Shirka Saddex Geesoodka ah ee Kampala Xal Mise Xujo?

Waxaa ka socdey dalka Uganda shir saddex geesood ah kaas oo u dhexeeya madaxda u saraysa dawladda federaalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.

Shirka ayaa  daba socda shir ay dhawaan kooxda caalamiga ah ee xiriirka la leh Soomaaliya ku qabsadeen dalka Uganda, kaas oo ay uga hadleen qaabka loo maareynaayo xiliga kala guurka ah ee dawladda kumeelgaarka ah, isla markaasina  ay ka soo saareen baaq ay u jeedinayaan dhinacyada dawladda kumeelgaarka ah waxaa ay  u jeediyeen digniin ah in ay waayi doonaan kaalmada caalamiga ah ee dawladu ku taagan tahay

Saddexda nin ee  kala hoggaamiya hay’adaha dawladda kumeelgaarka ah ayaa isku soo horfariistey wadahadal toos ah kaas oo lagu tilmaamey in uu yahay mid lagu gorgortamaayo awoodda dalka dagaaladdu la dageen ee Soomaaliya.

Saldhiga Khilaafka.

Khilaafka ba’an ee u dhexeeyey Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Shariif Xassan Shiikh iyo Madaxweynaha ayaa soo jiitamaayey tan iyo markii Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu Raysalwasaare u magacaabey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, magacaabidaas oo la sheego in aanu kala tashan Afhayeenka baarlamaanka oo isagu jecel in uu shukaanta dawladda wax ka hayo markasta.

Khilaafka ayaa salka ku haya awoodqabsiga dawladda iyo weliba hay’adaha kala duwan kuwaas oo ay ku jiraan magacaabida safiirada metala dalka jiritaankiisi ceeryaamadu isku qarisey.

Shariif Xassan Shiikh Adam oo lagu tilmaamo nin galaangal xoogan u leh siyaasadda Soomaaliya isla markaana saameyntiisu ay soo baxdo, ayaa qaadan waayey magacaabistii Farmaajo, waxaana uu isku dayey in uu Baarlamaanka hortiisa isbaaro u dhigto taas oo soconweydey laakiin wadahadal dheer kadib lagu guuleystey in Farmaajo helo  codka kalsoonida.

Sidoo kale dhismihii golaha wasiirada ee Farmaajo ayey la soo gudboonaatey caqabad kadib markii uu ku dhawaaqey gole wasiiro oo aad uga yar kuwii hore isla markaana u badan wejiyo cusub marka laga reebo wasiiro uu si gaar ah u watey Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed. Arintaas ayaa dhalisey in Afhayeenka Baarlamaanku uu mar kale isku dayo in uu is hortaago ansixinta golaha wasiirada taas oo ugu danbeyntii looga guuleystey, isla markaana la meel mariyey.

Marka laga yimaado dhacdooyinkaas waxaa jirey khilaafaad dhanka maaliyadda iyo lacagaha deeqaha ah ee soo gala dawladda federaalka iyo weliba heshiisyada shirkadaha oo u dhexeeyey Madaxda Dawladda Federaalka.

Shariif Xassan Shiikh Adam oo qaba ciilkii iyo caradii uu ka qaadey Shariifkii ay muddada jaalka ahaayeen ayaa go’aan ku qaatey in uu fagaaraha siyaasadda ee Soomaaliya ka saaro kana tirtiro Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha isaga oo u gogolxaarey arrintaas, kadib markii xildhibaanadu xilka kororsadeen muddo saddex sano ah, isla markaana uu magacaabey guddiga doorashada Madaxweynaha iyo guddoomiayaha baarlamaanka.

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo la dhihi karo waxa ay ahaayeen kuwo isku mawqif ah ayaa dhankooda sameeyey dedaal iyo guluf siyasadeed kaas oo ay ku baajinaayanaan in wax doorasho ah ay dhacdo sanadkan, waxaana ay isticmaaleen waddooyinkala geddisan kuwaas oo ay u muhimsan tahay, Dagaallo lagu qaado kooxda al-Shabaab, dagalaadaas oo ka dhacay gobolada Gedo, Hiiraan iyo banaadir waxaana ay ka sameeyeen xoogaa horumar ah, sidoo kale waxa ay soo abaabuleen haweenka iyo caruurta kuwaas oo ku taageeray mawqifka Xukuumadda ee ah in sanad lagu darro, waxaa arintaas dhinac socdey shirar isdaba joog ah oo loo qabanaayo odoyaasha dhaqanka ee gobolka Banaadir.

Bulshada Caalamka.

Sababaha khilaafka waxaa hooyo u ahaa waxa loogu yeero beesha caalamka oo iyagu ah dawladda dhabta ah ee Soomaalida, kuwaas oo dano iyo damac kala geddisan ka leh arrimaha Soomaaliya.

Shirkii Urur Goboleedka IGAD ay ku qabsadeen Adis-ababa ayey ku soo bandhigeen sida ay ugu qanacsan yihiin in baarlamaanka Federaalka waqtiga loo kordhiyo marka la gaaro mudadiisa, waxaana ay ishaareen in ay macquul tahay in laba sano iyo ka badan loo kordhin karo, waxaana qorshahaas hormuud ka ahayd Dawladda Itoobiya oo markaas falkineysey ismaandhaafka loo caalwaayey ee ka dhexbi waayey dawladda federaalka, taas oo damac gelisey Afhayeenka baarlamaanka Federaalku in uu noqon karo Madaxweynaha bedalaaya Shariif Shiikh Axmed.

