Puntland oo Maxkamad gaar ah u samenaysa Argagaxisada iyo sababaha keenay

Dowlada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay maxkamad gaar ah u sameyn doonto dadka lagu tuhmo falal danbiyeedyada lagu tilmaamo Argagaxinta, Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacay gobalada Puntland.

Go’aankan ayaa kasoo baxay kulamo maalmo ka socday magaalada Garowe ee caasimada Puntland, kulamadaasi ayey ka qeyb galayeen dhamaan Xukuumada oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada.

Advertisements

Kulamadan ayaa si qoto dheer looga hadlay falalkii qorsheysnaa ee ka dhacay Puntland ee isugu jira dilalka, qaraxyada iyo waliba dadka ka danbeeya sidii tilaabo looga qaadi lahaa.

Iswaafajinta Sharciga

Kulamadan ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayey sidii la isu waafajin lahaa Sharciga Puntland ee hada jira ee ku dhisan Shariicada Islaamka, iyo sidii maxkamado gaar ah loogu sameyn lahaa dadka geysta falalka amniga lidka ku ah.

Wasaarada Amniga ee Puntland oo soo gudbisay qorshayaal kala duwan oo ku aadan sidii loo adkeyn lahaa Amniga Puntland, ayaa soo dhaweysay go’aankii ugu horeeyey ee isku raacaan Golaha Wasiirada oo ku aadan dadka geysta falal danbiyeedyada lagu tilmaamay argagaxisada.

Wasiirka Amniga ee Dowlada Puntland Gen.Yusuf Axmed Khayr oo Wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in sharcigan ku aadan Argagaxisada uu yahay kii ugu horeeyey oo si gaar ah wax looga qabanayo kooxaha iyo dadka soo abaabula ama fuliya weerarada argagaxisada iyo dilalka qorsheysan.

[powerpress]

“…Argagaxiso waxaanu u naqaan cid walba oo qorsheysa inay dadka ku argagaxiso dilalka arxandarada ah, qaraxyada shacabka lagu dhextuuro, iyo qorshayaasha lagu doonayo in lagu burburiyo amniga dalka….” ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayey arrimaha maxkamada ay qaabilsan tahay.

Wasiirka oo ka hadlayey arrimahan ayaa sheegay in soo saarista sharciga ay salka ku heyso qaraxyadii iyo dilalkii dhawaanahan ka dhacay magaalada Bosaso ee lagu dilay saraakiil iyo madax ka tirsan dowlada Puntland iyo waliba dad rayid ah, asagoo sheegay in loo baahan in xukun culus lagu rido dadka falalkan geysta iyo waliba kuwa gacanta siiya.

Maxkamadan argagaxisada oo ayadu qeyb ka noqon doonta kuwa hada jira ee caadiga ah, ayaa la doonaya sida ay sheegeen xubnaha ka tirsan dowlada Puntland, inay dadjiso maxkamadeynta dadka argagaxisada lagu tuhmo.

Illaa iyo hada lama faah faahin sharciyada lala beegsan karo dadka ayagu gacanta siiya xubnaha lagu tuhmo inay yihiin argagaxiso, ayadoo dowlada Puntland horey digniino uga soo saartay in sharciga lasoo taagi doono cidii gacan siisa dadka geysta falal danbiyeedyada qorsheysan.

Gen.Yusuf Axmed Khayr, Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa sheegay in hada la sugayo sharciyo kale oo cusub oo ay dowladu ansixiso oo kuwaasi oo ku aadan Burcadbadeeda iyo Tahriibta.

Xukun Dil ah

Dowlada Puntland ayaa sheegtay in qofkii lagu cadeeyo inuu qeyb ka ahaa falalka Argagaxisada uu xukunkiisu uu yahay dil, waxaa sidoo kale la sheegay in xukumo culus lala beegsan doono dadka ayagu soo dhaweeya ama gacan dhaqaale iyo taageero siiya kooxaha falalka argagaxisada geysta.

Fulinta Xukumadii hore loo riday

Kulankan Xukuumada Puntland ka yeelatay arrimaha amniga ayaa kusoo beegmaya xili ay jiraan dhaliilo ku aadan in xabsiyada ay weli ku jiraan dad lagu eedeeyey inay geysteen dilal qorsheysan iyo falal argagaxiso kuwaasi oo qaarkood lagu xukumay dil, ayaan weli lagu fulin xukunkooda.

In badan oo kamid ah ehelada dadka lagu dilay falalkii ka dhacay Bosaso, ayaa dhaliilay in aysan weli dowlada fulin xukumadii dilalka ahaa oo ay horey u riday maxkamada darajada 1aad ee magaalada Bosaaso, maxkamadaasi oo ah midda inta badan lasoo taago dadka loo soo qabto falalka isugu jira dilka iyo weerarada qorsheysan.

