa maamulka Somaliland isku dayey in ay doorashada ka hirgeliyaan qaybo ka mid ah Sanaag qaybta Puntland ka tirsan, iyo Sool, inkasta oo meelaha qaar la sheego in xaafado ka mid ah ay wax ka dhaceen, ayeysan muuqan sanadkan in ay goobaahaas geeynayaan sanaadiiqda codadka, marka laga reebo  qaybo ka mid ah magaalada Laascaanood. Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo doorkaan u safan Somaliland ayaa sheegay in aan Sool wax diiwan gelin ah laga hirgelin aysan suurto gal ahayn in wax doorasho ah ka dhacdo.

Sidoo kale doorashada ayaa ku soo aadeysa iyada u oo ay gudaha gobolka Sool iyo Cayn ay ku sugan yihiin urur cusub oo hubeysan kaas oo lagu magacaabo SSC, waxaana ay ka soo horjeedaan Somaliland iyo Puntland labadaba, waana dadkii iska lahaa dhulka la isku haysto, taas oo fariin cusub u direysa beesha caalamka, urukan ayaa maalmihii la soo dhaafey dagaalo kula galay Ciidamada Somaliland meelo ka mid ah gobolka Cayn.

Natiijada Doorashada

Natiijada doorashada waxaa loo qaybin karaa dhawr weji mid waa cidda guushu raaceyso iyo cidda guuldaradu raacayso, sidoo kale waxaa natiijada doorashada soo gelaaya mustaqbalka Somaliland iyo aragtida beesha caalamka.

Ma ahan doorasho la saadaalin karo cidda guushu raaceyso, Daahir Rayaale ma ahan ninkii hore ee 2003-dii, intii waa ka khibrad badan yahay, waa ka dhaqaale badan yahay reerkasta waxa uu u sameeyey Gobol gaar ah iyo horjoogayaal ama suldaano, inkasta oo ay caqabad ku tahay in uu kursiga fadhiyey waqti ku filan oo gaaraya 8 sano.

Kulmiye dulqaadkii waa ku yaraadey waxaa xubno waaweyn ka ah rag aan aqoon badan lahayn, inkasta oo ay ku jiraan Rag Siilaanyo oo kale ah aqoontooduna sareyso, qaar kamid ah abaanduulayaasha Kulmiye waxay  ku goodiyaan in ay kaadidooda u soo cabeen Somaliland, Rayaalena maxkmad soo taagayaanba haddii guushu raacdo, waxaana xisbigu aaminsan yahay in markaan waqtigu la jiro.

Haddii ay noqoto natiijo aad isugu dhaw taas oo la mid ah sanadkii 2003, oo lagu kala baxo codad aad u yar, doorashadu waxa ay noqon kartaa mid khal-khal aad u weyn gelisa Somaliland cirkana u laasha nabadii iyo xasiloonidii halkaas ka jirtey, waxaana adag in ay arinta afqabtaan Golaha Guurtida oo markaan ah kuwo aad u kala qaybsan kalana aragti duwan.

Haddii doorashadu ku dhacdo si nabadgelyo ah isla markaana xisbiyadu u hoggaansamaan natiijada ka soo baxda, waxa ay sumcad iyo amaan balaaran u soo jiideysaa Somaliland, taasi ma horsedeyso in ay helaan ictiraafka ay muddada dheer raadinayeen, laakiin waxa beesha caalamku tixgelin gaar ah, iyo kaalmo dhaqaale, sidoo kale waxaa gacan laga siin doonaa dhisida kaabayaasha dhaqaale sida jidadka dekadaha iyo wax soosaarka kale.

Natiijada doorashada oo hagaagta waxay baaq u direysa dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobaladii kale ee dalka, baaqaas oo ah codka shacabku tixgelin ayuu mudan yahay maamul xoog lagu qabsado iyo mid dad gaar ah soo xuleen meel ma gaarayo mana ahan mid boos kuleh qarniga 21aad,  Dhanka kale waxa ay baaq u tahay shacabka Somaliland qudhooda in ay tixgeliyaan dadka kale doonistooda sida ay iyaguba aayahooda uga tashanayaan in ay u tixgeliyaan in shacabka SSC aayahooda uga tashadaan.

Ugu danbeyntii waxaa is weydiin mudan fariinta doorashada Somaliland u direyso Puntland oo 66 Xildhibaan ay yihiin kuwa iska leh go’aanka  cidda dalka xukumeysa kuwaas oo aan qarin in ay ka faa’iidaan xiliyada doorashada.

I.Haji Said
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.