Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Dawladda Siilaanyo Dhisey Tayo Miyuu Ku Doortey Mise Taallo uu Dhabarka Ku Tiirsado Ayuu Samaystey?

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maalintii shalay daaha ka qaadey golihiisa wasiirada, kadib markii si dimoqraadi ah loogu doortey xilka madaxweynaha doorashadii 26 bishii Juun ka dhacdey Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa intaan xilka loo dhaarin waxa uu magacaabey guddi ka soo talo bixiya sidii uu ku dhisi lahaa dawlad tayo leh, waxaana guddigaasi ay ku soo koobeen in la sameeyo 15 wasaaradood oo keliya, wasiiradana aad loo yareeyo.

Mudane Siilaanyo ayaa golihiisa wasiirada ee uu saxaafadda u soo bandhigey ay ka kooban yihiin 20 wasiir iyo lix wasiir ku xigeen, taas oo ah mid khilaafsan taladdii ay soo bandhigeen guddigii uu magacaabey, waxaana la rumeysan yahay in ay inta ka badan doonaan.

Waxaa durba saluugey qaabka uu wax u magacaabey dadweynaha ku dhaqan gobolka Awdal, oo la siiyey laba wasiir oo keliya, waxaana qaarkood ay saxaafadda u sheegeen in xisbiga Kulmiye aarsi wado ee sida uu wax u magacaabey aysan caddaalad ku dhisneyn.

Dhanka kale waxaa isla maanta arintaas ka mudaaharaadey Beel ka mid ah beelaha dega Hargeysa gaar’ahaan xaafadda Isha Boorame, waxaana ay sheegeen in ay taageereen Siilaanyo isla markaasna ay isaga u codeeyeen laakiin uu balantii uga baxay.

Siyaasiyiinta beelaha Hartiga ka soo tegay ee fikirkoodu yahay gooni u istaaga Somaliland ayaa la siiyey laba wasiir oo reer Sool ah iyo hal wasiir oo Sanaag ah. Wararka qaar ayaa sheegay in gawaari nooca dagaalka ah oo laga lahaa Sanaag ay u soo goosteen dhanka Puntland kadib markii Siilaanyo ku dhawaaqey xukuumadiisa ayna hal nin ka dhex arki waayeen.

Siyaasiyiintii xisbigii la diidey ee Qaran Dr.Gaboose iyo Xaashi oo muddo dheer Rayaale ku hayey xabsiga Mandheera ayaa markaan kala wareegaya xilka laba nin oo ahaa raggii xabsiga u direy Cirro iyo Cawil yare.

Sidoo kale Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo mar sii horeysey xisbiga Kulmiye u soo magacaabey xubintii guddiga doorashada, ayaa waxaa diidey Madaxweynihii hore Rayaale waxaana uu ku eedeeyay in ay Kulmiye ka tirsan tahay, waxaa markaan loo magacaabey in ay ka mid noqoto Golaha Wasiirada Siilaanyo.

Isirka Soomaaliga ah ayaa meelkasta oo ay joogaan isku mid ah waxaana maamulada laga dhiso Soomaaliya lugta jiita anaga ayaa nala qadiyey iyo reer hebel ayaa sedbursi helay, mana ahan mid meel wada gasha in aad heshid maamul kooban oo tayo leh iyo qancinta beelaha.

Si kastaba ha ahaatee Mudane Siilaanyo ayaa wasaaradihii doorkalahaa ku safay beelaha Galbeedka dega waxaana la is weydiinayaa Siilaanyo ma waxa uu ku soo xushey tayo iyo aqoontooda mise taallo iyo derbi adag oo gundhig u noqda dawladiisa curdinka ah ayuu samaystey?.