Sirdoonka iyo Danbi baarista.

Dadka falanqeeya arrimaha amniga ee Puntland ayaa intooda badan isku raacsan in tilaabooyinka ugu muhiimsan ee Dowlada Puntland looga baahan yahay inay xoojiso ayaa dhanka, sirdoonka iyo xog aruurinta ku aadan dadka qorsheeya falalkan iyo waliba danbi baarista daba gasha shaqsiyaadka ka danbeeya weeraradii dhacay.

Dadka ku dhaqan Puntland ayaa ku kala aragti duwan Maxkamda u gaarka ah arrimaha Argagaxisada, ayadoo ay jiraan dad sheegaya in ay noqoneyso mid si gaar ah uga shaqeysa maxkamadeynta dadka arrimahaasi lagu tuhmo isla markaana ah tilaabo horey loo qaaday oo amniga lagu sugayo, halka ay jiraan dad shaki gelinaya in go’aamada kasoo baxa maxkamadaasi ay ka duwanaan doonaan kuwii horey uga soo bixi jiray maxkamadaha hada jira.

Hussein Farah
Horseed Media

Comments

  1. barre says

    Hadal Badan Danbaa Dhanto meesha wax badan ayaa ka maqan anigu sidaan qabo sababto ah qofkasta cidkasta meelkasta oo kamid ah puntland horta waa inlaga hirgeliyaa sharcigga asaasiga ah ee u yaal puntland markaas amniga wax ayaa laga qaban karaa TUSAALE hadaan usoo qato dakhliga soogala dowlada qofkasta oo reer puntland ah waxuu bishi helikaraa 400 dollar haddii ey jirto kantrol kusabsan meesha ay lagactu ku baxdo iyo waxa lagu qabto waayo wadanka waa inuu kamuuqda waxii soo galo wadooyinka magaalooyinka waa weyn waa jajaban yihiin marka horta wax qabad sax ah meesha hala keeno markaas koow sharciga inaan qofna kataabin labo waa in askariga

  2. malaaygaduudoow says

    kkkkkkkkkkkkkkk waa wax lagu qoslo war waa socon weeynay aan guur guurano ayeey taagn tahay arrintu. Meeshaan dadka wax laayo waa yaqaanaan reer bariga meey iska soo dhex qabtaan hadeey rabaan nabad. Aniga waxaan umaleenayaa arrintan waa economic package oo ay soo qaateen Maamulka Puntland, si ay dhaqaalo ugu helaan. Kuwa maalinta cad dilay odaygii Maxkamada maxaad u soo qaban weeyseen oo makaxmad u saari weeyseen. Hadaad run sheegaysaan. meesha cadaalad ka dheer waxaad wadaan.

  3. m000771 says

    puntland uma baahna,maxkamadu gaar ah argagixisada,waa sababta kuwaade,waa ku filan,haddi la dhaqan geliyo sharciyada,hadda dalka puntland u yaala,maxakamad gaar ah,oo lago xukumo,argagixiso,waxay la imana su’aalo badan oo xagga sharciga ah,waxaa kaloo ay culays dhaqaale ku noqonaysaa,miisaaniyadda loo qoondeeyey maxkamadaha oo aan iminkaba ku filayn.waxa kaloo jira baahi garsoorayaal aqoon u leh,sharciyada oo aan iminka ku filayn guud ahaan puntland.marka yaan lago deg-degen samayn maxkamad hor leh.tan maamulka laga rabo iminka ayaa ah,ku shaqaynta sharciga dalka,oo aad mooda in aysan siddii la rabay u shaqayn.maxkamad cusub looma baahna.

  4. dacar says

    Asalamu Aleikum dhaman bahda horseedmedia oo u sahashay shacabka Soomaliyeed in uu qof walba fikirkiisa ka hadlo isaga oo xor ah,intaa ka dib aad ayaan u jeclahay fikirka kala duwan waayo waxa uu dan uu yahay marba qofkii ama meshii laga bixiyo waa haddii lafahmayo , haddii aan u soo jeesto Mamulka Puntland maxkamadan cusub oo loo samenayo Argagixisada macnaheedu maaha wax qaldan ee arin fiican waa haddii aysan maxkamadu noqon mid mushuhar iyo waxtarxumo la timada , tan kale kuwii horeba haddii la xukumi waayey see bay noqonaysaa in maxkamadan cusub ay xukumi donto kuwa yimada waa arin mudan isweydinteeda.

