Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Wasiirka Caafimaadka Puntland Oo Sheegay inuu Shaqada Ka Joojiyey Hay’adda DRC

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame oo u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in Hay’adda Danish Refugee Council (DRC) si kumeel gaar ah shaqada looga joojiyey,taas oo ka howlgali jirtey degaanada Puntland.

Wuxuu sheegay in sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyey shaqo joojinta ay ka mid tahay khaladaad dhanka Caafimaadka ay gashey isla markaana balanqaadyo ay sameysay ay kasoo bixi weyday,ayadoo dadweynaha qaar ay balanqaad u sameysay sidoo kale ay dacwad u gudbiyeen Wasaarada Caafimaadka.

Wasiirka ayaa xusay in madaxda Hay’adda ay u direen fariin ah in ay yimaadan Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland si ay uga wada hadlaan waxyaabaha lagu soo eedeyey.

Dr.Cali ayaa sidoo kale sheegay in shir dhowaan ay Wasaarada Caafimaadka la yeelanaysay Hay’addaha samafalka ay ku casumeen Hay’adda balse aysan kasoo qaybgelin.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Wasaaradiisa ay la xisaabtan adag la samaynayso Hay’addaha gaar ahaan kuwa Caafimaadka qaabilsan si loo ogaado waxyaabaha ay u qabtaan Bulshada.

Horseed Media

RELATED STORIES

3 Responses to “Wasiirka Caafimaadka Puntland Oo Sheegay inuu Shaqada Ka Joojiyey Hay’adda DRC”

  1. Abdi Adde says:

    Dhaman wad salamantihiin bahda websitka iyo akhyarta kale….
    Brava…Brava aan leeyahy Dr. Abdulahi A. Warsame. waayo Puntland way la ayd cid sida Somaliland ula xisaabtanta hay’adaha gudaha ku sugan haday ahaan lahaayeen kuwa Caalamiyo iyo kuwa Maxali ah. Mudane wasiir halkaa ka wada dadaadlkaaga, xubnaha kale oo xukuumada (wasiirada) aan ku baraarugsanayn arimahan oo kale…fadlan wllkiin ku daydo… Mahadsanidiin…

  2. jamaal says:

    Wasiirka go,aankiisa waan taagresnahay, waana ognahay qurbe joog ahaan wax qabadkiisa. Hadii uu joojiyey xaqbuu u leeyahay in joojiyo hay’adaha sheegta in caafimaadka ay wax ka qabtaan balse keliya meesha u jooga in masaakiinta balan qaadyo been ah ay u sameeyaan, wixii ay soo helaana ay Nairobi dalxiis kaga dhgtaan. Viva det er bra gjort

  3. Somali says:

    ASW, Waxaan aamin sanahay in ay hay adu shaqo wanaagsan oo dhinacyo kala duwan ah wadanka ka hayso. Hadii ay wax ka khaldameen dhinac Caafimaadka Mashaariicda khuseysa wax uu wasiirku wax u leeyahay in uu kala xisabtamo bulse hadii ay tahay mashaariicaha kale xaqmahan in uu wasiirku yiraahdo waan joojiyey. Manafilayo in uu wasiirku saas u yiri ee walaalayaal Horseed Hubiya warkaas ma saasbuu wasiirku u yiri ?