Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Iska Horimaad dhexmaray Booliska Kenya iyo Al-Shabaab

Xadka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya waxaa uu iska horimaad ku dhexmaray Booliska Kenya iyo maleeshiyo ka tirsan Xarakadda Al-Shabaab.

Iska horimaadka ayaa yimi ka dib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen tuulada Libooya isla markaana ay dhaawaceen sarkaal ka tirsan Ciidanka loo yaqaano GSU.

Maleeshiyada iyo Booliska Kenya ee xadka ilaalinaaya ayaa waxaa ay isdhaafsadeen rasaas xoogan oo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey.

Labo bilood ka hor ayaa sidoo kale maleeshiyo ka tirsan Xarakadda Al-Shabaab soo weerareen tuulada Libooya.

Booliska Kenya ayaa dhowaan meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya ka qabteen nin ay uga shakiyeen inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab,waxaana ay u gacan geliyeen Dawladda Uganda.

Horseed Media

RELATED STORIES

Comments are closed.