Taliyaha Ciidanka Badda NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya una jooga howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida ayaa walaac ka muujiyey in Burcadbadeeda ay ku fideyso Badda Cas.
Commodore Michiel Hijmans oo dhowaan loo magacaabay xilkaas ayaa isagoo ku sugan magaaladda Dubai sheegay in ay ka cabsi qabaan in kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay weeraro ka bilaaban xeebaha Koonfureed ee Badda Cas.
Wuxuu sheegay in arintaas ay saamayn hor leh ku yeelan doonto maraakiibta iyo dadka goosheeya xeebahaas ayna weeraro culus kala kulmi karaan kooxaha Burcadbadeeda.
Digniinta u soo jeediyey Taliyaha guud Ciidanka Badda NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa imaanaysa xilli hay’adaha qaabilsan baddaha caalamka soo saareen warbixino ay ku sheegeen in ay hoos u dhaceen weerarada ay geysan jireen Burcadbadeeda.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!