Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan Barnaamijka Cunada aduunka ee WFP ayaa degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag howlo cuno qaybin ah oo ay u sameysay dadka danyarta ah ee halkaas ku nool.
Hay’adda ayaa cunto qaybintaas u soo marsiisay Urur maxali ah oo fadhigiisu yahay degmadaas oo lagu magacaabo ILSAN.
Saynab Xaaji Ayaan Axmed oo ah madaxa Ururkaas oo Horseed Media la hadlaysay ayaa sheegtay in raashin qaybinta ay halkaas ka wadeen maalmihi lasoo dhaafay iyadoo dadka loo qaybiyey ay tiro ahaan gaarayaan 672-qof oo danyar ah.
Waxaa ay sheegtay in raashin qaybinta loo samaynaayo dadkaas ay socon doonto mudo lix bilood ah.
Cunada loo qaybiyey ayaa waxaa ka mid ah Bur,saliid iyo galay,iyadoo dadka loo qaybiyey ay sheegtay in ay soo dhoweeyeen oo ay ku farxeen.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!