Waxaa saaka xaafada Xoosh ee degmada Dhaarkenley ee magaalada Muqdisho ka dhacay dagaalo culus oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,wuxuuna istaagey saacado ka dib ayadoo u soo bilaabmay waaberigii hore.xaafada uu dagaalku ka dhacay ayaa ah mid aan looga baran dagaalada.
Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalada Muqdisho ayaa iyagu sheegay in lasoo gaarsiiyey dad badan oo ku dhaawacmey dagaalkaas oo shacab ah.
Balse dadka ku dhintey ayaa la sheegay in ay ka badanyihin 11-qof oo shacab ah,waxaana ay intooda badan madaaficda ugu tageen guryahooda ayadoo maanta ay ahayd maalin jimco ah oo ay dadku yihin kuwa ku nasanaayay guryahooda.
Dadka dhaawacmey ayaa u badan dad qaba dhaawacyo culus,waxaana ay dhaqaatirtooda ay la tacalayaan xaaladooda.
Goobihi lagu dagaalamay ayaa iminka ka jirta xaalad deganaansho ah balse weli la isku horfadhiyo.
Horseed Media
muqdisho 1991 ilaa maanty dagaalbaa kasocday maalinksta magacbaa loobixinyay maantyna diintii baybbeenka sheegeen aweys iyo xulufada burcad diimedka ah waxkala sheegta diinta beenta kadaya… burcad diimeed..qabiil..iyo laflaf ugu dirira diinta kadaaya beenta subaxksta 20 qofbaaladilaa ayaado baaladaliliyaa waa qoslaa aweys balakugu dhacdy beenbadan burcaddiineed