Umadd waliba waxay heshaa maamulkay istaahisho!!

Waxaa dhowaan la xusay sanadguuradii 50aad ee aasaaskii dowladii Soomaaliya. Waa la wada soconaa marxaladihii Soomaaliya soo martay intay soo jirtay. Jiilkeenii dhashay 70-tanaadkii iyo intii naga danbeysay wax badan oo wanaag ah kamaan arag dowladnimida.

Waxbarasho sii xumaanaysay, musuqmaasuq, cadaadin, dagaalo iyo barakac. Hadana soomaalidu waxay lahayd dal lagu yaqaan oo lagu ciseeyo. Waxaa dhacay taariikhdena kala-guurkii ugu darnaa. Waxaa loo yaacay dalkii guduhiisii iyo dibadiisaba. Waxaa loo degay reer reer, loo heshiiyey reer reer, wax loo qaybsaday reer reer isla markaana loo dagaalamay reer reer. Qofkii xabadi dishaa maanta waxay u dhowdahay inay kaga timaado kuwa asaga reer ahaan xiga maadaama lakala soocmay.

Waxaanu helnay ilaa iyo hadeer, afar maamul ama dowladood, dowlada dhexe DKG, Somaliland, Puntland iyo Galmudug. Waxaanu helnoo kale marka laysku daro boqolaal xildhibaan, boqolaal wasiir, intaasoo wasiir ku xigeeno, agaasimeyaal, maamulayaal. Inteenii soo gaartay dowladii kacaanka waxaanu moodi jirnay in xiriir ka dhaxeeyo tirada dowlada iyo fadliga tayadeeda. Waxaan kaloo la yaabanahay sababta isku shaandhaynta golayaasha wasiirada ay u tahay wax qasab inay isku bedesho sida afarta nur (nur waa xiliga sida xagaaga iyo gu´a).

Akhriste baarlamaanka dowlada federaalka ee ku meelgaarka ah wuxuu ka kooban yahay waqtigaan aan qoraalkan qoraayo 550 xildhibaan. Waqti ka hor wuxuu ka koobnaa 275, laakiin heshiis ayaa kooxo muran dhex yiil ku galeen in la labajibaaro habeen kaliya. Alxamdulilaahi! Waxaa moodaa in xaaladu sidan ka xasiloonayd markii caddadu koobnayd. Dowlada Maraykanka ee dhaqaale ahaan dunida u horaysa ayaa shacbigeedu dhanyahay 309 milyan.

Kongareeska maraykanka wuxuu ka kooban 2 aqal ay wadartoodu tahay 435+100 = 535 xubnood. Xubin kasta aqaladaa ka tirasan waxay meteshaa ilaa 600 000 qofood oo maraykan ah. Ma fahmin weli sababta 9 malyan oo qofood, qaarkood qaxooti ku yihiin wadanka dibadiisa, qaarna nolol iyo macaash ku joogaan wadamo kale, ay baahi aad ugu qabayso 550 xubnood baarlamaan ka kooban. Xubin kastoo ka tirsan baarlamaanka DKG waxay meteshaa qiyaastii 16 300 qofood ( 9 000 000/550 = 16 364).

Tranparecy International waa urur caalami ah hadafkiisuna yahay la dagaalanka musuqmaasuqa aduunka kuna yaal wadanka Jarmalka. Ururkan wuxuu sanadkiiba mar soo saaraa liis ku saabsan sida wadamada dunidu ukala musuqmaasuqsanyihiin. Akhristow aduunka waa lakala nasiib badanyahay. Nasiibkeenii soomaalinimo wuxuu noqday, bal akhristow in yar meel cusko, wadankii 180aad ee liiskii la soosaaray sanadkii 2008.

Caddada inta wadanee liiska ku jirtaa ayaaba ahayd 180 wadan. Micnuhu waxaa weeye Soomaaliya waxay noqotay wadanka ugu musuqmaasuq badan dunida sanadkii 2008. Hambalyo leeyahay madaxweyne Sheekh Shariif! Hadaad eegtaan liiska kaalinta koowaad waxaa wada galay Denmark, New Zealand iyo Sweden oo noqday wadamada ugu musuqmaasuqa yar dunida.

