Labo askari ayaa maanta lagu dilay magaaladda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari,askartaan ayaa lagu dilay bartamaha magaaladda.
Kooxo hubeysan aan la aqoon haybtooda ayaa hal askari ku dilay wadada laamiga gaar ahaan agagaarka xarunta shirkadda Isgaarsiinta ee Golis.
Askariga kale ayaa lagu dilay isla wadada laamiga agagaarka isgoyska Gaaca.
Xilliga la dilay labada askari ayaa waxaa magaalada ka socoday howlgalo ay ciidanka ku qab qabanayaan dadka looga shakiyo in ay lid ku yihiin amniga.
Dadkii dilalka askartaan ka danbeyay ayaa aan la aqoon in la qabtay iyo in kale, iyadoo Saraakiisha Booliska aysan ka hadlin dilalkan cusub.
Saacadihii lasoo dhaafay magaaladda waxaa ka socday howlgalo balaaran oo lagu qab qabtay dad boqolaal ah oo ay u badanyihiin dadka kasoo jeeda gobolada Koonfureed.
Horseed Media
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN:
ILAAH SAMIR IYO IIMAAN HAKA SIIYO SHACABKA PUNTLAND OO AY U ADEEGAYEEN.
ILAAH SAMIR IYO IIMAAN HAKA SIIYO QOYSKII, QARAABADII IYO ASXAABTII AY KA GEERIYOODEEN MARXUUMIINTA.
CIIDAMADA WAXAA LOOGA FADHIYAA WAX KA QABASHADA GACAN KU DHIIGLAYAASHA NOO DHEX HURDA DALKA.
Waxaan ilaah uga baryaynaa in askarta dhimatay uu jannadii ka waraabsho ehelkii iyo qaraabadii iyo dhammaan shacabka reer puntland oo ay ka dhinteena samir iyo iimaaan ka siiyo.Waxaan filayaa inaan laydin hilmaami doonin oo ay idinka dambeeyaan dad caqli iyo xilkasnimo ilaah u dhaliyey ee cadowgii aad doonayseen inaad ummada ka dhex qabataan aan sidaa looga hari doonin idinna waxaad ku dhimateen sharaf iyo cisi.Waxaase reer puntland gaar ahaan reer Boosaaso looga fadhiyaa inay abeesada ay guryaha ku haystaan ay bannaanka iska soo dhigaan inta aanay iyaka cunin.Hawl galka waa in la sii wadaa ilaa laga qabanayo cadowga ummada ku dhex dhuumanaya
Waa la yaqaan fariisimada argagixisada iyo meelaha ay xulbadda ku cabbaan, laga soo bilaabo waddada dheer ee Xalwo Kismaayo ilaa iyo Hotel Khaleej inta u dhexaysa waa TERRORIST STRONGHOLD, Hotel Khaliij ilaa iyo Ex-Netco, Intaa waa in diiradda la saaraa loo laga sifeeyaa waa in tallaabo laga qaaddaa maxkamaddiina waataa oo baarlamlankii waa ansixiyey. Puntland laba askari u dhutin mayso, waxanay geeroodeen iyagoo ah mawaadiniin waajibaad qaran fulinaya.