Puntland Ma U Talaabsan Doontaa Nidaamka Xisbiyada Badan?

Tan iyo markii la sameeyey dastuurkii muranka badan uu ka dhashey ee Puntland sanadkii 2001, waxaa ku xardhanaa in dastuurka afti loo qaadayo kadibna loo gudbaayo nidaamka xisbiyada badan si looga hayaamo nidaamka beelaha ku dhisan ee Baarlamaanka iyo goloyaasha deegaanka lagu soo xulo.

Muddo 9 sano ah kadib waxaa weli la hadal hayaa in la fuliyo qodobadaas oo marba heer soo maray iyada oo ugu danbeyntii dastuurka Puntland laga dhigey mid leh qaababka dastuurada, isla markaana la dhihi karo waa ka heersareeyaa labadii qabyo qoraal ee ka horeeyey, hadaba waxaa la isweydiinayaa sida ay suurta gal ku noqon karto in  la gaarey waqtigii ku habooneyd ee la hirgelin lahaa nidaamka xisbiyada badan.

Sida muuqata Dawladda Puntland ee uu hoggaamiyo Mudane Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa haysta fursado kaduwan kuwii ka horeeyey, waxaana kamid ah:

  • Muddada maamulka oo ka badan kuwii hore, waxaana xiligi xukuumaddu ku eg yahay Janaayo 2014
  • Xukuumadda oo samaysey wasaarad gaar ah oo qaabilsan arimahan isla markaana ay hagayaan dad aqoon u leh
  • Shacabka oo bislaadey isla markaana u hanqal taagaya in nidaam dawlad wanaag ah hirgalo
  • Siyaasiyiinta damacu kaga jiro in ay hantaan hoggaanka Puntland oo ay adagtahay in laga gado in 66 xildhibaan soo doortaan hoggaankii dalka mar danbe, kuwaas oo dantooda waxkasta ka hormariya.
  • Deriska Puntland (Somaliland) oo nidaamkan aad loogu amaaney, isla markaana beesha caalamku ku tartarsiiyeen Puntland in ay hirgeliso.

Sidoo kale maamulka ayaa ku guuleystey in waxyaabihi hordhaca u ahaa nidaamka xisbiyada badan la sameeyo sida, astaanta iyo calanka Puntland, sidoo kale dastuurka ayaa la mariyey dib u eegid dhab ah kaas oo ay u kuurgaleen dad khibrad u leh, inkasta oo loo baahan yahay in la is waafajiyo dastuurka Puntland iyo kan Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland ee xiligan ayaa sameeyey balanqaadyo iyo barnaamij uu ku soo jiidanaayo shacabka markii xafiiska loo dooranaayey, sidey doontaba ha noqotee maamulku uma imaan xafiiska in ay furaha wareejiyaan iyaga oo aan waxba qaban, waxaana taariikhdu sheegaysaa in maamulkasta uu balanqaadkiisi ku guuleysto ama qaybo ka mid ah fuliyo, maamuladii soo maray Puntland ayaa ahaa kuwo kala duwan isla markaana maamul walba uu meelo gaar ah ahmiyadda siin jirey.

Maamulka hadda jira ayaa la dhihi karaa maamuladii hore meelo badan ayey uga wanaagsanayaayeen halka maamulkan qudhiisu uu meelo badan uga wanaagsan yahay kuwii ka horeeyey, waxyaabaha aadka loogu amaani karo ayaa waxaa kamid ah xiriirka arimaha dibadda, waxaana magaca Puntland la gaarsiiyey meelo aanu gaari jirin isla markaana laga aqoonsadey, sidoo kale xiriir wanaagsan oo iskaashi ah ayaa la dhihi karaa in maamulkan uu la samaystey dalalka deriska  ah gaar ahaan Yemen oo ah dal waxbadan ay ka dhexeeyaan Soomaaliya gaar’ahaan Puntland iyo weliba dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha oo ka faa’ideysanaaya xaaladda Soomaaliya ee Burcadbadeeda iyo Xagjirnimadu ku soo jeedisey indhaha caalamka ayaa xiriir wanaagsan la sameeyey dalka Maraykanka, kaas oo balan qaadey in uu siyaasadiisi Soomaaliya wax ka badalay isla markaana gacan qaban doono maamulada dhisan ee nabadda ah.