  5. hersi says

    Waa tallaabo fiican in lasameeyo maxkamad arga-gaxiso-gacan bir ahna lagu qabto dadka arga-gaxisada ah ee dadka laaya ….laakiin waxaa loo baahan yahay ficil dhab ah oo aan bayan uun aheyn.

    waxaase shaki weyn ah in dowladu eey wli u xiran yihiin kuwii danbiyada burcad-nimo geystey ee wax dilay..kuwo kale oo dil ku xukuman-na eey wali xabsiga ku jiraan..kuwaas oo aan xaalkooda waxba laga qaban waa sheeko xariir go,aanada dowladda .

    Dhabtii iyadaa burcad ah dowladda haddaaneey waxba ka qaban howlaha burcad ee arga-gaxiso ..amniga p/land maanta waa halis ..sababta taa keenyeyna waa dowladda oo qeyb ka ah arga-gaxisada dadka leysa.

  6. framtiden says

    ILAHAAY WAXAAN KARAJAYN IN SHACABKAYGA UU GAARSIIYO HORMAR UUNA KA DHIGO KUWO GACMAHA ISQABSADA OO QABIILKA LAHARAY SOMALIDA UU KA SAARO
    WAXAAAN OGAHAY RUNTII IN AYNU LEENAHAY DHUL AAD U BAAXAD WAYN WAXAANU HEESANAA BADDA UGU DHEER SOMALIA OO DHAN WAXAYNA U QAYBSANTAA BADDA CAS IYO INDIAN OCEAN . WAXAAN OGAHAY IN AY JECELYIHIIN DOWLDANIMO IYO KALA DAMBAYN, WAXAAN RAJAYN GUUL WAARTA WIXII DHIB WADANA AYNU MEEL UGA SOO WADA JEENSANO SIDAASI BAYNU GUUL KU GAARAYNAA SHACAB IYO DOWLADBA

  7. Goobjoog says

    Waxaan xasuustay xiligii kacaankii ayaa waxaa la abuuray Maxakamad la oran jiray ( Maxkamada badbaada qaranka). Arinkaas waxaa loola jeeday in lagu caburiyo, dadka fikirkoodu ka duwan yahay ama ka horyimaada maamulka kaligii taliska.
    Waxaa la yiri ( alif kaa xumaaday, albaqra kuma hagaago).

    Waxa meesha ka maqan, waa hogaan cadalada. Nin tuuga oo ma xishooda, oo ku haboon in dhaqan celis loo sameeyo, ayaa waxaa loogu yeeraya Siyaasi, masuul, madax dhaqameed, sheekh, ganacasade, etc. Hadii askarigu tuug yahay,gudoomiye maxkamadeed kaba qabiil yahay, ganacsade xaaran quute yahay, sharci buug lagu qorey oo ay qorteenna waa sidee?

  8. Buruuj says

    asc wr wbr dhamaan reer puntland aad baan idiin salamayaa gaar ahaan bahweynta horseedmedia salaan ka dib aad bana ugu farxasnahay talaabad ay gaareen madada puntland teeda kale ninka soo qoray timirtii horeba dab loo wayaa waxaan aminsanahy inta ka naxaysa go,aamada ay ku fulun doonto maxkamadaan dadka dhibka iyo qalalaasaha ka wada puntland inuu ka mid yahay markaa waxaan leyahay guuleesta ilahayna ha iidnla garab garo dadaalkaa wadaan aamiin

  9. warsame says

    Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay arinta ay qaadeen mdaxda dawlada puntland tan kale sxbkeen meegaag dhago dheere waxa aan oranlahaa walaal danta eeg tankale tan aad tiri haweenay reer puntland ah ayaa ayey dawladu wax ka qaban wayday oo masaakiinta ayey wax ka qabataa walaal dawladu wax wey qaban ogowna gabdhaha waxaa soo adeegsaday dad dano gaar ah kale puntland oo uu horkacay mr istakiin xalka ay dawlada puntland gaartayna wuxuu xal u,ahaa shacabka dawlada puntland ee aan aragno meesha ay arintu ku danbayso ee yaanu ka hor dhicin walaal

  10. meygaag dhago-dheere says

    “Timirtii horeba dab loo waa” by Soomalidu ku halqabsataa.

    Maxkamaddo cusub oo la sameeyaa waxba soo kordhin meyso. Meesha wax maqan maxkamad ma ahan, waa ku dhaqankii sharciga iyo qofka danbi gala in ciqaabtiisa la marsiiyo ayadoon loo eegin reerka uu ka soo jeedo iyo wax uu yahay.

    Buntland Dadka masaakiinta ah ayaa sharcigu qabtaa. Tusaale, Gaalkacyo duhurkii ayaa haween hebla iyo hebla loo yaqnaa lacago been ah madaarka kala baxeen si dadka danyarta loogu dhaco.

    Maamulka meesha ka jiraa waxba kama qaban, markaa maxaa la isku sheegayaa? Maamulka haween wax qaribaya wax ka qaban waayey ma argagixisuu wax ka qaban karaa?