Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Kulan aan Caadi Ahayn Oo Looga Hadlaayay Arimaha Amaanka Oo Ka Dhacay Bosaaso (Sawiro)

Kulankaan oo ay kasoo qaybgaleen maamulka gobolka Bari,Xildhibaano kasoo jeeda gobolka Bari,Culimaa’udin,ganacsato,Nabadoono,Isimo,Saraakil ka tirsan Hay’addaha amaanka degmada Bosaaso iyo martisharaf kale ayaa ka dhacay guriga gobolka ee magaalada Bosaaso.

Masuuliyinta kulankaasi goobjoog ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Salaad Xareed,Duqa degmada Bosaaso,Guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide iyo masuuliyin kale.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada kulanka ay tahay sidii wax looga qaban lahaa xaalada amaan ee magaalada Bosaaso iyo sidii loo samayn lahaa guddiyo amni oo ka kooban dadweynaha,kuwaasi oo ka shaqeeya amaanka.

Waxaa uu intaasi ku daray Guddoomiyuhu in loo baahanyahay in dadweynuhu ay kala shaqeeyaan Hay’addaha amaanka guud si buu yiri uu amaanka u noqdo mid hubanti ah.

Taliye kuxigeenka Booliska gobolka Bari Cawil Ilka Dahab ayaa isna sheegay in ay sii liicayso degmada Bosaaso marka loo eego amaanka,isagoo ku eedeyey shacabka ku dhaqan degmada.

Wuxuuna intaa ku daray in Isimada iyo Nabadoonadu ay masuul ka yihiin amaanka degmada.

“…Dadka ku nool Boosaaso waa isku Isir,waxaa kalifay ma garan karo in ninkii nin dila sababta loo qarinaayo eedeeda taasi waxaa iska leh dadwaynaha.waan idin sheegaaya ninkii Hay’addaha amaanku ay qabtaan waxaaa ka daba imaanaya dad ku andacoonaaya in uusan dambi lahayn…”,ayuu yiri.

Suldaan Ciise oo ka mid ah Isimada gobolka Bari oo ka hadlaayay kulankaasi ayaa sheegay in waajib ay tahay in laga wada shaqeeyo amaanka magaalada Bosaaso iyo guud ahaanba Puntland.

Waxaa uu intaa raaciyey in Suldaanka oo u jawaabay Taliye kuxigeenka qaybta gobolka Bari in Isimada gobolka kaalintoodu ay tahay wacyi gelin hase yeeshee qorshe nabadgalyo iyo Barnaamij nabada lagu sugaayo ay u taalo Hay’addaha amniga.

”…Waxaa jiraa dad xir xiran inka badan labo bilood oo xabsiyada ka buuxa,lama soo saarin maxkamad.markii aad waydiiso hay’addaha amaanka waxaa ay ku sheegaayan in baaritaan ay ku wadaan lagu sheegi maayo wax cad ah…”,ayuu yiri.

Suldaan Siciid ayaa ka dalbaday Hay’addaha garsoorka in ay qayb weyn ay ka qaatan amaanka degmada.

Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland oo ka mid ahaa masuuliyinti kulankaasi ka hadashay ayaa sheegay in Puntland waqti badan ay nabad ahayn isla markaasina loo baahan yahay in la dhowro nabada ka jirta.

“…Cidii wax tabanaysaa ha cadayso,Maxamed Siyaad Bare ayaa dhihi jiray dagaal wiil kuma dhashee wiil ku dhinta.waxaan idin sheegaaya Saldanadu in aysan cidna la dhalan…”ayuu yiri.

Kulanka intuu socday ayaa waxaa ka hadlay Ganacsato,Culimaa’udin iyo Nabadoono oo soo jeediyey talooyin fara badan oo lagu sugaayo amaanka.

Cabdiqani Cabdulaahi Cabdi

Horseed Media

RELATED STORIES

3 Responses to “Kulan aan Caadi Ahayn Oo Looga Hadlaayay Arimaha Amaanka Oo Ka Dhacay Bosaaso (Sawiro)”

  1. warsame says:

    waan idin salaamay dhamaan akhayaarta ku tiirsan horseed media
    waxaan rabaa inaan in yar la hadlo shacabka puntlnd gaar ahaan kan boosaaso waxaan idin lee yahay war ilaashada amaankiina oo sida amnigu loo sugto barta anigu iminka waxaan joogaa magaalo la dhaho gtland waxaana maanka suga waa shacabka ee hoooy dawladiina la shaqeeya oo belada la idin kusoo dhex tuuray iska qabta

  2. m000771 says:

    shir iyo kulamo,la qabto markasta oo wax dhacaan,waxba ma tarayo .kuwii ka horayeyba wax natiija ah oo ka soo baxay,ma jiraan.meesha ay wax ka socon la’yihiin,oo dhibaatada u sabab ah,waa tan kuwaade,waxa la isku qaldayaa,nidaamka ay umadaha dunido ka dhaqmaan,oo ah mid mira dhal ah,oo ay dadko,ku kalabaxaan,sharciga iyo dastuurka,ay qorteen,oo dadka kala saara si umaddo u simantahay,cadaalada.waxa inga taasi inoo bedelay,nidaam dib u socod ah oo ku dhisan,qabyaalad,iyo kaabo,qabiilo,dhibka jira iyo dib u dhaca bulshada,kaalinta kowaad,ka ah.inta aan sharciga laga warwareegayo,uu umadda,cadaaladeeda,loo dhiibayo,kabo qabiil,dhib ka biximayno.

  3. kismaayo says:

    waxaan aad uga xumahay in bosaaso amaankeda uu faraha ka baxo waxaana u sabab ah dadka u dhashey ee reer bosaaso aygoo kujira guri dhalo ah ineey dhagax tuuraan waa laga fiican yahay dhibka jira wixii dhib geesta hadii layska qaban dhibtu weey siyaada tan xigtaa waxeey tahay in maamulka bosaaso uu wacyi gelin uu sameeyo waa arin muhiim ah oo latuso haduu qof dabi gala lasoo qabto oo sharciga la horkeeno waxaan kula talinayaa shacbka bosaaso ineey ku dadaalan in ay doowlada la shaqeeyaan wa bilaahi toowfiiq