Waxaa maanta fagaaraha barxada qaybta Booliska gobalka Mudug lagu burburiyay ilaa 130 dhalo oo ah maandooriyaha loo yaqaan qamriga oo ay Ciidanka amaanka gobalka Mudug dhawaan gacanta kusoo dhigeen 3 kartoon oo ay ka buuxdo qamriga loo yaqaan Dry Gin,waxaana ay ciidamadu ay sheegeen in lagu soo qaatay qamrigan gaari ka yimid dhanka gobalka Wardheer degmada galaadi ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Maxkamada Darajada koowaad ee gobalka Mudug ayaa ku xukuntay min 6 bilood oo xarig ah dadkii lagu soo qabtay qamrigan waxayna sidoo kale maxkamada xukuntay in meel fagaara ah lagu bur buriyo qamrigan.
Goobta ay ka dhacaysay burburinta qamrigan ayaa waxa joogay Gudoomiyaha maxkamada darajada koowad ee gobalka Mudug io xeer ilaaliyaha maxkamada,Gudoomiyaha maxkamada rafcaanka gobalka mudug sidoo kale waxa goobtaas ku sugnaa Taliyaha Ciidamada booliska gobalka mudug G/sare Muuse Xasaasi iyo qaar ka tirsan ciidanka booliska gobalka Mudug.
Taliyaha Ciidamada Booliska gobalka Mudug G/sare Muuse Axmed Cabdiraxmaan (Xasaasi) ayaa ka hadlay goobtaas isagoo u mahad celiyay ciidanka booliiska oo marar badan soo qabtay waxyaalaha qalqalka galiya amaanka iyo xasiloonida gobalka Mudug.waxaana uu ku booriyay in aysan ka caajisin hawsha ay u hayaan dalka iyo dadkaba,sidoo kale waxaa uu digniin u diray kooxaha ka ganacsada mandooriyaha isagoo sheegay in gacan bir ah ay ku qaban doonan ciidamada amanka gobalka Mudug.
Ma ahaan markii ugu horeeysay oo ay ciidanku soo qabtaan maandooriyaha loo yaqaan qamriga,hase ahaate waxaa jira goobo waa weyn oo caan ku ah ka ganacsiga qamriga kuwaasi oo ku yaala bartanka magaalada Gaalkacyo.
Ahmed Mohamed Ali (Caano Geel)
Horseed Media
Galkaacyo-Puntland
waa arin wanaagsan,in police ka puntland ay ka hortagaan,ka ganacsiga khamriga,laakiin waxaad moodaa in,mar walba ay si qaldan arinta,u fuliyaan,dhalada ama dhalooyinka,la bur-burinayo oo aad arkaysid in ay halis ku keeni,karto bulshada ku nool agagaarka xafadaasi,dhalada waa la isticmaali karaa,waxa xaaraanta ah waa qamriga,soo ma haboonayn in,la daadiyo dadka hortiisa,dhalooyinkana dib loo isticmaalo,si looga hortago in in dad wax ku noqdaan,quraradahaasi,siiba dhalaanka yar yar,iyo bulshada inteeda kale.waxaa kaloo iska cad in,qamri koontabaan ah uu galo deegaanka,taasina waa in xooga la saaro,kuwa ka ganacsadana,maxkamad la saaro.
salaan dhamaan bahda horseedmedia salaan kadib waxaan kuboorinaya shacabka reer puntland ineey ilaashadaan sharaftood ooy ugu horeyso midnimo amnni buuxo maamul mid ah intaas hadaad heshaan aduunkada dadka kunool ayaad waxla qeysan kartaan midkale ninka askariga ah marka uu waxsoo qabto sharci darro wadanka kusoo galay ama kaga baxay hal derejo waa inla dalacsiiyaa waayo beri ayuu kudhiiri gelayaa ama waxbadsi kale ayuu raadinaya meelkasta mugdi ah farta ayuu gelinayaa
A/s dhamaan bahweynta horseedmedia intaas kadib aniga midyar oo muhiin ah ayaan ku darsan lahaa askari marka uusoo qabto waxyaalahan oo kale waa inla ladalcsiiyaa si uu bero midka fiican intaan usoo qabto ama uu qiimeyo deraja uu kuhelayo howlshiis asagoo ku faraxsan suu uguto waad mahadsan tihiin dhamaan akhristayaasha dhamaan
Waa arin wanaagsan arintan uu ku dhaqaaqay maamulka gobolka mudug waxaana lee yahay waa arin ku dayasho mudan tan kale waxaanu ka codsanaynaa dawlada puntland ha daanu nahay qurba joogta puntland inay wax ka badalaan arimahan 1.ciidan qaranka puntland ushaqaynaya oo aan dirays qabin sida shaashada ka muuqata 2.in meel kasta oo khamri lagu hayo ay talaabo sharciga waa fakhsan laga qaado……….. tan kale shacabka waxaan ka codsanayaa inay dawlada la shaqeeyaan oo aysin arkin xumanta kaliya ee ay indho uleeyihiin xumaanta iyo wanaagaba siiba dhanka samaanta.
Waa arin wanaagsan arintan uu ku dhaqaaqay maamulka gobolka mudug waxaana lee yahay waa arin ku dayasho mudan tan kale waxaanu ka codsanaynaa dawlada puntland ha daanu nahay qurba joogta puntland inay wax ka badalaan arimahan 1.ciidan qaranka puntland ushaqaynaya oo aan dirays qabin sida shaashada ka muuqata 2.in meel kasta oo khamri lagu hayo ay talaabo sharciga waa fakhsan laga qaado……….. tan kale shacabka waxaan ka codsanayaa inay dawlada la shaqeeyaan oo aysin arkin xumanta kaliya ee ay indho uleeyihiin xumaanta iyo wanaagaba siiba dhanka samaanta aad iyo aad ayaan ugu hanbal yeynayaa shaqaalaha horseed media sida soomaalinimada iyo waliba muwaadinimadu ku jirto oo ay ugu shaqaynayaan shacabka somaliyed gaar ahaan kan dawlada puntland somalia
Waa wanaagsantahay in la burburiyo oo la qabto khamriga waana wax xaaraan ah in qofka islaamka ahi cabo Khamri.
lakaiin umaan boqgin meesha dhalooinka lagu jajabiyey oo ah meel magaalada dhexdeeda ah deegaan iyo dhulka dhib weeyn u keenaysa madaama aanu wadanku lahayn warshad dib sugaaga ama dhalooyinka u soo warshadeysa si markaa dhalooyinkaa dib loo isticmaalo ama adeeguo kale oo xalaal ah loogu siticmaalo.
waxaan kaleoo maamulku dhaliilayaa inay w x weyn ka sooqaadan maaha oo iyaga maamul ahaan aanay dadka shaqooyinkooda ama gaadiidka wadada maraya anay xayirin, dadkii iyo gaadhigii siday in la xukumo bay ahyd sida sharcigu qabo..