Booliska Kenya ayaa xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya ka xirtay nin looga shakisanyahay inuu xirrir la leeyahay Xarkadda Al-Shabaab.
Ninka la xirey oo lagu magacaabo Alfred Kibet Kosgei ayaa soo bandhigey cadeyn ah inuu u dhashey dalka Kenya,waxaana Sarkaal u hadlay Booliska Kenya oo ka gaabsaday magaciisa sheegay inuu ka yimi magaaladda Nairobi.
Waxaana ninka la xirey uu watay telefoonka gacanta lagu qaato oo ah nooca Satellite-ka iyo kaamerad oo ay ku jireen sawiro u kasoo qaaday dhismooyin muhiim ah oo ay leedahay Dawladda Kenya oo ku yaalla magaaladda Nairobi iyo goobaha dadka ay ka raacan gawaarida rakaabka.
Ninkaas ayaa waxaa la sheegay inuu kasoo jeedo gobolka Rift Valley,waxaana lagu qabtay halka lagu magacaabo Alijugur oo qiyaastii 60-KM u jirta Xadka Soomaaliya isagoo saarna bas.
Booliska ayaa intaa ka dib u soo gudbiyey ninka magaaladda Nairobi si baaritaan lagu sameeyo,waxaana wararka qaar sheegaayan in Dawladda Kenya ay u gacan gelisay Xukuumada Uganda.
Kenya ayaa iyadu tan iyo markii magaaladda Kampala ay ka dhaceen qaraxyadii sababay dhimashada dad fara badan ay bilawday in ay xoojiso amnigeeda,waxaana ay qab qabatay dad dhowr ah oo looga shakiyey in ay ku lug leeyihiin qaraxyadii Kampala oo ay sheegteen Xarakadda Al-Shabaab.
Habeenimadii xalay howlgal ay Ciidanka Booliska ka sameyeen xaafada Islii ay ka xir xireen inka badan 100-qof oo Soomaali ah.
Horseed Media
Police ka kenya waa in uusan dadka soomaalida ah,oo aan wax danbi ah galin,marmarsiyo uga dhigan,in ay xiraan,iyagoo sabab ka dhiganaya waxaan la dagaalamaynaa argagixiso,waa la ugyahay in ciidanka kiinya,ay wax walba ka jecelyihiin,in ay soomaalida boobaan,xirxiraan,dhacaan,waxaan amnesty international ka codsanaynaa in ay la socoto,ku xadgudubka loo gaysanayo soomaalida ku nool kenya iyo gaar ahaan xaafada Eastliegh ee ay soomaalido degto.soomaalido ma laha cid u dooda,dal iyo dibadba,waa in ayno difaacnaa xuquuda asaasiga ah ee shacabka soomaaliyeed,police ka kenya iyo xukuumadba waxaano u sheegayna in aan soomaalida si gaar ah loo beegsan