Ciyaarta Kama Dambeysta ee Koobka Gobolada Soomaaliya oo maanta Dhacaysa

Ciyaarta kama dambeysta ee koobka gobolada Soomaaliya ayaa ka dhacaysa galabta garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe caasimada Puntland.

Ciyaarta Final-ka ayaa dhexmari doonta xulalka kubadda cagta ee gobolada Banaadir iyo Bari oo wareegaas usoo baxay,waxaana ay tahay ciyaar aad u adag oo xiiso badan.

Advertisements

Magaalada Garoowe waxaa 24-saacadood lasoo dhaafay soo buux dhaafiyey oo soo gaarey dad fara badan oo ka kala yimid magaalooyinka ugu waaweyn ee Puntland,waxaana ay doonayeen in ay daawadaan ciyaarta kama dambeysta.

Dadka ugu badan ayaa waxaa ay ka yimaadeen magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari,waxaana intooda badan ay soo galeen habeenimadi xalay kuwaas oo u yimid in ay daawadaan xulkooda oo galabta ciyaaraya.

Ciyaarta ayaa bilaabman doonta galabnimadii saacadu markii ay ku beegantahay 03:00-PM galabnimo ee saacada Geeska Afrika,waxaana kasoo qaybgali doona masuuliyin sare oo ka tirsan Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka iyadoo la qaban doono xaflad lagu soo xiraayo koobka.

Waxaa adag in la saadaliyo xulka ku guuleysan kara koobka,waxaana labadaan gobol ay yihin kuwa wareegyadi hore kusoo reebeen ama kaga soo adkaadeen xulal adag oo loo saadalinaayay in ay qaadaan koobka.

Xulka gobolka Banaadir ayaa wareegi afarta kooxood rigooreyaal kaga adkaadeen xulka martigelinaysay ciyaaryahaan ee Nugaal,iyadoo gobolka Bari ay ku durduriyeen xulka gobolka Jubadda Hoose oo 9-jeer qaaday koobkaan lagana cabsi qabay in koobkaan ay mar kale qaado ayna ahayd koox adag.

Tartanka 18-aad ee koobka gobolada Soomaaliya oo ay sanadkaan martigelisay Puntland ayaa soconaayay mudo 15-maalmood.

Amaal Yuusuf Macalin
Horseed Media
Garoowe,Puntland

Comments

  1. says

    ciyaartan runtii waxaan arkaa mid taariikhi ah inay tahay waxaase soomaaidu dhahdaa gari laba nin kama wada qosliso koobkuna hal dhag oo laqabto ayuu leeyahay dabcan waxaan filayaa aa Bari ama Banaadir maxaase lafilayaa hadii ay qaado
    Bari waxaan leeyahay way istaahilaan bari inay qaadaan koobkan ama guud ahaanba puntland waayo bari ciyaar wanaag dar dar iyo xirfad gaar ahaaneed ayay muujiyeen waxaase oran karayaa si markii loo eego waxaa guud ahaanba meesha ka soo baxaysa in reer Puntland ay yihiin dad dhan walba horumarkoodu u dhaqaaqay
    Banaadir haday qaad waxaan arkaa inay tahay fursad wayn dad badan oo cuqdad iyo wax aan wacnayn laga aaminsiiyay reer Puntland ay isbadali doonaan oo ay ogaan doonaan meel cadaalad horumar walaalnimo iyo qadarin ku caanbaxday inaay tahay
    ka faramataan ahaanse taageeradaydu laba maahee waa VIVA BARI

  2. says

    maanta waa maalin taarikh ah oo gobolka bari ku guulaysanayo koobka gobolada somaaliya waxaan aad ugu faraxsanahay laacibiinta iisafan ee qaab ciyaaredkooda aanan kalka ku so koobikarin iyo dhalinta ku xaragoonaya kubada markay isu baasayaana garoonka sacab ku isqabsanayo sxb yaal waan isku hubaa weerar yahanadayda zaki,daacad,amiin iyodhexdayda aan caadi ga ahyn ee samiir, rubinho waxa kasiidaran difacaaca an fursad usiinayn banaadir inay usoodhowaato goolka wa kuwe waa lacibinta qaliga ah ee guursade. john xasan bari markaa sxbyaal koobka iisi diyaariya bananka ayuu iiyala maanta qardhaawi sxb craxman laaso maanta boodhkaan ku qarinaynaaaaaaaaaaaaaaaaaa akhyaarta iskululaysi.com

  3. wiil_bari says

    war sxbyaal dhaman tiin waad salamatiihiin marka hore waxan habalyo udiirayaa xulka gobolka bari waxan rajeeynayaa in anaan kobka qaado insha aalllah banadiir wab ku dordurinayaa waxaay igu tahay kismayo ayaan soo cunaay dhalinyarada kubata waad mahad santiihiin waad daadaasheen

  4. kaxgage2010 says

    Salan sare bahda horseed media after salan ka dib waxan filayah inan la sadalin karin ciyarta manta balse an sugno natijada walow an bari la jecel ahay!

