Al-Shabaab Oo Sheegatay Qaraxii Lala Beegsaday Hotel Muna Ee Muqdisho

Xarakadda Al-Shabaab ayaa ka hadashay qarax ismidaamin ah oo saaka lala beegsaday mid kamid ah hoteelada ku yaalla magaaladda Muqdisho oo ay deganayeen Xildhibaano iyo masuuliyin ka tirsan Dawladda Federaalka.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Dheere oo shir jiraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho saacado kadib markii uu qaraxu dhacay ayaa sheegay in qaraxaas ay fuliyeen guutada Kumaandooska ee Al-Shabaab,isla markaasna ay la beegsadeen hoteelka oo u sheegay in ay deganayeen Xildhibaano iyo Wasiiro.

…Maantey rag ka tirsan xarakada al-shabaab kuwaas oo ahaa kumandooska xarakada, ayaa fuliyey hawlgal culus, waxaana ay qarax la beegsadeen Hotel ay si weyn u camireen kuwa xildhibaanada isku sheega waxaana halkaas ku halaagsamay qaar badan oo kamid xildhibaano ku sheegi….” ayuu yiri Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Afhayeenka al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay dadka ay laayeen in ay ka mid ahaayeen qurbo joog ka timid dibadaha kuwaas oo uu sheegay in ay dalka ugu soo laabteen sidii ay muslimiinta u dhibaateyn lahaayeen!!.

Cali Dheere ayaa sidoo kale amaan iyo duco u jeediyey kooxdii fulisey qaraxii Hotel Muna, waxaana uu sheegay in ay sii laba laabayaan qaraxyada iyo dagaalada ay wadaan

Wuxuu intaas ku daray in khasaaro badan uu ka dhashey weerarkaas isla markaasna mahadcelin gaar ah ujeediyey dadkii fuliyey.

Qaraxii ka dhacay Hoteel Muna ee ku yaalla degmada Xamar Weyne ayaa la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ilaa iyo hadda ka dhashey,inkastoo wararku ay sheegaayan in ay ku dhinteen Xildhibaano iyo dad kale oo hoteelka deganaa.

Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.