Waa la ogaan doonaa hadey saamayn wanaag ah ku samayso inteena soomaalida ahee Iswidhan ku nool. Malaha waxaanu noqon doonaa inta soomaalida ugu musuqmaasuq yar. Akhristow hadaad xiisaynayso heerarka ay yimaadeen wadamada Soomaaliya jaarka latahay ee xalka udoonaya soomaalida khilaafkeeda waa sidatan: Jabuuti 102aad, Itoobiya 126aad, Ugaandha 126aad iyo Keenya oo gashay kaalinta 147aad.

Waxaa ila quruxbadan in marka hore dariskeenu iyaga xaliyaan musuqmaasuqooda markaa kadib ay soomaalida heshiisiinteeda u soo laabtaan. Fursad waqti ay ugu soo laabtaan xalinta Soomaaliya haday dhab ka tahay waa haystaan, qofkee caqli lahoo filaaya in Soomaaliya heshiiso labaatanka sanee soo socda?

Waxaa isku shaandhaytii golaha wasiirada ugu danbeysay waqtigan aan qorayo qoraalkan lagu sameeyey golaha wasiirada ee dowlada dhexe ee DKG. Hambalyo soomaaliyeey!! waxaanu helnay habeen kaliya 39 wasiir. Idinku kaftmayi maayo.

Waxaan ku faani karnaa inaan helnay labo wasaaradood oo kala ah, wasaarada beeraha iyo wasaarada bay´ada iyo dhirta. Marbaan waxaan is mooday in af-soomaaligii iga daciifay ama qoraalkii rasiisulwasaaraha soo saaray qalad loo dhigay. Xagee xuduuda shaqada ee labada wasaaradood martaa?

Nin aan aqaan ayaan bal weydii is iri. Jawaabtuu isiiyeyna xoogaa welwel igalisay: Beerta waa tan dadka abuurtaan, dhirtase waa tan ilaahay iskeed usoo saaray. Beeraha iyo dhirtaan udaynayaa inay isku afgartaan. Waxaad moodaa in sicirbararkii lacagtii, baarlamaankii iyo dowladii dhaafay gaarayna dhirtii iyo beerihii.

Ma ogi qorshaha iyo shaqada wasiirka wasaarada hub ka dhigista iyo jihaynta maleeshiyaadka laakiin waxaan ku wadaa inuu la tashan doono wasiirka gaashaandhiga iyo kooxaha Al Shabaab, Xisbul Islaam iyo Al Suna wa Jameeca. Sidoo kale ma sahlana ogaanshaha qorshaha wasiirka lacagta lakiin sidoo kalaan isleeyahay wuu la tashan wasiirka maaliyada. Marbaan is iri amaad raiisulwasaarahu ubandhigtaa in labada wasaaradood layskuba daro, hadana waan isceebsaday mar danbe.

Waxaa igu maqaal ah in nin oday ahoo toboneeyo sano magaalada London qaxooti ku ahaa weli jago loo la yahay. Odaygu waxay reerkiisii ku dacwoodeen in hadii kale taageerada ay kala noqon doonaan dowaladda ku meelgaarka ah. Inakastoo odaygu uusan waxba qorin waxna aqrin caafimaadkiisuna aad u liito, hadana dowladii kacaanka wuxuu kagaaray ilaa iyo heer wasiir ku xigeen dowladana meelo kasoo hayey. Bal waxaan ka eegayaa liiska soo socdee isku shaandhaynta dowlada soo socota oo aan rajeynayo inaysan fogayn.

Waxaa ilaahay ina siisey sadex raiisulwasaare ku xigeen sida ku cadayd qoraalka uu rasiisulwasaaraha soosaray 2010-07-03 ee ku saabsan liiska wasiirada DKG. Waxaan qiyaasayaa inay sida magacyadooda ukala horeeyaan ay ukala yihiin kuxigeenka koowaad, labaad iyo sadexaad. Kuma cadayn kolay liiskii raiisulwasaaraha soo saaray.

Ku xigeenadu waxay kaloo hayaan wasaaradaha kala ah, dekadaha iyo gadiidka badda, kaluumaysiga iyo kheyraadka badda iyo wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka. Ma lala tashan ayaan filayaa burcadbadeedka soomalida, qibradoodana lagama faaiidaysan.

