Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Siminaar Dhaqaalaha Islaamka U Furtay Ganacsato (Sawiro)

Munaasabadan Lagu furayay Siminaarkaan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee rugta Ganacsiga iyo warshadaha Puntland waxaana siminaarkaan lagu baranaayo qaabka Maalgashiga islaamka Abuurista dhaqaalaha hogaaminta Maamulka iyo Maraynta.

Furitaanka Siminaarkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha rugta Ganacsiga iyo warshadaha Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim,Duqa Degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje,Wasiir kuxigeenka Maaliyada Puntland Maxamed Cabdulaahi Botaan,Ustaad Yuusuf Maxamuud Ciise,Dr.C/qani Maxamuud Cali Qardaawi,Aqoonyahan, Ganacsatada Simiraanka loo furayay oo ka kala Socotay Shirkadaha Ganacsiga ee magaaladan Bosaaso.

Siminaarkan ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim Waxaana uu ku dheeraday muhiimada uu leeyahay siminaarkaan oo uu tilmaamay ujeedooyinka ay ka leedahay rugta ganacsiga siminaarada noocan oo kale ah waxaana uu amaan balaaran usoo jeediyay tababarayaasha bixinaya iyo ganacsatadaba labaduba sida Wanaagsan ee ay Hawsha u wadaan waxaana uu intaasi ku daray in ay sii wadi donaan siminaarada noocan oo kale ah islamarkaana ay ka faa’idaysanayaan Ganacsatada reer Puntland.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland Maxamed Cabdulaahi Botaan oo munaasabada ka hadlay ayaa isna dhankiisa soo dhoweeyay Siminarada noocan oo kale ah ee ay wado rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland isla markaana kor loogu qaadayo aqoonta ganacsiga iyo ganacsatada.waxaana uu ku bogaadiyay in ay siwadaan isagoo xusay in dhowaan ay qorshaynayaan siminaar noocan oo kale ah in ay u qabtaan ganacsatada magaaladan Bosaaso.

Duqa Degmada Bosaaso Maxamuud farax Beeldaaje oo ka hadlay goobta ayaa isna ku dheeraday ahmiyada ay leedahay kulamada noocan oo kale ah waxaana uu ganacsatada ugu baaqay in waxyaabaha ay baranayaan uga faai’deyaan goobaha ganacsiga iyo shirkadaha ay matalayaan.waxaana uu isna dhankiisa amaan usoo jeediyay maamulka rugta ganacsiga iyo Hay’adda Manhal oo iyana siminaarka maalgalinaysay.

Ugu dambayntii Ustaad Yuusuf Maxamuud Ciise oo ah khabiir ku takhasusay dhaqaalaha Islaamka isla markaana ah macalinka bixin doona tababarkaan oo soo xiray siminaarkaan ayaa hoosta ka xariiqay in inta uu tababarkaan socon doono uu waxbadan u faa’idayn doono ganacsatada waxaana uu ganacsatada ka codsaday in ay muujiyaan firfircooni iyo dadaal.

Siminaarkaan ayaa waxaa uu soconaaya mudo saddex maalina,waxaana iska kaashanaaya rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland iyo Ha’yaddaha samafalka ee Manhal iyadoo lagu baranaayo maalgashiga Islaamka abuurista dhaqaalaha hogaaminta maamulka iyo Maraynta.

Cabdisalaan Axmed Shire

Horseed Media

RELATED STORIES

2 Responses to “Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Siminaar Dhaqaalaha Islaamka U Furtay Ganacsato (Sawiro)”

  1. weheliye says:

    waa horumar waana runtaa dhalinta haloo dhiibo xilalka wax soo bartay waan kugu tageersanahay waalalal DIIRIYE,

  2. maashaa,alah waa wiil yar ninka rugta ganacsiga haysta ragaas oo kalaa loo bahan yahay looma baahna nin 50/60/70/80/jir ah oo xigmadii ka dhamaatay,aniga waxaan ku talinayaa raga yar yar oo wax soo bartaay talada dalaka haloo dhiibo waa hadii horumar la rabo