Abdirisak Shiino
Horseed Media

RELATED STORIES

5 Responses to “Dawladda Siilaanyo Dhisey Tayo Miyuu Ku Doortey Mise Taallo uu Dhabarka Ku Tiirsado Ayuu Samaystey?”

  1. viva somaliland says:

    asc horseed media
    waxan layaabay qaar kamida soomalida oo jaaluusnimadooda dartood waxay ku hadlayaan aan garanayn waxa layaable hadii qofka iimaanku karaaco qabyaalad waa masiibo mdaxwaynaha somaliland mudane axmed maxamed siilaanyo wuxuu soo xulay wasiiro khibrad uleh hawsha loo igmaday ninkii yidhaa siiraanyaa reerkooda ku taxay wasiiro waabeen reer awdal 8 sano madaxtinimada hayeen cidna wasiirkumay mudaharaadayn anagu qabyaalada manaqaano waxaanahay dad ilbaxa lakin qaar inta badan daka asalkee soomaliland na taas way ka simanayiin xataa intabadan ee reer awda lwaanan xalisan wixii cabasha ah ee jirta sikastooy ahaataba waxyaabahay leeyiin kuwa jaaluusnimo darteed yidhaa somaliland majirto intaba waxaan leenay noohanee bakhaylkiyo xaasidkii badhadhaha nookordhiyo barwaqadu dhibijirtoow xornimo noo buuxsantee bislaatee noo hanee

  2. somalilander143 says:

    horta dhamaantiin ba wad salmantihiin, waxanan idinku salamaya salanta islamka ASCWWB, inta ka dib waxn u mahad cellinaya shabakadan horsed midia.net, iyo hawl wadeenadeedaba.
    hadan inta ka gudbo, waad ku kkahadsanthiin faaladan aad ka qorten S/LAND iyo jawiga siyaasaded ee ka jiraba, marka labad oo horta dawladayadan S/LAND marxalado badn ayay ka soo gudubtay oo ay soo dhaaftay oo qaarkood ay ahaayeen qaar aad u cakiran hase ahaatee ilaahay galladii ka bacdi dadaal dheer oo ay sameeyeen ayay kaga gudbi jiree, waana wax ilaahay loogu mahadiyo.
    haatan iyo iminkana dawlad cusub ayaa ka curatay J.s/land ilaahay ha daayee, somaliya inteeda kalena waxn filaya in ay u noqon doonto quus goysay, hadiba ay markii hore quudareenayeen in ka noqoto go,aankeeda, balse taasi waa waxn marnaba suurtoobayn..wsc wabillahi tawfiiq

  3. framtiden says:

    WAR NINKAANI BEEN BUUBA KU DHAARTAY MARKII UGU HORAYSAY MARKUU YIDHI( WAXAAN
    U DHAARANAYAA WADANKAYGA SOMALILAND) MA WADANBAA SOMALILAND MISE WAA GOBOL YAASE AQOONSADAY SOO DAMBI IYO BEEN CAD MA AHA TEEDA KALE DAHIR RIYAALE WALIGIIS MA ODHAN DALKA SOMALILAND WAXA UU DHIHI JIRAY OO QUDHA DAD REER SOMALILAND IYO SOMALILAND OO QUDHA WAX KALE MARAACIN JIRIN , MARKA DADKAANI BEEN BAY KUNOOL YIHIIN IYAGAANA KA SHALAYN DOONEE HALADAAYO YAAN WAXBA LAGU DARSAN

  4. hersi says:

    SOMALI-LAND (GUMEYSIGII BRITANIYA-IYO TALYANIGA) HASHIIS EEY SAXIIXDEEN BUU KU YIMI ..DAKA MEEHSHAAS DAGANAANA WAA EEY KA DAGAALAMEEN..JIHAAD DHER KA DIB IYO MIRIHII GBANIMADOONKA SOOMAALIYED EE SYL..WAXAA LAHANTEY ..XORIYAD BUUXDA 1960 CALANKA SOMALIYEED BAANA IDINKA EEBBE LUSHEY..MIDNIMADAASNA CIYAAR CIYAAR IYO HADIYAD KUMA EEYSAN IMAAN EE DHIIG BADAN BAA U DAATEY.

    WAXAASE LAYAB LEH IN KOOXDA SNM EEY U QAADATEY IN DHULKAAN IYO XORRIYADDAAN DHIBKA LOOSOO MAREY U QAATEY IN SOMALI-LAND EEY TAHAY HADIYAD UU UGA TAGEY GUMEYSTIHII ..WALIBA IYAGA BADI DABADHILIF BEEY GUMEYSTAHA U AHAAYEEN..WAXAADNA HADDA MOODDAA DADKA QAARKIIS MARKA LAGA HADLO SOMALI-LAND IN EEY QOLO ISKA LEEDAHAY LOO QAATO TAASI WA WAX KAMA JIRAAN.

