Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Dowlada Ugandha oo sharciyo cusub soo rogeysa iyo Somalida oo walaac muujiyey

Dowlada Ugandha ayaa ku dhawaaqday inay adkeyn doonto xaduudaheeda si ay  u sugto amniga dalka, kadib weeraradii ka dhacay magaalada caasimada ah ee Kambala.

Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni ayaa sheegay in dowlada ay adkeyn doonto xaduudaha si loo xakameeyo dadka dhibaatada ka geysan kara gudaha dalka Ugandha. Dalka Ugandha ayaa kamid ahaa dalalka kooban ee xuduudahooda u furay dadka Soomaalida ah ee kasoo baro kacay dalkooda hooyo.

Weeraradii Axadii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Kampala ayey ku dhinteen 73 ruux, waxayna qaraxyadaani keeneen cabsi lasoo gudboonaatay shacabka Ugandha.

Cabsidan ayaan ahayn mid ku kooban oo kaliya dadka reer Ugandha balse Kumanaanka kun ee Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Ugandha ayaa walaac xoogleh ka muujiyey amnigooda.

Soomalida ku dhaqan magaalada Kambala ayaa ka codsaday dowlada iyo Ciidamada Booliiska inay amnigooda sugaan, ayagoo ka cabsi qabo in lala beegsado weeraro aargudasho ah.

Inta badan Soomaalida ku dhaqan dalka Ugandha ayaa ah kuwo kasoo baro kacay dagaala ka socda dalka Soomaaliya, waxayna qaar badan oo shalay la kulmay ciidamada Booliiska saraakiil ka socota u sheegeen in ay kasoo horjeedaan weeraradii bambaano iyo kooxda Al Shabaab.

Ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Ugandha gaar ahaan magaalada Kambala ayaa ayagu bilaabay in xiliyada habeenkii ay xiraan xarumahooda ganacsi ayagoo ka cabsi qaba in bartilmaameed laga dhigto.

Madaxweynaha Dalka Ugandha Mr.Musaveni ayaa asagu sheegay in Dowlada Ugandha ay ciidamo dheeraad ah u diri doonto dalka Soomaaliya kuwaasi oo gaaraya 2 kun oo askari, ciidamadan ayaa horey loo qorsheeyey in ay tagaan dalka Soomaaliya bartamaha bisha Agoosto.

Mr.Musaveni ayaa sheegay in weeraradii bambaano ee Al Shabaab sheegatay aysan waxna ka bedali doonin qorshahooda ku aadan dalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu doonaya kana codsanayo Midowga Afrika in ciidamada AMISOM awood loo siiyo inay si toos ah ulla dagaalamaan kooxda Al shabaab.

Madaxweynaha Ugandha ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda gobalka, inay iska kaashadaan sidii dalka Soomaaliya wax looga qaban lahaa loogana hortagi lahaa kooxda Al Shabaab oo uu sheegay inay khatar ku tahay amniga Geeska Afrika.

Kooxda Al Shabaab ayaa ayadu sheegatay inay ka danbeysay weeraradii bambaano ee Kambala, waxayna kooxdu sheegtay in weeraradan ay yihiin bilow isla markaana ay abaabulayaan kuwo cusub, kooxda Al Shabaab ay ku sheegtay qaraxyadii Kambala kuwo ay kaga aargudanayaan kaalinta ay ciidamada Ugandha ee AMISOM ka geysteen dagaalada ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Dowlada Kenya ayaa wadanka Ugandha usoo gacan gelisay nin heysta dhalashada dalkaasi Ugandha, ninkan ayaa la sheegay in uu isu dhiibay dowlada Kenya kadib qaraxyadii Kambala, wuxuuna qirtay inuu xubin ka ahaa Al Shabaab, balse uusan wax lug ah ku lahayn weeraradii Axadii ka dhacay magaalada Kambala.

Horseed Media

RELATED STORIES

One Response to “Dowlada Ugandha oo sharciyo cusub soo rogeysa iyo Somalida oo walaac muujiyey”

  1. warsame says:

    War wax magaratada magacii soomaalinimada ku dheeshay dalka halaga qabto oo cir dhul iyo badba intii laga weeraro dhulka halagu daro sidii uu horay usheegay madaxweynaha uganda