Beesha caalamka oo uu hormuud u yahay Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Philip Mahiga ayaan marar badan ay ka soo yeertay aragtiyo kala duwan ee ku aadan qaabka looga gudbaayo, inkasta oo Mahiga muujiyey marar badan sida ay macquul u tahay in muddo sanad ah loogu darro dhamaan hay’adaha dawladda ayaa haddana marar badan ku celiyey in doorasho dhici doonto.

Shirka Kampla.

Shirka saddex geesoodka ah ee u dhexeya laba shariif iyo Farmaajo ayaa meesha ka saaray shir wadatashi ah oo 12 bishan Juun ka dhici lahaa magaalada Muqdisho, waxaana muuqatay rajo lagu soo afjari karo khilaafka dawladda kaas oo salkiisu yahay awood qabsiga iyo maroorsiga talada dalka dagaaladdu aafeeyeen ee Soomaaliya.

Wadahadalka ka socda Kampala ayaa markii hore ku bilowdey in la isku soo horfariisyo Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Afhayeenka Baarmaanka, kuwaas oo ku guuldaraystey fadhiyo ay horey ugu yeesheen magaalada Muqdisho, Wada hadalka cusub ee Labada shariif uga bilowdey dalka Uganda ayaa saameyn ku yeeshay isla markaana lugaha la galay in lagu gorgortamo awoodda dalka, kadib markii la sheegay in la isku raacey in la qaato codsigii hore ee xukuumadda kaas oo ahaa in doorashada dib loo dhigo tan iyo sanadka 2012.

Shariif Xassan Shiikh Adam ayaa dhankiisa sameeyey tanaasul ah in uu ka horo saddexda sano ee Baarlamaanku ku darsadey laguna soo koobo muddo laba sano ah kadib Shirkii Kenya bishii April ee la soo dhaafey, taas beddelkeeda ayuu soo jeediyey in la baddelo raysalwasaaraha ama isku shaandheyn fiican lagu sameeyo dawladda, taas oo ay dheertahay gorgortan dhaqaale.

Raysalwasaare farmaajo oo markii hore ka maqnaa wadahadalka ayaa maalintii shalay (Talaado) khudbad dheer oo qaadatay 45 daqiiqo ku weerary wadahadalka labada shariif waxaana uu si gaar ah ugu tilmaamey khudbadiisa Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Adam oo ku tilmaamey nin aan wadin danta Soomaaliyeed.

Khudbaddaas kadib waxaa uu si deg-deg ah ugu duuley dalka Uganda, waxaana wadahadalkii noqdey mid saddex geesood ah, taas oo magac looga dhigey gorgortan siyaasadeed.

Maxaa shirka ka soo bixi kara?.

Shirka saddexgeesoodka ah ee u dhexeeya madaxda Federaalka ayaa la filayaa in ay ka soo baxdo wax lagu sheego heshiis kaas oo lagu qaybsanaayo golaha wasiirada iyo weliba dhaqaalaha dalka, arrintaas ayaa saameyn ku yeelan karta golaha wasiiradda ee hadda jirta, inkasta oo raysalwasaare Farmaajo balan qaadey in haddii la isku dayo in la beddalo  mid kamid ah wasiiradiisa uu is casilaayo taladana uu u celinaayo shacabka sida uu yidhi.

Dhanka ale waxaa ka soo bixi kara in la magacaabo raysalwasaare cusub kaas oo la lugooyo mudada sanadka ah ee la hadal hayo in la isku waafaqey in lagu daray xiliga hay’adaha dawliga ah ee kumeelgaarka ah.

Sidoo kale natiijada shirka ayaa noqonkarta mid ku dhamaada fashil sida kuwii hore taas oo horseeda in ay soo baxdo awood kale oo la loolanta midda madaxweyne Shariif isla markaana magaalada Muqdisho laga helo laba madaxweyne oo aan talo gacan ugu jirin.

Doorka Puntland.

Dawladda Puntland oo dagaal siyaasadeed oo xooggan la gashey dawladda kumeelgaarka ah ee hadda jirta, ayaa ka maqan wadahadalka iyo wadatashiga u socda dhinacyada dawladda kumeelgaarka ah, inkasta oo la dhihi karo Dawladda Puntland waxa ay xulufo la tahay dhanka Afhayeenka Baarlamaanka ee doonaayey in la qabto doorasho taas oo Puntland geed dheer iyo mid gaaban u kortey sidii doorasho loo qaban lahaa, taas oo kaliftey in markii u horeysey shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Puntland aysan qaadan wax mushahar ah, dadka qaarkiisna aaminsan yihiin in Puntland gashey  olole siyaasadeed.

Haddii aysan wax doorasho ah dhicin sanadkan, waxaa la dhihi karaa dedaaladii Dawladda Puntland waxa ay ku dhamaadeen guuldarro, waxaana xarig jiidku geli doonaa Puntland oo geli doonta weji ka duwan midka ay hadda ku sugan tahay.

Gebagebo.

Waxaa la isweydiinayaa halka ay caga dhigan doonto Dawladda kumeelgaarka ah ee ku jirta dhalada quraarada ah ee sida fudud ku jabi karta, shirkan hadda uga socda ma noqon doonaa bilow wanaagsan oo ay hesho dawladdakueemlgaarka ah mise waxa uu noqon doonaa dhamaadkii iyo dhimashadii Dawladda.

Ismail Haji Said
Horseed Media

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.