Waxaa laga yaabi lahaa inay usoo jeediyaan raiisulwasaaraha isku darka sadexdaa wasaaradood, labada wasiiree ka baxaya meeshana mushaharadooda, ilayn mushahar la´aaan uma shaqeeyaane, lagu wareejiyo wasaarada gargaarka aadamiga, oo aan rajeynayo in gargaarka aadamiga soomaaliyeed loola jeedo, si ay maatada soo bara kacdayee ku nool ceelasha biyaha loo quudiyo.

Waxaan helnay wasaarada horumarinta reer miyiga. Waxaa la igu wargeliyey in dowlada dhexe ay ku koobantahay waqtigan aan qorayo qoraalkan, xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. Ilaahay ha u fududeeyo howsha wasiirka.

Miyiga horumarintiisa ma sahlana hadaadan magaalada maamulkeedaba aadan wada hayn, miyigiina aadan gaari karin. Waan filayaa in wasiirku aqoon miyiga uleeyahaye uusan sideydoo kale ku dhalan degmada Shibis, Waaberina ku soo korin, Iswidhana noloshiisa in ka badan barkeed ku noolayn. Damiin reer magaal ah sidaydoo kale maxaa wasaarada horumarinta miyiga lagala dooni lahaa. Malaha waan qaldanahay!

Waxaan helnay wasaarada dalxiiska iyo duurjoogta, waana jeclahay inay guulaysato. Yaa haya tirakoobka sanadkii lasoo dhaafay inta qofee dalxiis ku tagtay xaafadaha magaalada Muqdisha? Welwel akhristow ha is galin. Mar dhoweyd wuxuu wasiirka cusubee warfaafinta C/raxmaan Cumar Yariisoow sheegay in dowladu mar dhow qaadi doonto talaabooyin ay dalkoo dhan ku qabanayso. Alxamdulilaahi! Ma garan siday usuuroobayso iyo intay ku qaadan doonto dowlada gaarida hadafkan. Malaha wadaadaduu rabaa wasiirku inuu sasabto ilayn dagaal waxba waa looga qaadi waayaye. Wadaad aaminsan in dagaalkeena sokeeye fadli leeyahay, janadana lagu galaayo qarxinta dadaan wax galafsan. Malaha waan qaldahay!

Mise wadaadadu waxay weli ku mashquulsanyihiin meelmarinta sharciyada cusub ee gobolka Shabeelada dhexe. Waxaa laga yaabaa inaad akhristow isweydiiso waa maxay sharciga cusubee soo baxay?

Todobaad ka hor waxa soo baxay sharci mamnuucaya tacsida. Wadaadadii waxay xaqiijiyeen in tacsidu diinta ku reebantahay. Fulinta sharcigan waxay ubaahantahay ayaan filayaa in guri walboo laga geeriyooday isha lagu hayo ilaa iyo todoba maalmood si aan cuno looga karsan. Todoba maalmood waxaan u iri in soomaalidu qaarkeed ilaa todoba maalmood tacsida wadi jirtay. Hadii ehelka/saaxiibada tacsida soo booqanaya ay gaajo ku qabato meesha waa inay qatanaadaan ilaa ay meel kale ka tagayaan. Hadii kale sharcigii waa burinayaan ciqaabna mudanayaan. Caruurta kolay kuma jirtaan ku xisaabinayaa.

Waqtigaan aan qorayo qoraalkan mahayo ciqaabta lagu qaadayo qofkii jebiya sharcigaa inta ay dhantahay. Hadii la doono waa la garbaashi, hadii kale gacata ama lugtaa laga goyn. Uma malaynayo in qoorta laga gooynayo qof islaam ah tacsi darteed inkastoo ay cunadu dhuunta marayso. Qurbaheena inta joogta tacsi badan oo cuno laga karsho ma aragno in kastoo dhimashadu meel walba nagu hesho.

