Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Lacag Madaxfurasho ah Oo La Gaarsiiyey Burcadbadeeda Haysata Lamaanaha Ingiriiska

Qoyska Lamaaneyaasha u dhashey dalka Ingiriiska ama Britain ayaa sheegay in ay bixiyeen kala bar lacagta madaxfurashada oo ay Burcadbadeedu dalbadeen kuwaas oo lagu sii deynaayo lamaanaha oo lagu kala magacaabo Paul iyo Rachel Chandler.

Lacagtaas ayaa la gaarsiiyey waxgaradka iyo Odeyaasha Burcadbadeeda haysta lamaanaha.

”…Waxaanu helnay $430,000-doolarka maraykanka,taas oo qayb ka ah lacag $800,000-doolar oo ah lacagta madaxfurashada heshiiyey in lagu sii daayo lamaanaha.waxaana ay lacagtaan soo marsiiyeen wakiil…”,ayuu yiri Cali Cismaan Suge oo ka mid ah Waxgaradka lacagta soo gaartay.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan Britain ayaa iyagu hore ku dhawaaqay in ay aruurinayaan qayb ka mid ah lacagta madaxfurashada,wuxuuna sheegay in labadaan maalmood ee sabtida ama axadda ay Jaaliyada Soomaaliyeed soo gaarsiin doonaan lacagta ka dhiman lacagta madaxfurashada ee lagu sii deynaayo lamaaneyaashas.

”…Hadda waxaan sugeynaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Britain in ay soo dhamaystiraan qaybtooda sabtida ama axadda…”,ayuu sidoo kale sheegay.

Kooxaha Burcadbadeeda ayaa hore u dalbaday lacag $7-milyan doolarka maraykanka,waxaana ka dib markii wada hadal lala galay ay u lacagta ka dhigeen wax ka yar $1-milyan.

Paul iyo Rachel Chandler ayaa iyagu la afduubtay xilli ay maraayeen Badwaynta Hindiya gaar ahaan agagaarka Xeebaha Seychelles,waxaana ay wateen doomaha nooca dalxiiska.

Horseed Media

RELATED STORIES

Comments are closed.