  5. Qardhaawi. says

    Horseed Media , Malaga Yaabaa inaad Live Degaysi Noo Soo Daysaan Si Aan Ula Socono , idinkoo Mahadsan ,

  6. Benderqasim says

    Bari viva koobka Benderqasim ayaan kusugayaa insha alalahu habeen dame..horseed waad mahadsantihiin sida qurxoon oo aad ciyaarta gobolada,somalia noola socodsiiseen waxaan dhihi karaa runtii waa wesedka keliya oo afka umada somaliyeed kuhada noolada saaxibayaal..

  7. abdirahman-laaso says

    @SomCitizen

    kkkkk oo ma beerjileec ayaa iga muuqda kkkk,mawaxaadse umalaysaa in aan kasoo dabcay halkii aan taagnaa ee banaadir … maya…maya maya taasi madhacay…guusha banaadir ayaan larabaa,markaa dee hambalyada labada dhinacba waa loo diraa ee adigu marka lagaa badiyo malaha waad labakhayli lahayd kkkk…. aadbaan kuusalamayaa sxb…adna bari…..anna banaadir . waa inooya caawa iyo loolanka commentska.

    • SomCitizen says

      kkkkk A-Laaso salaan qaali ah sxb… Waxaa balan ah haddaa maanta koobka ruxdid anaa kuu soo diro hambalyo fresh ah kkk. Laakin u malayn mayo galabta inaa guul kala tagaysid groonka kiniiniga Paracetamol ka sii diyaarso koleey aniga hadii la iga badiyo diyaar wuu ii yahay kkkk.

    • Qardhaawi. says

      Salaamulilaahi Marka hore Halyeeyada Horseed Media Marka Xigta

      War Laaso , Sxb Waxba Haka Baqin Caawa Qofka ugu Horeeya Aad U Hanbalyeyso Qardhaawi Waa inoo Ahaadaa , Ileen Anaga Hadaba Waa iska Ognahay Labada Naadi Inaysan Isku Awood Ahayn , oo Ay Kala Duwanyihiin .

      Waxaan u Rajaynayaa , Labada Halyey Ee Horseed iyo Xulka Bari inay Noqdaan Insh alaaah Kuwo Taariikhda Gala , Mahadsanidiim .

      • abdirahman-laaso says

        kkkkkkkkkkkkkkk SomCitizen iyo qardhaawi sxbayaal markale salaan sare oo idinka idiin khaas oo aan cidkale idinla wadaagin kkkkk idinkaa garanaya sidaad uwadaagi doontaane.

        @SomCitizen sxb Paracetamo-ku xumad badan kaajabin maayee,waxaad sii diyaarsataa kan ay soomaalidu utaqaano biririx kkkkk…..anigu hambalyada waa iyaga diyaar, koobkaana waan aaminsanahay in aan qaadayo hadday xag alle ka ahaato.markaa yaan caawa lagu waayin kkk waa lays hayaa.

        @Qardhaawi sxb waanba kuugu horaysiin hambalyadee horta bal iga qaad,midna kudarsoo kolay waynu isgaranaynaaye ama awood aadan lahayn sheego ama mid kale meelahaa karaadsee,yaanu dhiiga kugu kicin,madaxuna kuxanuunin, sida somcitizen iska sii diyaarso Paracetamo iyo biririx,oo min afar afar ucun kkkkkk ileen sikale uxasili mayside…markale salaan gacaltooyo oo sxbtinimo iyo mahadnaqba waan idiin soo gudbinayaa.

        • Qardhaawi. says

          Laaso , kkkkkkkkkkkkkkkk , kkkkk , Diyaar Waa Hadii Murqaha Amiin Arts u Yeelay Banaadir Rumoobaan Hadii kale Sidii Caadada Ahayd Yaanan lagu Waayin ,

          kkkkk kkkk kkk , Salaan Gacaltooyo Mida Ugu Qaalisan Qabso Bro , una Sheeg Reer Laascaano Dabaal dega Waa la soo Maraynaa Insha laah , Si Shucuubta Reer Puntland Ay Niyada ugu Degsadaan , Garoowana Wada Bululeer ayaan ka Dhigaynaa , ileen Laascaano iyo Garoowe iyo Galkacyo iyo Qardho Waa Wada Puntland Dadku Hawada Raaxaysteen Weeye , Naguna Aamin Qaba ,