Mustaqbalka Puntland

Aayaha Puntland iyo in loo gogolxaaro siyaasad waarta isla markaana leh sal adag oo ay ku taagan tahay, waa mid dooneysa qorshe  dhab ah oo cad isla markaana la siiyo waqti ku haboon, waxaana qofkasta uu maanta ka digayaa in siyaasadda Puntland ay noqoto mid ma dhalays ah isla markaana markasta ku soo noqota halkii ay orodka ka bilowdey.

Dalka Soomaliya oo Puntland ay qayb ka tahay ayaa ah mid la jaahwareersan dagaallo aan dhamaad lahayn iyo barakac taas oo ay dheertahay, dawlad dhexe oo shaqeysa waxaa ugu danbeysey muddo 20 sano kahor ah, waxaana ay saameyn weyn ku yeeltay Puntland taas oo ahayd mid u dabranayd xaaladda cakiran ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya,  waxaana maqnaanshaha dawlad dhexe oo Soomaaliya ka dhaxaysaa ay saameyn weyn ku yeelatay dhinacyada horumarka Puntland, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland

Waxaa maalintii Axadda ahayd ee ku beegneyd 31.10.2010 ka furmey magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland kalfadhigii 25aad ee Baarlamaanka Puntland, sida aan wararka ku heleyno ajandayaasha horyaala Baarlamaanka waxaa kmid ah ansixinta xeerka guddiga doorashada ee Puntland, taas oo ay xukuumaddu u soo gudbisey.

Xeerka guddiga doorashada Puntland ayaa qeexaya dhabada iyo tusmada loo maraayo nidaamka xisbiyada badan, xeerkan ayaa qoraaya in guddiga doorashadu uu ka koobnaan doono qiyaastii 9 xubnood, in shaqada guddigga doorashada ee aan rasmia ahayn ay tahay:

  • Afti u qaadida dastuurka Puntland si uu u noqdo dastuurka rasmiga ah ee Puntland
  • Diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadeed iyada oo aan cadad iyo tiro lagu xireyn laakiin xisbiga laga doonaayo in uu buuxiyo shuuradaha sida in uu barnaamij siyaasadeed lee yahay, dastuur lee yahay isla markaana aanu u dhisneyn sida ciidamada ama beelaha oo kale.
  • Qabashada doorashada goloyaasha deegaanka, waxaana xisbiyada rasmiga ah noqonaaya saddexda xisbi ee kuraasta ugu badan ka hela doorashada goloyaasha deegaanka.
Kadib shaqada guddiga doorashada aan rasmiga ahayn halkaas ayey ku egtahay sida uu qoraayo xeerka loo gudbiyey baarlamaanka, waxaana la soo dhisi doonaa Guddiga Doorashada Puntland (Electoral Commission) kaas oo xisbiyadu ay ku yeelan doonaan xubno, isla markaana noqon doona guddi madaxbanaan.

Arimaha kale ee xiisaha badan ee ku jira xeerka guddiga doorashada ee baarlamaanka loo gudbiyey ayaa waxaa kamid ah qaabka loo  maraayo aftida dadweynaha, waxaana la sheegayaa in laba qaab midkood la maraayo:

In la diiwaan geliyo dadka Puntland, kadibna ay noqoto Waxa loo yaqaan “One Man One Vote” hal qof hal cod,  kadibna la gaarsiiyo sanaadiikhda codadka meelkasta oo Puntland ka tirsan, sidaasna dadka lagu weydiiyo in ay dasuurka ugu codeeyaan, sida uu qoraayo xeerku arintaani waxa ay u baahan tahay dhaqaale faro badan iyo aqoon in la isticmaalo, isla markaana nabadgelyadu ay tahay mid sugan, haddii ay suurtagal noqon weydo nidaamka diiwaangelinta iyo samaynta aqoonsiga waxaa furan in la maro nidaam kale kaas oo ah:

In caasimadda Puntland la isugu keeno ururada Bulshada qaybhaeeda kala duwan, guurtida iyo culumaa’udiinka kadibna iyaga oo wakiil ka ah bulshada ay ansixiyaan dastuurka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa maanta sheegay in baarlamaanku qaadan doono nidaamka gaaban ee fudud oo ah kan labaad iyada oo aan weli baarlamaanku ka hadlin isla markaana gelin wax dood ah.

Dhanka kale waraysi uu hadda ka hor Horseed Media siiyey Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Dr.Cabdi Xassan Jimcaale ayaa shegay in qaabka aftida loo qaadayo go’aan ka gaarideeda ay iska leeyihiin Guddiga Doorasha ee  aan rasmiga ahayn kuwaas oo la soo dhisi doono, waxaana muuqda aragti kala duwan iyo in uu jiro go’aan Shirguddoonka Baarlamaanku uu sii gaarey ka hor inta aan laga doodin qodobka.

