Kooxo ku hubaysan qoryaha nooca loo yaqaan AK 47 ayaa shalay gelinkii dambe toogasho ugu gaystay xaafada Israac ee magaalada Gaalkacyo laba nin oo qayb ka ahaa dadka rayidka ah.
Kooxahaasi dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana ciidanka booliska gobolka Mudug ay wadaan baaritaan ay ku doonayaan in ay ku soo qabtaan gacan ku dhiiglayaashii dilkaasi geystay.
Podcast: Play in new window | Download
Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan oo u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in maamulku ay xog buuxda ka hayaan kiiskaasi,isla markaasina u filaayo in dhowaan gacanta lagu soo dhigi doono kooxaha dilkaasi gaystay.
“…labada nin ee geeriyooday mid ka mid ah wuxuu ahaa ganacsato,xiliga la dilayayna waxay saarnaayeen gaari…”,ayuu yiri.
Labada Marxuum ee geeriyooday ayaa lagu aasay magaalada Gaalkacyo.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!