Ciidanka amaanka ee dalka Yemen ayaa xabsiga dhigay muwaadinin Soomaaliyeed oo lagu eedeyey in ay si sharci darro ah halkaas ku galeen.
Ilaa 12-soomaali ah ayaa lagu xirey magaalada Kataf ee gobolka Sa’ada,waxaana intaa ka dib lagu sameeyey baaritaan oo la weydiiyey dhowr su’aalood,sida ay sheegtay Wasaarada arimaha gudaha ee Yemen.
Saraakiisha Ciidanka amaanka ee Yemen ayaa ka gaabsaday in ay ka warbixiyaan xariga ay u geysteen Muwaadininta Soomaaliyeed.
Dalka Yemen ayaa ka mid wadamada ay dadka Soomaaliyeed si sharci darro ah ku galaan kuwaas oo ka cararaaya dagaalada ka soconaaya dalkooda.
Horseed Media
Somalia ilaahay baa u maqan!
Somali halkaas Iyadaa is dhigtay “Qoomna alle ma tuleeyo Ilaa uu isagu is duyleeyo”
Markaa somalia Iyadaa Halkaa Is dhigtay ee ha uga bi’ina.
war somaliyeey, wadankiina jooga idinkaa saas u si galaye, Yamaney adna masaakiinta u khafiifi.