Marka anaga wax badan nama quseeyo sharcigan baan isleeyahay. Teeda kale waqtigan qurbaha badanaa tacsida si fudud ayaa taleefan laysugu tacsiyeeyaa. Shacabka Shabeelada dhexe waxaan kula talin lahaa inay ku daydaan walaalahooda qurbajoogta. Faaiido kalaa ku jirta mamnuucaan tacsida, in dadku sinaanayaan kii xoolo leh iyo kii faqri ahba. Ilayn geerida ka dib camalkaa raaca qofkee maalku wax ma taro. Bal qiyaas hadii adigoo aan waxba haysan geeri ehelkaaga ku timaado. Maxaad qaban? Tacsina xaafadoo dhan kugu fadhido inaa dhigto soona digto?

Malaha ayuutaa ku jirtaa ama deyn ayaad kusoo qaadan si aad boqolaal qofood u quudiso. Waxaan is iri tacsidiina ma halagaa sheegay noqotay. Malaha waan qaldanahay.

Akhriste, dowladan Sweden oo tiro ahaan dhan 9 malyan oo qofood. Daqliga dowlada ka baxay sanadkii lasoo dhaafaye 2009 wuxuu dhamaa 766 billion oo karoonka lacagtan Sweden ah oo u dhiganta qiyaastii 102 billion US dollars.(halkii billion wuxuu u dhigmaa kun malyan) Dowladan waxay ka koobantahay 22 wasiir marka rasiisulwasaaraha lagu daro. Bar wasiiradu waa rag barka kalena waa haween.

Afartii sanee lasoo dhaafay ee dowladan fadhida xilka haysay waxaa iscasilay ama shaqadii bedeshay ilaa 6-7 wasiir. Mar kaliya isku shaandheyn lama sayn. Isbedelo ku dhaca golaha wasiiradu wuxuu dhalin karaa qasaare ku yimaada siyaasada dowlada, ganacsiga, dhaqaalaha dalka iyo weliba aaminaada maalgeliyayaasha dibada u hayaan wadanka. Marka madaxa dowladu waa iska ilaaliyaa casilaada/isku shaandhaynta golaha wasiirada labo doorasho dhexdeed.

Doorashadaan ku keenaye waxaan hambalyo iyo bogaadin udirayaa shacabka ku nool Somaliland sidii kudayashada mudnayd ee ay udhaceen doorashooyinkii madaxweynanimada. In kooxdii laga guulaystay ay aqbashay guuldarada waa wax amaan mudan. Saaxiibkey ayaa laakiin mardhoweyd iskudayey dhaliil inuu ku biiriyo arintaa. Wuxuu ula jeeday in wasiiradii maamulka horee shaqada iska dhiibaya ay hantidii ay haysteen ee shacabka iibinayaan iyadoo ay adagtahay in lahelo diiwanka hantida shacabka.

Hadaanba hub la isku qaadane ee shacabka rabitaankiisii la tixgaliyey maan maqsuud iska noqono yaan qalbiga iska iri. Tankale hadii wasiiradii iyo intii kalee maamulka haysay ay iibshaan gaadiidkii iyo hantidii kale, mawaan loo arki karin magdhow caymis ah oo looga badbaadinayo shaqa la aanta ku dhacaysa ka dib markay maamulka dhiibaan? Waxaan is iri bal eeg waxa dastuurka Somaliland ka qabo hantida guud ama qaranka.

Qodobka 12aad ee dastuurka Somaliland qaybtiisa 2aad waxaa ku xusan “Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaaffa iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana qeexaya xeer”

Qaybta 5aad isla qodobkaa 12aad ee dastuurka waxaa iyana ku xusan “Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa’iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan”

Ma sahlana in qof kasta oo aan sharci yaqaan ahayn fahmo dhamaan qodobada iyo qaybaha dastuurka. Waxaa nagu filan inaan fahano waxa ka danbeeya dejinta qodobadan dastuurka. Ula jeedaasoo filaayo inay tahay ilaalinta iyo dhowrida hantida guud. Marka hadii dastuurkii lagu qeexay inakastoo ayna aad ugu cadayn waxaan soo jeedinayaa in tirakoob lagu sameeyo hantida guud dhamaanteed kadibna maamulka cusuboo dhan dhamaantiis laga ansixiyo inta hanti ay adeegsanayaan intay maamulka hayaan, si markay xilka wareejinayaan ay u fududaato xisaabinteeda.

