Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Golaha Wakiilada Puntland Oo Ka Soo Horjeesaday Samaynta Maxkamada Argagixisada

Golaha Wakiilada ee Dowlada Puntland ayaa kulankii maata ay isugu yimaadeen waxa ay kaga doodeen qorshaha samaynta maxkmadda argagixisada kaas oo golaha xukuumadda Puntland u soo gudbgiyey, Xildhibaanada ayaa doodii ay ka yeesheen kadib waxa ay ka soo horjeesteen qorshaha lagu dhisaayo Maxkmad u gaar ah argagixisada, sida uu u xaqiijiyey Horseed media  mid kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada Puntland.

Xildhibaanada ayaa sheegay in maxkamadaasi aysan waafaqsanayn dastuurka Puntland,sidaa daraadeed aysan ka doodayn maxkamad aan waafaqsanayn dastuurka Puntland.

Guddoonka sare ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay bilaabeen in ay dib ugu noqdaan dastuurka Puntland si ay u waafajiyaan shuruucda kale ee horyaala kuwaasi oo salka ku haya;

1-Argagaxiisada

2-Tahriibta

3-Burcadbadeeda

Maalmaha fooda inagu soo haya ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ka doodaan is waafajinta shuruucda la horkeenay iyo shuruucda ku qoran dastuurka Puntland.

Horseed Media

RELATED STORIES

7 Responses to “Golaha Wakiilada Puntland Oo Ka Soo Horjeesaday Samaynta Maxkamada Argagixisada”

  1. abdirahman-somali says:

    ASALAAMU CALAYKUM..yaa marka hore argagixiso ah?yaa loo samaynayaa maxkamad?shakhsiga maanta caalamka reer galbeeedka barnaamijka ay kudoonayaan in ay islaamka ku dabarjaraan udoonaya in loo saxeexo waa yaab! takale baarlamaanku goormuu wax diidida bartay?weligayba maan maqal waxbay diideene.cidkasta oo gaalka neceb ma khawaarijbaa! cidkasta oo sunnaha kudhaqantana ma argagixisaa.labada nin ee si isku midka ah uweerayay akhriste ra’yigiisa hadlay!way khaldanyihiin,waa xaange iyo warsame labada labaxay!!!waa runtii GOOBJOOG, ee baarlamaan shacabka matalayaa majoogaan meesha, ee waa kuwo kuwada shaqeeya doonida faroole waana shaanbadda faroole,

  2. xaange says:

    Waa arrin layaab leh in rag baarlamaanka ku jira ay ka hor yimaadaan in maxkamad gooniya loo sameeyo qolyaha khawaarijta ah ee dadka iska laynahaya. waxaan qabaa dadka diidan in dabagal gooniya lagu sameeyo ulajeedka ay ku diidayaan inay tahay mid iyaga maskaxdooda ka timid iyo inay tahay mid ay khawaarijta ugu danaynayaan.
    Takale nacaskaa Goobjoog la bahay waxaan oranayaa wiilow adiga waxba lagaa weydiin mahayo baarlamanka puntland iyo cidda ay matalaan toona
    waxaan filahayaa inaad nagu soo habowday. meeshana loogama baahna alla uma naxariistihii afweyne hadaladii uu ku hadaaqi jirey

  3. warsame says:

    waa arin aad loola yaabo in golaha wakiiiladu ay ansixin waayeen qodabkii la horkeenay oo ahaa argagaxiso ladirirka
    taasi waxay kuu cadaynaysaa baarlamanka puntland inay ku jiraan niman taageersan shayaadinta war hooooy hala iska qabto dad yar-yar ee la idinku soo dhex tuuray hadii kale nabadu khatar ayey galaysaa
    tan kale ninka GOOJOOG lamagac baxay waxaan oran lhaa adeerow dalka cadaawada kadaa oo iska dhaaf dacaayada aad fudinayso hadii kale waxaan uaragnaa hdalkaaga mudul gubtay mid taagan kamanaxo war dadka ha iska soocin puntland shacabkeeduna nbad buu rabaayee kadaa wareerka

  4. xaqiiqo says:

    s/c marka waxaa salamyaa bahweynta horseedmedia meel walba ooy joogaan. marka xiga waxaa jeclaa mooshinkaan ay xildhibaanadu ka doodayaan inuu yahay qodob jahwareer gelin kara xasiloonida dadka iyo dalka, waayo waxaan waafaqsanayn dastuurka ma aha baarlamaanka in lagu dayo.teeda kale dadka la maldahaayo ee wax laynaaya soow kuwa dharaarta wax dilaaya.aaway ciidanka punland ee kumaanka kun ah,teeda kale maalulku waa inuu qoraa ciidan dharcad ah oo awood buxda la siiyo,nimanka isimada u ah puntland waa in laga qaada saxiix ay ku midaysan yihiin,waa in shacabka la wacyi galiyaa,ma aha baarlamaanka in la jahawareeriyaa,taasina waa fikir khaasa,

  5. framtiden says:

    war baarlamaanka waxaa kujira kuwo aaminsan al.shabaab waa hadii aad rumeesanaysaan waxaana layaabanahay waxa geshay marabo in aan magacooda aan sheego laakiinse runtii aaad iyo aad bay u taageeraan caqiidada al.qacida waa niman lacag iyo hanti badan ku leh dalka waxayna meesha ugaleen waa in ay AL-SHABAAB iyo AL-qacida ay warka ugudbiyaan
    waa ragii ka soo dagaalay dagaalkii AL-ITIXAAD 1992 raacsanaana Dahir aways

  6. Isuqabe says:

    Wuxu yidhi ‘MID KAMID AH’ Hadde mid kamid ah xildhibaannadu waa shakhsi wuxuna yeelan karaa aragti u gaar ah, laakiin meeshan codbixin kama muuqato lagu diidey maxkamadda.

    Anigu waxaan rumaysnahay in maxkamaddu ay tahay tii iyaga ilaalineysey, haddii kale hal hal baa madaxa bistoolad hadh cad loogala dhacayaa, wallee haddii aad diidaan maxkamadda wiilal af duuban baa idin dhammayn doona.

  7. Goobjoog says:

    MEESHA BARLAMAN MA JOOGE, WAA GOLAHA WAKIILADA KABAQABIILADA.ma isla anigii ayaa maanta isu dhurwaayeynaya, inta meeshaas fadhida mid walba kaba qabiil ayaa keenay oo uu matalayaa, maaha in ay xataa qabiilkooda u joogan ee waa in ay ummada kala fogeeyaan, muufaqad, boob iyo iimana laáan haysa oo aysan aamin sanayn intay suxibii kalahaan, sida qof caadi ah, in ay qadadooda soo shaqaystaan oo u soo dhididaan…… kaba qabiiladu waxay doonayaan in ay ku dulnoolaadan shacabka. Alla yaa arxamu M.Siyaad waxa uu ugu yeeri jiray DHIIGMIIRTAYAAL, xiligaas aashuunka ayey ku adimi jireen, xabsiga 20 jirowna hotel ayey u ahayd ay ku nastaan sannado.