    MAAMULKA HADDA LASAMEEYEYNA MAAHAN SOMALI-LAND EE WAA SNM TIIOO SHAATI KALE QAADATEY ..TAASINA IYO KALA GO,A SOMALIAYA WAA MID SOMALI OO DHAN AAN RAALI KA AHYN ISKABA DAA KUWA USOO DAGAALAMEY OO EEY AABAYAASHOOD USOO DHINTEEN XORRIYADAAN DHIIGA BADAN KU DAATEY .

    LAAKIIN QOLYAHA SSC IYO SNUM AMA KUWA SHABBAKA CALANKA MADOW USOO DHIIBEY ..WAXAAN ORANLAHAA MAAHAN SIDAN AAD WAX KU WADDAAN QAABKII WADAJIRKA AHAA EE XORRIYADDA LOO GAAREY EE SIYAASADDA QABALI E NAAFEEYSEY SOMALI JOOJIYA SOMALIDUNA QAABKA FADARALISAMKA BEEY DOONEYSAA EE TAAGEERA DOWLADDA DIINA P/LAND HADDAAD XORRIYO DOON TIHIN ..WIXII QALAD AH EE FARSAMO MAAMUL .WAA LASAXAAYAA LAAKIIN WADAJIRKA YAAN LA ILLOOBIN.

  5. abdirahman-somali says:

    ASALAAMU CALAYKUM..soomaalidu waxay tidhaahdaa markay rabaan in wax muuqda aan dadka loosharaxin…indhahaa macalin ah,,yaab badanaa? siyaasiyiinta sooomaalida meelkasta oo ay joogaan runtii maxishoodaan, markaad akhrisato golaha wasiirada cusub ee siilaanyo soo xulay waad qariibsanaysaa sida uu wax umaamulay,anigu shakhsi ayaan ahay kasoo jeedaa gobolada waqooyi ee soomaaliya,reerka uu kadhashay wuxuu siiyey 15 wasiir,caddaaladna maahan in uu sidaa yeelo,bal ufiirso xishood maleh,sidee 15 wasiir reerkiisana uhelaa,halka saddexda reer ee kale uu siiyey 5 wasiir,xitaa caqliga saliimka ah ma aqbalikaro..haddii talo layga qaadanayo waxaan kacodsan lahaa in ay iska siidaad cadka quudheedka yar ee loo tuuray,waxaana u arkaa,intani ay tahay tii ay soomaalida kadagaalami jireen..dhaqankeenii hore ayaa waxaa dhici jirtay,marka reerka xitaa layidhaahdo,geelayaga mag usiin mayno waxay uqaadan jireen in layasayo,waxaana muuqan jirtay in taasi ay kaxigi jireen in ay kadagaalamaan,masaasay dadka burco iyo hargaysa wax kudoonayaan in maamul lagula qaybsado..waa layara qaadan karaa,haddii hal iyo labo lagaa badsado..laakiin tani waa meelka dhac weyn ee bal siilaanyo iyo maamulka uu ehelkiisa udhiibay,waanu arki halkay isla gaadhaan iyo bal in reer awdal sidaa aqbalaan…harti isaga markiisii horaba waa iska maluugnaa oo xoogaa macaanjecel ayaaba jiray oo maanta shacab harti ah oo ududayaa majiraan,saa maxaa kagalay oo alle ayaaba quluubtooda kubeeray soomaalinimo-e.waxayna waxkadoonayaan dadkooda soomaaliyeed,inta hargaysa magacooda wax kudoonatayna waa latusay runta iyo in aanu macno kalahayn xaggooda..soomaalida ayaa tidhaahda qof weyn tag lama yidhaahdee wuxuu kutagaa latusaa,laydin tus haddaad wax kuqaadanaysaan…dadkiina dacal karaaca oo iska daaya iibsiga aad iibsanaysaan magaca bulshada aad kasoo jeedaan,..waxaan kaga baxayaa siilaanyo,tayo makeenine taalluu dhistay uu hargaysa kudego,illeen waa laga saari..