Mario Balotelli oo codsaday in Luiz Ronaldo la baro maxaa sabab u ah!

Xidiga kooxda Manchester Ciyt iyo xulka Talyaaniga Mario Balotelli ayaa codsaday in la baro xidigii hore ee xulka wadanba Brazil Luiz Ronaldo si uu ugu caawiyo falalka xun xun ee uu garoomada ka geesto.

Weeraryahankii hore ee  kooxda Internazionale Balotelli ayaa sidoo kale waxa uu balan ku qaaday in uu joojin doono dhamaan wixii ka baxsan ciyaaraha balse Balotelli ayaa ku cel celiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo baro Ronaldo si uu  talo u siiyo.
Balotelli ayaa xidigii hore ee aduunka Luiz Ronaldo ku tilmaamay in uu yahay shaqsi aad u wanaagsan oo weliba asluub badan oo intuu uu garoomada ciyaaraha  ku jiray si asluubeesan u ciyaari jiray.

Codisiga ka soo baxay xidiga kooxda Man Ciy ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo uu dhowaan uu uu dhowaan fal ka baxsan K/Cagta kula kacay xidiga ka mid ah kooxda Dynamo Kyiv   uu ka geesatay ciyaar ka tirsaneed koobka Europa League taasi oo sababtay in Balotelli garoonka laga ceersho.

Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com

Horseed Media-Switzerland

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.