Waqti Aan Munaasib Ahayn 2013?

Xukuumadda Puntland ayaa qabsatey in nidaamka xibsiyada badan la hirgeliyo sanadka 2013, sida uu sheegay Dr.Jimcaale, muddadaas waxaa ay noqoneysaa 4 sano kadib doorashadii Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo waqtigii uu hawsha u igmadey Dr.Jimcaale, waxaana waqtiga xukuumadda markaas ka harsan muddo sanad ah, hadaba sidee xeego lagu xagtaa ilkona ku nabad galaan? Qaabkee ayey suurta gal ku noqon kartaa in waqtiga xukuumadda iyo doorashooyinka goloyaasha deegaanka kuwa baarlamaanka iyo weliba tan Madaxtooyada la isu waafajin karaa? Xisbiyadu waqti intee le’eg ayey u baahan yihiin in ay ku samaystaan taageerayaal isla markaana ay isku baraan shacabka?

Soomaalidu waxa ay tiraahdaa Alif alif-waxmaale kaaga xumaada Albaqra kuma baratid, haddii xukuumaddu sida ay u gurguuranayso ay soo dul istaagto iyada oo aan hirgelin balanqaadkii iyo waxa shacabku maanta doonaayo, waxaa suurta gal ah in ay la timaado qorshe ah in muddada loo kordhiyo si doorashooyin loo qabto, taasna waa mid cawaaqib xumo kuleh Puntland, isla markaana soo marisey taariikh madow, waana mid shacabka Puntland ay dhaqan u leeyihiin in ay ka horymaadeen qorshayaasha caynkaas oo kale ah, waxaana aad loo wada xasuustaa in xukumaddi Cadde Muuse aysan saacad ku darsan, inkasta oo doorashadii ay qabteen ay ahayd mid lamid ah tii lagu doortey muddo 4 sano ah kahor, taas oo ah mid aan shacabka Puntland maanta ka gadmeyn kadib markii ay caddaatey in 66 nin ee la soo xuley aysan ka talin karin masiirka iyo aayaha Puntland, ayna waxkasta kala weyntahay fursadaha dhaqaale ee muddada doorashada soo mara iyaga oo aan u xeerin qofka kartididiisa iyo aqoontiisa, taasna maaha mid aan sharaftooda meel uga dhacaayo waa wax uu garan karo in ay dhab tahay qofkasta oo siyaasadda Puntland wax ka yaqaan.

Nidaamka xisbiyada badan waxa uu u baahan yahay in lala qabsado isla markaana shacabku fahmaan oo bartaan ee maaha in saacadda u danbeysa la yiraahdo waa la furey ama lagu dhawaaqo iyadoo  dadkuba aysan kala garanayn farqiga u dhexeeya Xisbi cod ku doonaaya in uu ku gaaro kursiga iyo nidaamka Beesha ama Qabiilka.

Baarlamaanka Puntland oo caan ku ah in aanu samayn wax la xisaabtan ah isla markaana xiliga codeynta ama doorashadu jirto gacantoodu ay gaarto saqafka guriga ay ku jiraan, waxaa la gudboon in ay taariikhdooda wax ka baddalaan, isla markaana la yimaadaan xisaabtan dhab ah iyaga ayaa soo doortey Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, mana hayno mana jirto meel ay kula xisaabtameen taasna waxaa sabab u ah, nidaamka ay meesha ku fadhiyaan ee qabiilka ah.

Kalfadhiga Baarlamaanku waa in ay ka soo baxdaa wax qancin kara shacabka Puntland,maaha in miisaaniyadda 2011 la siiyo waqtiga kalfadhiga baarlamaanka oo dhan si Puntland ay uga baxdo maamul xumada uu keenay nidaamka beelaha waa in  ay xukuumadda u qabtaan waqti munaasab ah oo oo aan ahayn mid ku aadan waqtiga xukuumaddu dhacayso si shacabku u kala barto xisbiyada isla markaasna loo tartamo,  haddii mudada Xisbiyada la furaayo ay ka danbeyso sanadka 2011, waa alifkii alif-waxmaale ku xumaadey,  miraha ka dhashana Baarlamaanka ayaa iska leh.

Ismail H.Said
London UK
editor@horseedmedia.net
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.