Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Habeenkii Xalay Ka Dhacay Boosaaso

Qarax nooca meelo kale laga hago ah ayaa caawo lala beegsaday gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayen Ciidamada amaanka Degmada Bosaso,kaasi oo marayay agagaarka Geerashka Minisaariyo ee Bariga Magaalada Bosaso.

Maxamed Siciid Hogaamalaroor oo ka mid ah Saraakiisha Caafimaadka Cusbitaalka Magaalada Bosaso oo caawo la hadlayay Horseed Media ayaa shegay in Qaraxasi ay ku geeriyoodeen Saddex askari oo ka mid ahaa Ciidamada Gaarigaasi saarna,halka 2 Qof oo rayid ah oo ka agdhowaa goobta uu Qaraxaasi ka dhacay uu dhaawac ka soo gaaray ,kuwaasi oo la geeyay Cusbitalka wayn ee Magaalada.

Waxa uu intaasi ku daray Maxamed Siciid in 2 Qof ee Rayid ka ah ee dhaawacmay mid ka mid ah ay tahay Dumar,isla markaasina xaladoda Caafimad lagula tacaalayo Cusbitalka wayn ee Magaalada Boossaaso ee xarunta Gobolka Bari.

“…..Haweenayda dhaawacantay dhaawaceedu waa halis,qaybta sare ayay wax ka soo gaaren,qaliin ayaa lagu wada, waxan rajaynayaa in lagu guulaysan doono…”Ayuu yiri.

Waxa jira dhaawacyo kale oo ka dhashay Qaraxaasi walow aan si rasmi ah loo ogayn tirada rasmiga ah ee ku dhaawacmay Qaraxaasi.

Ciidamada Amaanka Degmada Bosaso ayaa Qaraxaasi ka dib gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay,kuwaasi oo baritaan ka bilaabay goobtaasi.

Saraakiisha Ciidanka amaanka Degmada Bosaso ayaan ka hadlin Qaraxa Caawo lala begsaday Ciidamada Amaanka Degmada Bosaso.

23 bishii bishii aan soo dhaafnay ayay ahayd markii Qarax midkaan dhigiisa ah bartamaha Magaalada lagula beegsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidanka Amaanka Degmada Bosaaso,Qaraxaasi oo sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca sideed kale.

Horseed Media

RELATED STORIES

4 Responses to “Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Habeenkii Xalay Ka Dhacay Boosaaso”

  1. hersi says:

    nabddu waa nolosha barkeed..nabad la,aanna nolol ma jiri karo..hadaba kuwan dadka maalin walba qarxinaya ama leeynaya mas,uuliyiintooda iyo kuwa amnigooda sugaya ..waa fitno wadayaal ..taasi shaki inagama saarna ..laakiin su,aashu waa maxey yihiin kuwaasi ..xagey ka yimaadeen maxey aaminsanyihiin?!!

    aniga waxaan qabaa waa habowga diinta ineey yihiin kamana imaan koonfur kaliyah ee qaarbaa ah dadka dhulka u dhashey..waana wahaabiyiinta dadka laaya meel walbana waa eey jiigaan…horaan ooga digney! laakiin dheg baan jalaq naloo siin !!

  2. suldaanka says:

    A/W/W Salaan kadib waxaan umahad calinayaa shaqaalaha iyo wariyaasha horseedmedia oo marwalba ku dadaalaya sidii ay war inagu soo gaarsiin la haayeen, intaa kadib waxaan hadal keyga kusoo koobayaa, dhibta puntland ka jira in aysan ka maqneyd gacan dad reer puntland ah fikir key doonan ha aamin sanaadaan. dad kaasu kaligood ma aha ee dad badan ayaa wax ka og sidaa daraadeen ilaa dad kas shaqo laga qabto xukuumada puntland na ay u bislaato in ay wax ka qabato amaanka shacabkeeda dhibka jiraa wuu jirayaa lamana qaban doono, balse waxaan hadalkeyga ku darayaa shacaboow foojignaada oo iska ilaaliya kuwa dhibka wada, “NABDU WAA NOLAL”

  3. Buruuj says:

    La yaab ma laha aduunka manta meel kasta qarax baa ka dhaca lakiin waxaa la ogaadaa dadkii ka danbeeyey qaraxaas maxaa Puntland qarax ka dhac meel loogu la,yahay? ciidamada amaanku maxay u garan la,yihiin meesha hogtu ka qudhuntey? ma lihi maxaa qaraxau u dhacay waa ibtilo waana wax qornaa ee maxaa loo heli wayey wixii qarax geystey plz dadweynahay iyo ciidamada amaanku wada shaqeyn ka dhexeyso danbiilaha marka ameel uu ku gabado ma helaayo

  4. warsame says:

    allow dalka nabad noogu soo dabaal waa yaab war maxaa laga rabaa ciidanka amaanka ee dalka amnigiisa katalinaya war dadkaa hala iska qabto waa yaab dawladu iyadu may amaanka sugto oo dadka wax qarxinaya boosaaso gudaheeda ayaa lagusoo abaabulaaye maa daba gal lagu sameeyo
    war shacabow amnigiina ilaashada ilaahow wax magaratadana naga qabo