    • mr.galgalato says

      GUSHU WAY ISKA CADAHAY BARI PUNTLAND SOOMALIYA ALLAHU AKBAR MAANTA SOOMALIA WAXAY USHIDAN TAHAY GOBOLKA BARI GUUL GUUL

  8. Bosasaawi says

    Horta qalad yan la aaminin o xamaasad idinla tegine cayaaar wa laysugu yimaadaaa o laysuguso dhowaadaa e laguma caytamo lagumana kala tago intas ka dib waxan codsanaya si ixtiram ku jiro halo wada hadlo inaka ilaaliya qabyaalad iyo wax walba o qofka walalken ah dhibaya gobanimo aynu muujino ok taagerada iyo ra,yigana qof walba hala so dhoweyo anigana bari ayan tagersanahy hawl kama daale weli wa hogi . . . Viva bari asc

  9. Jagfe says

    Salaan sarre bahda Horseedmedia.

    VIVA BARI AND TEACH MUGADISHO WHAT THEY HAVE BEEN MISSING, LONG LONG LONG TIME! “SOCCER”!

    WAAN HAMBALYEENAYAA DHAMAAN GOBOLADA SOOMAALIYEED EE KASOO QEYB GALAY ISDHEXGALKA DHALINTA SOOMAALIYEED OO AY COLAADUHU HARAKEEYEEN, WAANA CAMAAREENAYAA MAAMULKA WAQOOYI-GALBEED SOOMAALIYA EE AY ISLA-WEYNIDU KU JIRTO KA BAAQSASHADOODA CAYAARAHA DALKA SOOMAALIYA.

    BARI SAYS “MUQDISHO DON’T THINK YOU’LL DEFEAT OUR CAPITAL GAROWE AND GO HOME WITH OUT PAYING PRICE AND DEFEAT”!
    “GO BARI GO”

  10. SomCitizen says

    A-laaso, la iskuma ogeen beer jileeca si toos ah u taageer Banaadir. Tan kale G. Banaadir waxaa ka dhigtay inay laajiyiin ay yihiin, NO WAY, sxb gurigooday joogaan martina kuma ahan taageero hadii la dhahana qaybtooda waa u joogtaa meesha dabcan oo kuma taagero yara. Illaa Gudoomiyahoodii gobolkaa meesha maraya.

    Mida kale Banaadir waxay la mid yihiin Gobolada kale ee Soomaaliyeed ee kasoo qayb galay koobka dhammaantoodna isku si baa loola dhaqamay oo ah wanaag iyo gacaltooyo ku dheehan Soomaalinimo. Wax gooni ah oo iyaga loo sameeynayo ma jiraan sxb ee taas ogoow.

  11. SomCitizen says

    Ciyaartan haddaa saadaaliyo waxay ku dhammaanaysaa Bari 3 – 1 Banaadir. Saasna koobka waxaa ku qaaday Gobolka Bari.

    VIVA Gobolka Bari.

    SomCitizen (G-town boyz)

  12. abdirahman-laaso says

    BANAADIR GUUL AYAAN URAJAYNAYAA Idanka allena,farxad ayaa ay lalaaban doonaa,waan dareemi karayaa in ay meesha kuyara cid laysan yihiin,oo xagga taageerayaasha dhanka garoonka looga badan yahay,waxaanse kuniyadsamahay in ay koobka lahuleeli doonaan.insha allaah labada kooxba guulbaan urajaynayaa,kii laga badiyeyba guulaysatay,waayo meesha ay timi ayaaba guul ah. insha allaah aadbaan labadaba ugu mahadcelinayaa ,uguna hambalyeynayaa.cimri tagaya ceeb laguma sagootiyo,ciyaar sii dhamaanaysana yaan ceeb lagu sagootin,oo banaadir si sharafleh oo ay kusoo muhdaan kuna hamiyaan in ay markale garoowe kusoo laabtaan haloola dhaqmo.dhankastana halaga wanaajiyo,markay laabtaan,waa lawaraysan markaa waxay reer garoowoow naga sheegaan yaanay noqon wax xun.hadday koobka qaadaan hala dabaal dego.hadday bari qaadana aad iyagana haloo gacan qaado. anna labada ka guulaystay,hambalyaan udirayaa,oo waanba sii qadimayaa.

    HORSEED billad sharaf in lasiiyo ayaan kubaaqi lahaa, aanna la ilaawin,kollay xaggayga abaal ayaan uhayaayoo, hawsha ay qabatay ayaa ah mid aan la ilaawayn.