Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Boqolaal dad ah oo laga musaafuriyey Bosaso iyo hawlgalada socda

Waxaa weli magaalada Bosaso ka socda hawlgalo ay ciidamada Amniga wadaan oo lagu qabqabnayo dadka looga shakiyo inay khal khal ku keeni karaan amniga gobalada Puntland, hawlagalada oo maalintii labaad ka socda xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso ayaa saameyn weyn ku yeeshay xaalada magaalada.

Ciidamada Amniga ayaa lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee magaalada Bosaso gaar ahaan dhanka Laamiga iyo xaafadaha ku dhaw dhaw halkaasi oo shalay laga aruuriyey dad aad u badan oo boqolaal gaaraya.

Ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka Tiknikada iyo gaadiidka xamuulka qaada ayaa dad badan ka aruuriyey bartamaha magaalada Bosaso, dadkaasi ayaa isugu jiray kuwo la garan waayey haybtooda, dad u dhashay Bosaso iyo waliba kuwo kale oo ay ciidamada ka shakiyeen.

Inta badan dadkan ayaa la isugu geeyey Saldhiga Bartamaha ee magaalada Bosaaso, halkaasi oo dadka lagu kala saarayo isla markaana lagu weydiinayo cadeynmahooda, waxaana saldhiga shalay lagu arkayey dad aad u badan oo laga soo qabqabtay gudaha magaalada.

Hawlagaladan waxaa ka hadlay illaa iyo hada Wasiirka Amniga Puntland Gen.Yusuf Axmed Khayr oo sheegay inay salka ku hayaan sidii xal loogu heli lahaa amni xumada lasoo daristay magaalada Bosaso ee Caasumada Ganacsiga, halkaasi oo uu sheegay Wasiirka inay jiraan kooxo si gaar ah u doonaya inay khal khal ku abuuraan amniga.

Hawlgaladan ayaa la aqoon inta ay socon doonaan, waxaana wararka Horseed Media kasoo xiganeyso xubno ka tirsan shacabka oo goob joogayaal ah ayaa sheegaya, in magaalada Bosaso ay xalay ka baxeen illaa 4 gaari oo nooca xamuulka ah oo sida dadkii magaalada laga qabtay qaarkood, halka saaka ay baxeen gaadiid kale oo horleh.

Dowlada Puntland weli masoo saarin tiro rasmi ah dadka lagu qabqabtay hawlgalka ka socda magaalada Bosaso iyo waliba in hawlgalada noocaan ah in laga sameyn doono magaalooyinka kale ee Puntland.

Waxaa cabsi xoogan lasoo daristay dad badan oo ayagu kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ka cabsi qaba in hawlgaladan lagu raafo, ayagoo aan wax danbi ah gelin, xili ciidamada Amniga ay si weyn uga feejigan yihiin kooxaha la sheegay in laga soo abaabulay koonfurta Soomaaliya ee amniga Puntland khal khalka ku keeni kara.

Illaa iyo hada ma jiraan hawlgalo laga sameeyey xeryaha waaweyn ee xaafadaha isu bedalay kuwaasi oo ay ku dhaqan yihiin kumanaan qof oo ah dadkii kasoo baro kacay koonfurta Soomaaliya, hawlgalka ayaa ah mid ku kooban gudaha magaalada iyo xaafadihii ay horey uga dhaceen falalka isugu jiray qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

Xili ay socdaan hawlgaladan ayaa maanta isla bartamaha magaalada lagu dilay labo askari oo kamid ah ciidamada Booliiska, ayadoo ay muuqato in ay magaalada ku sugan yihiin shaqsiyaad weli awood ulleh inay fuliyaan dilal noocaan ah.

Todobaadkan ayey dowlada Puntland ku dhawaaqday inay sameneyso Maxkamada gaar ah oo lasoo taagayo dadka loo heysto arrimaha argagaxisada, inkastoo qorshahaasi uu hada horyaal Baarlamaanka Puntland.

Hawlgaladan ayaa ah kuwii ugu balaarnaa oo laga fuliyo magaalada Bosaso tan iyo intii la dhisay Dowlada Puntland 1998dii, waxaana si weyn looga dareemayaa dhamaan xaafada magaalada, ayadoo xiliyada habeenkii uu aad u yaraaday socodka dadka shacabka ah.

Ololahan amniga lagu adkeenayo ayaa kusoo beegmaya todobaadyo kahor dabaal dega sanadguuradii 12aad ee kasoo wareegta dhismihii Puntland oo ku beegan 1da Agoosto.

Horseed Media

RELATED STORIES

2 Responses to “Boqolaal dad ah oo laga musaafuriyey Bosaso iyo hawlgalada socda”

  1. Sharmarke says:

    Wasiirka Aminiga waa iney garashadiisu aad u fog tahay. Dadka laga tarxiilaya Puntland maha kuwa wada xasillooni darrada. Waa haddii runta laga carareyn. Kuwa wada shiddada waa kuwa u dhashay deegaanka. Maaha in lagu marmarsoodo Somalida ka timid gobolada koonfurta. Waa ummad Somaliyeed oo xaq buuxda u leh inay degaan, ku noolaadaaan, ka xoogsadaan, kuna tarmaan gobolada Puntland. Sida ay u degeen, ugu tarmeen, ugu baraareedn, uguna noolaadeen kuwa asal ahaan ka soo jeeda Puntland oo deggan gobolada koonfurta.

    Wasiirka iyo kuwa soo saaray go’aanada tarxiilka ah waa kuwa deggan oo qoysaskooda ku nool yihiin waddamada Galbeedka Yurub.

  2. framtiden says:

    WAAN KA XUMAHAY IN AY GALAAFATO SHACAB AAN WAX GALABSAN LAAKIINSE WAAAN SOO DHAWAYN TILAABO KASTA OO LAGU SUGAAYO AMINIGA ,
    SHACABKA PUNTLAND WAXAAN LEEYAHAY LA SHAQEEYA CIIDANKA AMINIGA