Xarakadda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda labo qarax oo habeenimadii xalay ka dhacay magaaladda Kampala ee caasimada dalka Uganda,kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan.
Afhayeenka Xarakadda Al-Shabaab Sheikh Cali Dheere oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qaraxyadaas ay ugu talagaleen in ay aar gudaan shacabka Soomaaliyeed oo uu tibaaxay in ay xasuuqeen Ciidanka Uganda ee ku sugan magaaladda Muqdisho.
Wuxuu intaa ku daray in mudo ku siman 12-maalmood ay diyaarinayeen qaraxyadaas isagoo sidoo kale digniin u direy shacabka reer Burundi isla markaana xusay in qaraxyo la beegsan doonaan magaaladda Caasimada ah ee Bujumbura.
Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa dhowaan digniin ujeediyey wadamada Burundi iyo Uganda oo u sheegay in ay la beegsan doonaan weeraro.
Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska dalka Uganda oo isagu la hadlay Wakaaladda AP ayaa sheegay in qaraxyadaas ay aaminsanyihiin in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.
Sidoo kale sarkaal ka tirsan xarakada al-shabaab oo magaciisa ku sheegay Shiikh Yusuf Shiikh Ciise ayaa warbaahinta AP u sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin qaraxa, laakiin waxa uu diidey in uu caddeeyo in ay iyagu fuliyeen iyo in kale.
Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha ka dhashey qaraxyadaas ayaa sheegaaya in ay ku dhinteen dad gaaraya 74-qof,Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa isna booqday goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen isagoo ku eedeyey in ay geysteen dad argagaxiiso ah isla markaana wacad ku maray in ay meel weliba kasoo qaban doonaan.
Horseed Media
asc wr wbr
war al shabaab ilahow umada ka qabo shacabka somlaida u aargudeynaa ku lahaa maxaa is dhamaan iyagaba shacab bay dileene hadey wax aargudayaan may meelaha dawlada qarxiyaan ama qof dawlada ugaandha ka mid ah dilaan muxuu shacabku galabsadey la laynaayo hadey leeyihiin shacabka somalida la laayey dawlad ku sheegaa masuul ka ah lakiin shacabka ugaandha maxay galabsadeen
ASALAAMU CALAYKUM..malaha alshabaab wax qarxintu dalaailaad xagga diinta kusugan ayaa ay uhaystaan miyaa!!!waa kuwan waxaan diinta iyo dadkaba uwanaagsanayn samaynayee,,waryaan dhibaato loogaysan dadka soomaaliyeed ee doorbiday ugandha waxaana uga digaynaa in ay dadka yugaandhiisku dhibaato ugaystaan,waayo alshabaab ma matasho shacabka soomaaliyeed iyaga iyo kuwa soomaalida ahba waa isugu mid ee taxadar sameeya ayaan odhan lahaa soomaalida ugandha kusugan,waa wakhti xaalladu adagtahay,insha allaah allaa naga qaban alshabaab iyo nabad diide oo idil,. soomaaliyana waxaan urajaynayaa guul baaxad weyn,waayo shacab iyo dal ladulmay..
Waa qarax naxdin iyo murugo xambaarsan,waan ka xumahey iney naf-waayeen dad rayid ah waxaanse iyana hubaal ah iney jiraan muwadiniin Soomaaliyeed oo maalin walba ku-nafweynaya madaafiicda iyo duqeynta Amsom taa macanaheedu ma aha in la-qarxiyo amase la sameeyo falal noocan oo kale waxaan lee yahay kuwa falkan geystay waxaad horseedeen oo qura dhibaato lagula kaco Somalida qaxootiga ah waxaanse lee yahay adeerayaalow intaad qarax ka geystaan dunida daa-faheeda idinkoo ku dhex-nool goobaha shacabka ha sheeganina sababtoo ah waxaad dhib u soo jeedeysaan shacabka aan waxba galabsan ee Soomaaliya ku nool kuwa dowlada sheeganaya iyaguna waa faashil
Salaan sarre bahda Horseedmedia.
Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan shacabka Uganda ee walaalaha iyo deriska nahay, waxaana kula talinaayaa in aysan Qaxootiga Somaliyeed wax u geysan, maadaamaa ay ayaga naf kasoo raadiyeen.
Mida xigta waxaan ku faraxsanahay in uu madaxweyne Shariif qiray xaqiiqdii jirtay ee aheed in uu gudoomiye mar u ahaa qoladaan argixisada ku ah nafta bini’aadanka.
Madaxweynihii hore mudane C/laahi Yusuf Ahmed ayaa ka saxsanaa madaxweyne Shariif, Nuur-cadde iyo weliba Welid-Cabdala markii ay yiraahdeen nabada ayuu caqabad ku ahaa.
Kuwa diinta gabaadka uga dhigtay daadinta dhiig bini’aadan waa in la iska dhiciyaa.