Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Cayaaraha Kubadda Cagta ee Euro Som oo Si Rasmi ah Uga Bilowdey Dalka Finland [Sawiro]

Cayaaraha xagaaga ee Eruo Som ayaa si rasmi ah uga bilowdey caasimadda dalka Finland ee Helsinki, cayaarahan ayaa ah kuwo sanadkasta lagu qabto mid ka mid ah wadamada Yurub ee ay Soomaalidu degan tahay waxaana isku arka naadiyada kooxaha ka dhisan wadamada Yurub ee Jaaliyadaha Soomaalidu dhisteen, gaar ahaan wadamada la isku yiraahdo Nordic (Swden, Denmark, Finland iyo Norway) iyo weliba dalka Britain.

Xaflad oo si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday garoonka (Prahen Kenta) ee magaalda Helsinki ayaa waxaa lagu Furay aayadaha Quraanka kariimka oo uu halkaasi ka aqriyay Cabdifataax Yare kadibna waxaa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey gudoomiyaha qabanqaabada ahna gudoomiyaha Ururka Kanava Cabdulqaadir Axmed Nuur “Hadaafow” kaasoo ka hadlay ahmiyada balaadhan ee uu ulee yahay dhalinyarada isu imaatinkan iyo cayaaraha isagoo umahad celiyay dhamaan ka soo qaybgalayaashii isagoo si gaara u amaan badan usoo jeediyey maamulka Eerosom iyo kooxaha kasoo qeyb galay tartankan.

Mr. Hadaafow ayaa sheegay in kooxaha iyo Maamulkooda ay kusoo dhawaadaan magaalada Helsinki isla markaana ay dhalinyarada ka shaqeeyaan sidii la isu dhex gali lahaa aqoontana la isu weydaarsan lahaa.

Waxaa isna lagu soo dhaweeyey Qunsulka dalka Ingiriiska ee Finland Mr. Philip kaasoo ka hadlay in dhamaan ciyaartooyda Soomaaliyeed ee ka kala yimi qaarada Yurub inuu usamaynayo casho si ay isu dhexgalaan isuna bartaan.

Maxamed Diini Hilowle gudoomiyaha Ururka dhigaya ciyaarahan ee Eurosom ayaa hadalkii qaatay isagoo si kooban uga hadlay ulajeedooyinka ururka EUROSOM wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ay isku xirmaan ciyaaraha ka dhacaya Gudaha Somaliya iyo dalalka Dibaddaha isagoo tibaaxay in ciyaarahan looga gol leeyahay in ay kasoo baxaan ciyaartooy matasha Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu Mr. Diini ku nuux nuuxsaday in aysan ku ekeyn oo qura in kubbadda la cayaaro balse loogu talo galay in la sameeyo aqoon karorsi maalmaha soo socda wuxuuna si kooban u yiri “waa inaad ka shaqeysaan nabadda iyo aqoonta” isagoo la dardaarmaya dhalinyarada kooxaha oo markaasi ku jiray safka koox walibana ay sidatay astaanteeda ugaarka ah.

Axmed Nuur (Seyga Ruushka) oo ah ciyaaryahan hore oo ka mid ahaa qarankii Somaliya oo maykarafoonka lagu soo dhaweeyey ayaa dhalinyarada ku booriyey inay soo bandhigaan ciyaaro farsamadooda lajeclaysto iyo waliba anshax wanaag.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Ajaaniib madax ka ah dalka martida loo yahay oo kala ahaa: Gudoomiyaha xafiiska ururada, dhalinyarada iyo kaalmooyinka, Mr. Marko toivoinen.

Gudoomiyaha waaxda isboortiga ee magaalada Helsinki , Mr.Ansi Rauramo Iyo mas, uul ka socday wasaarada waxbarashada, Mr. Mikko cortes Waxayna dhamantood ka mideeysnaayeen sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu dhiiri galiyey in magaalada Helsinki iyo dalka Finland ay gacmo furan kusoo dhawaadaan.

Cabdulaahi Maxamuud Salxaan oo dadka intooda badan ay u yaqaanaan “Enow” ahaana ciyaaryahan si wanaagsan looga yaqaan dalka Somaliya una soo ciyaaray kooxdii Madbacadda iyo Xulka Qaranka Somaliya ayaa dhalinta u sheegay in ay nasiib leeyihiin loogana baahan yahay is dhexgal iyo ciyaar wanaag.

Waxaa ciyaartii furay Xoghayaha Guud ee Gudiga Olompikada Soomaaliyeed Mr. Tarabi kaasoo amaan u jeediyey Ururka Eurosom oo ciyaaraha dhigayay iyo Uruka Kanava oo ka tirsan magaalada Helsinki oo gogosha iyo qabanqaabada leh sidii diiranayd ee ay isugu duba rideen soo dhaweynta iyo inay qabsoomaan ciyaarahan

Isagoo kubadda laaday si kuna dhawaaqay si rasmi ahna u furay.
Waxaa bilaabatay ciyaartii loogu talagalay in ay noqoto daah furka ciyaarahan waxaana isku arkay labada kooxood oo kala ah Kanava Finland iyo Goterborg Sweden, waxaana seerigii ku dhuftay garsooreyaashii loogu talo galay waxaana qeybtii hore ee ciyaarta ay kusoo idlaatay 0 – 0.

Qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa kooxda Goterburg waxaa laga saaray ciyaaryahanka lambarka 3 –aad u sitay Guuleed isagoo loo taagay kaarka Casaanka, wixii intaasi ka danbeeyay ciyaaratu waxay lugta ugashay oo garoonka maamulanayay kooxda Kanava Finland.

Daqiiqadii 75 –aad ayaa ciyaaryahan lambarka 5 – aad usitay kooxda Gotenburg wuxuu xerada ganaaxa ku dhex jilaafay ciyaaryahanka lambarka 13 –aad ee kooxda Kanava Saciid Keysaneey taasoo garsooraha ku ganaaxay in rigoore loo dhigo kooxda Kanava Finland waxaana ugu faa’ideeyey ciyaaryahan Asad Mooge oo shabaqa ku hubsaday.
Daqiiqadii 86 – aad ayaa misana gool labaad waxaa helay kooxda Kanava kaasoo ahaa laad xor ah isagoo u laaday ciyaaryahan la dhashay Cabdisalaan cadaay oo isna lagu magacaabo Cadaay kaasoo meel luuq ah ugu faa’ideeyey saaxiibkii Axmed Saleebaan (Fuush) wuxuuna si fudud shabaqa ugu riday kubadii loo soo tuuray waxaana ay ciyaartu kusoo idlaatay 2 – 0 oo ay ku guuleysatay kooxdii martida loo ahaa ee Kanava.

Horseed Media
Helsinki, Finland

One Response to “Cayaaraha Kubadda Cagta ee Euro Som oo Si Rasmi ah Uga Bilowdey Dalka Finland [Sawiro]”

  1. ABDIHAKIM says:

    asc dhamaan walaalaha herseed nad mahad iyo dhamaan tii aad baad igu mahadsan tihii sidaad uwadaan adeega wanaagsan lakiin mudadan waxba kama qortaan xaladaha puntland ee maxaa ini helay mise waxaad weey deen wax ini kasoowarama boosaaso oo wiilashii faroole baa dadkii caburiyey walaal ok waa caften intaasu