Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay masaajid ku yaal magaalada Zahedan ee dalkaasi Iran, kadib markii labo bambaano lagu qarxiyey dad ku cibaadeysanayey masaajidkaasi habeenimadii xalay.
Weerarkan ayaa waxaa sheegtay kooxda Jundu Allah ee ka dagaalama dalkaasi Iran, ayadoo kooxdani ay tahay koox u dagaalanta xuquuqda dadka Sunnida ah ee ku dhaqan dalka Iran. Weerarkan ayaa kusoo beegmaya bil kadib markii ay dowlada Iran daldashay Hogaamiyihii kooxdaasi xaruntoodu tahay Koonfur bari dalkaasi Iran.
Weerarkan ka dhacay magaalada Zahedan ayaa ah kii ugu weynaa ee bilihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha dalkaasi Iraan. Weerarkan ayaa dadka ku dhintay waxaa kamid ah Sarkiil sar sare oo ka tirsan Xooga dalkaasi Iraan.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!