Waxaan kaloo soo jeedinayaa in hay´ad gaar ah oo arintan fulisa lasoo dhiso, kana madaxbanaan xorna ka ah dowlada.
Qof kastoo oo qaangaar ah maamul ha hayo ama yuusan hayn waa ka xaaraan inuu qaato idin la aan hanti uusan lahayn, laakiin intii xornimada jirtay waxaan tartan ugalnay xatooyada hantida guud. Wax kastoo ilaahay reebay hadaan samaynay ma yaabaa in natiijadan aan helayno?

Waxaan beri usoo joogay nin ay ku adkeyd inuu shaqadiisii si xalaal iskaga masruufo. Maalin baa waxaa loo magacaabay xil sare. Bilo kadib dadka asagaa ugu hodansanaa. Waxaa intaa ku darayaa intii aragtayna inay amaan la hortaagnaayeen. Hebel ma taqaan? aniga iyo asaga waxaanu nahay habro wadaag, mayee daris baan ahayn, aniga adeerkay iyo hebel geeloodaa beri wada daaqay. mayee aabihii iyo eedaday ayaa isku qubuur ku aasan.

Ninkii wuxuu noqday dadka ragga loogu amaano oo dadka meel walba kasoo gala. Waalidkeey ilaahay naxariis aduun iyo mid aaqiro ha siiyee waxay iisheegeen waxaadan lahayn hadaad qaadato tuug baa tahay. Ma tuug baan oran karaa nin raggoo idil ay doonayaan inay u ekaadaan. Asagoo wax xadayana ma arag runtii marka danbi bay igu noqonaysaa, laakiin waxaan mar danboo caqliyeystay is iri sidaa xowliga ah hadii maalka loo samaysan karo waxaa wax ka keeni lahaa Maadeey Sheekh Mad Kuule.

Maadeey wuxuu ahaa nin dariskeena, salaada subax laga bilaabo ilaa iyo habeenkii shaqaysan jiray ilaahayna ka cabsada oo salaadu dhaafin. Wuxuu ahaa nin tuugsada. Inta qurbajoogta ah ee tuugsashada aan aqoon waxaan ula barbardhigayaa cayrta. Laakiin tuugsashadii soomaaliya ma ahayn mid leh xafiis iyo shaqaale ee qofku wuxuu baryiyi jiray intii ka hortimaada.

Dadkana sharci qasbaayey iyo canshuurbixi waxba uma bixin jirine, sadaqay ka ahayd. Maadeey todobada maalin waa shaqaynsan jiray. Inkastoon aad udhalinyaraa markaas waxaan su aalay Maadeey maalin inuu wax haysto iyo in kale?

Wuxuu iisheegay xoolo inay u joogaan gobolka Baay. Xoolaha uu sheegayey waxay isugu jireen geel iyo lo ka badan iyo xoogaa ari ahaa aruurinteeda ay ku qaadatay ilaa iyo labaatan iyo labo sanadood. Weli waxaan isweydiiyaa waxa ku kalifaaya qof wax haysta inuu hadana dad baryo iyo waxay diintu ka qabto wadaadadana ka yiraahdeen. Waxaan soo xasuustay xadiis. Abuu Hurayrah Alla ha ka raali noqdee wuxuu yiri: Nabigu CSW wuxuu yiri: Qofkii ka baryaa dadka (wax uun) wax badsi darteed, dhabtii wuxuu baryaa waa dhuxul dab ah (yacni iyadoo dhuxul dab ah baa lagu gubi maalinta qiyaame). Hadaba qofka isagay jirtaa inuu badsadaa iyo iyo inuu yaraystaa. (Macnaha inuu kusii socdo ama iska daayo) Xadiiskan waxaa weriyey Muslim.

Waxaad moodaa in marar badan indhaha aan is tirayno. Waa igu yartahay ka qaybqaadashada doodaha soomaalida. Waxaa ugu wacan waqtiga oo aan ii saamaxayn. Waxaase marar maqlaa in aan ka cabanayno madaxweynaha guuldaradiisa ama raiisulwasaaraha wax qabad xumidiisa ama reer hebel waxgarad xumadadooda.

