Dowladda Hoose degmada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa iminka wada canshuurta guryaha oo ay dhowaan bilawday.
Xogheyaha Dowladda Hoose Qaasim Maxamed Cabdi oo maanta u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in canshuurtaas ay dhowaan bilaabeen isla markaana ay socoto iyadoo dhowaan ay soo gaba gabayn doonaan.
Podcast: Play in new window | Download
Wuxuu sheegay in ay jiraan dad aan canshuurti bixinin isla markaana ay ka qaadeen talaabo ah in ay guryaha kala baxaan albaabada si ay u keenaan canshuurta.
”…Ganjeelada ayaa lagala baxay guryaha canshuur diidka ah,dadku isku mid ma ahaa dad ayaa jiraa oo canshuurta bixisay balse kuwa aan bixin waxaan kusoo rognay in aan kala baxno albaabada…”,ayuu yiri isagoo intaa ku daray guryo badan ay ilaa iyo hada ka qaadeen canshuurta ama bixiyeen.
Xogheyaha Dowladda Hoose ayaa xusay in warbaahinta ay ka baahiyeen goor hore in dadka ay iska bixiyaan canshuurta guryaha ayna tahay arin waajib ah.
Horseed Media
Salaan Kadib..
Walaahi waa cajiib , Maamulka Puntland waa fashilmay wax badan oo balanqaadeen inay dalka iyo dadka u qabtaan maalintii la dooranaayey Maamulka faroole , waxaa jirta in mashaariic fara badan oo hay’ado fara badan fulin lahaayeen , sida Horn Relief oo dhisi lahayd dekada Laasqoray ay ka dhowr sugayaan in Maamulka Puntland amaanka wax ka qabtaan, waxaa ka socda dilal qorshaysan oo dadka lagu laynaayo, xuduudii Puntland oo faraha ka baxday degmooyinka oo aan maamulku sifican u gaarsiisnayn, markaa dadka miyaa la dhacayaa cashuurta guryaha laga qaadaayo iyadoo weliba albaabada laga fuqsanaayo. barnaamij cad ha la yimaden!