Hadaad ku faraxsantahay in hebel ee reer ahaan kuu xiga in wasiir uu noqdo, adiga kaliya uu baarlamaanka kugu matalo, xoogaa lacag ahna uu jeebka kuu geliyo markaad Nairobi isku aragtaan, maxaad marka ugu diidi in hebelna uu sidaa reerkiisa yeelo? Ma damiin baa damiin kale ka fool xun? Mise tuug baa tuug kale kale ka quruxbadan?

Akhriste haday ahaateen adiga rabitaankaaga, ayididaada, u ola olayntaada iyo weliba taageeridaada sidaa xaaladu ma noqoteen. Hadaad taageerto kaaga ogow kuwa kalena waa kugu dayan. Geesinimadu waxay ku jirtaa inaad kan kuu dhawee qaldan aad qaladka uga hiilisoo ka joojiso. Yaa itusa ninkii isagoo og gala dagaal uu ogyahay inlagaga guulaysanaayo. Dadka maamulka noo hayaana waa dad anaga naga soo dhexbaxay!

Marka soo socdee aad isleedahay dhaleecee dad kale horta adiga is eeg oo iska bilow. Akhriste waxaan maanta ogaaday umad waliba inay hesho maamulkay istaahisho. Waxaan si dhab ah oo daacad ah ilaahay uga baryayaa in mugdiga, jaahilnimada, damiinimada, xaasidnimada iyo nacaybka naga saaro.
 
Waxaan jeclaan lahaa oo kale inaan kusoo gabagabeeyo qoraalkaygan erayo uu tiriyey Allaha u naxariisto Cabdi Muxumad Amiin sanadkii 1995 lana magacbaxay “WASIIR BEELI KEENTAY”
 
Wasiir qolo ku yimidoow
Qaaraankii dadweynaha
Lagu yiri wax ugu qabo
Haddaad qaadatoo qaado
Ood waliba sii qaado
Oo qaarna meel dhigato
Ku qunsato muraadkaaga
Haddaad qariso qaarkeed
Qaraabada agtaadiyo
Qaarna qoyska aad siiso
Qaadkiyo sigaarkiyo
Qahwaha kuwaad wadaagtaan
Haddaad qaar ukala dhiibto
Qarankii maxaad tiri?
Anigu waa aan yaabaye
Ayaa iga wakiila?
Oon udhiibtay walaayadeyda
Kumaan woodkayga siiyey?
Nin uu reer soo wakiishay
Wasiirkooda inuu ahaado
Wax qaybsiga inuu u joogo
Waadaanta uu hadhow u buuxsho
Xisaabtooda waalida ah
Inuu marka hore wafeeyo
Wixii soo harana qaato
Sidaa wacad Alle ku maray
Makaas baa iga wakiila?
 
 
 
Wax usheegay una sheegay
Kumana waano qaataan waligood
Waana wax ay eedeen
 
 
Waxaan soo xigtay (baaritaankaan sameeyey):
www.hiiraan.com
http://gobolkabanadir.com/?p=1046
http://senate.gov/
http://www.transparency.org/news_room/in_focus/2008/cpi2008/cpi_2008_table
http://www.gedoweb.com/index/modules.php?name=News&file=article&sid=4723
http://www.ekonomifakta.se/sv/Artiklar/2009/November/Sveriges-del-i-EUs-budget/
http://www.sweden.gov.se/sb/d/113
http://somalimonitor.com/blog/archives/406
HILIN HAYAAN (Suugaanta Cabdi Muxummad Amiin) Omhassan Publisher, Daabacaadii koowaad 2006 bogga 197aad
QAAMUUSKA AF-SOOMAALIGA, Yaasiin Cismaan Keenidiid 1976
RIYAADU SAALIXIIN (BEERTII SUUBANAYAASHA) Imaam Abuu Zakariya Yaxya Bin Sharaf An-Nawawi. Waxaa tarjumay Cabdulcasiis Xasan Yacquub, Saad Suubban Riyaad KSA
 
Qoraagu aad ayuu ugu mahadcelinayaa dhamaan walaaha waqtigooda siiyey akhrinta qoraalkan. Waxaan rajeyn inaan fikradihiina dhaliil iyo amaanba iisoo gudbisaan. Mahadsanidiin!
 
Hayaan Cabdisalaam Ismaaciil, Sweden
 
hayan74@hotmail.com

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.