Madaxtoyadda Puntland oo si wayn looga xusey dhalashadii Puntland

Waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada dowlada Puntland ee magaalada Garowe munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay curashadi dowlada Puntland 13-sano ka hor.

Advertisements

Munaasabadan waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole , ku xigeenkiisa C/samad Cali Shire ,Gudoomiyaha golaha wakiiladda C/rashiid Maxamed Xirsi, Aqoonyahano,waxgarad, cuqaal sarakiil ka kala socotay UNPD iyo  Ciidamadda Badda ,Ururadda Haweenka, dhalinyaradda ,qaar ka mid ah Jaaliyadaha Qurbo joogta Yurub ,Safiirka Itoobiya u fadhiya Puntland, golayaasha Dowladda iyo  marti sharaf kale.

Intii ay socotay munaasabadu waxaa halkaasi lagu soo bandhigay riyaado ka turjamaya waxyaabaha ay ku talaabsatay Puntland 13-sano ka dib, waxaana xiriirinayay wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar.

Ugu horayntii waxaa munaasabada khudbad aad u dheer ka jeediyay gudoomiyaha guddiga qaban-qaabada xuska 1-da Agoosto Murwo.Caasho Geele Diiriye, Murwo.Caasho waxay sheegtay inay muddo ku hawlanaayen in muddo ah qabanqaabada xafladan aadka u quruxda badan, waxayna hoosta ka xariiqday inay guul ka gaaren in munaasabadani ay u dhacdo sidii loogu talo galay.

Caasho Geele ka dib waxaa goobta lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumaysa xaaladda iyo marxaladaha kala duwan ee ay soo martay Xukuumadda Puntland iyo majaajiloyin ka hadlay marxaladda uu wadanku marayo.

Maxamad Jaamac Jabriil oo ka mid ahaa qurbo joogta Reer Puntland oo ka hadlay goobtana wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay u dabaaldega curashada Puntland isagoo intaasi ku daray inuu halkaan u yimid sidii uu uga qayb qaadan lahaa dabaaldega dhalashada Puntland taas oo uu sheegay inay u tahay sharafweyn u tahay.

Sidoo kale Isimo, dhalinyaro iyo masuuliyiin kale oo goobta ka hadlay ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay qaabka sanadkaani loo xusay curashadda Puntland ,intaasi ka dibna waxaa si toos ah goobta uga socday heeso iyo gabayo lagu soo dhawaynayo Puntland dhalashadeeda.

Gabagabadi munaasabada Gudoomiyaha golaha wakiiladda Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr-C/raxmaan Shiikh Maxamad (Faroole) ku soo dhaweeyay makroofanka si uu usoo jeediyo khudbada ugu tala galay munaasabada.

Madaxweyne Faroole Faroole ayaa khudbadiisa diirada ku saaray qodobada soo socda:
Ka Shaqaynta Amniga Deegaanadda Puntland

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr Faroole ayaa amaan usoo jeediyay dadka ku soo barakacay Puntland ee sida weyn uga qaybqaatay xuska 1-Agoosto ,isagoona ku tilmaamay inay yihiin muwaadiniin somaliyeed, wuxuuna ugu danbayntii ugu baaqay inay ka shaqeyan amniga lagana feejignaado dadka kusoo dhex dhuuman kara dadka soo barakacay .

“Dadka Soo barakacay , waxay ka mid yihiin muwaadiniinta Puntland, waana soo dhawaynaynaa waana ku farax san nahay inay si toos ah uga qayn qaataan xuska dhalashadda Puntland, balse waxaa jira dad kusoo dhex dhuumanaya inay gacan bir ah ku qabtaan iyo iska qabasho inay ku sameeyeen”

 

Kor u qaadidda Suugaanta Puntland

Dhanka kalena madaxwayne faroole waxa uu ku dhawaaqay sanadkaani inuu yahay Sanadka Suugaanta Puntland ,isagoona sheegay in loo samayn doono miisaaniyay u gaar ah dhaqanka iyo fanka Puntland ,iyo sidii dib loogu soo noolayn lahaa ,wuxuuna amaan balaaran usoo jeediyay fanaanintii soo bandhigtay heesaha qiiradda dadka ku reebtay iyo majaajiladda ay soo bandhigeen .

Horumarka Puntland

Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay inay horumarin balaaran ka sameeyeen sugitaanka amniga guud ee Puntland iyo qarashaadka ay qaateen ciidanka xooga dalka ,wuxuna sidoo kele sheegat faroole inay hagaajin wayn ku sameyeen xafiisyadda Dowlada. dhanka caafimaadka ,waxbarashadda ,ganacsiga iyo isku duba ridka howlaha dowlada waa uu soo hadal qaatay.

La dagaalanka Argagaxisadda iyo Burcad-badeedka

Madaxwaynaha sidoo kale waxa uu sheegay Puntland inay dagaal xun kula jirta kooxaha burcad badeedka iyo argagaxisadda calamiga ah oo dadka kusoo dhex dhuumanaya ,wuxuuna intaasi ku daray faroole in ay jiraan howl-galo balaaran oo lagu xaaqayo burcad badeedka oo ka socda Puntland “Ciidamadu waxay haben iyo maalin ku raad joogan sidii gacan loogu soo dhigi lahaa burcad badeedka aafeyay baddaha caalamiga ah wad aragtaan eyl waxay ahayd hoyga burcadda haddana waa degma aysan joogin wax burcad la yiraahdo”siaasi faroole ayaa yiri.

Shirka Nabadda Soomaaliya.

Shirka Nabadda Soomaaliya, ayuu sheegay in lagu qaban doono Puntland waa ay jiraan dad hadlay oo aan ku faraxsanayn in Puntland in lagu qabto waxaan rajaynayaa in ay iyakuna nagu soo biiraan laakiin guud ahaan waxaa la isla waafaqsan yahay in Puntland lagu qabto, aad iyo aad baan ugu han-waynahay in shirkaasi lagu qabto Puntland

SAWIRADA OO BADAN HALKAN KA DAAWO

Warbaahinta.

M-wayne Faroole, wuxuu ammaan u jeediyay warbaahinta oo uu ku tilmaamay Seef labo af leh oo waxna burburin karta waxna hagaajin karta “1-dii Lulyo haddii aan hadalnay hadda sidii hore maaha waxaan ku ahay maqsuud Warbaahinta sida ay u tabinayaan wanaaga iyo sanad-guuraddda Puntland waan ku faraxsanahay in aan hadda isku soo dhawaano Warbaahinta ayuu yiri.

Ka qayb daashadda abaaraha ka taagan Konfurta Soomaliya

“Waad la socotaan masiibadda ka taagan koonfurta soomaaliya waa mid aanu gacanteed ku keensanay waxaa loo baahan yahay in loo gar gaaro dadka walaalaheena oo ku dhibaataysan dalka somaliya qaybo ka mid ah hadda waad aragtaan culimadda Puntland gurmad ka ay u wadan dadkaasi ” Madaxwaynaha

Dhalinyaradda iyo waqtiga taagan hadda

Dhalinyaradda waxay ka mid yihiin horumar dal walba ay ku faanaan , waxaana la soconayaa aduunka hadda aanu joogna waxaa howsha kala wadii kara waa dhalinyaradda hadaba dhalinta waxaanu ka codsanaynaa inay wax walba oo nabad iyo horumarka ka qayb qaataan xitaa ay ciidanka Puntland ay noqdaan isla markasna wadankooda amaankiisa ka shaqeyeen ,khudbadda madaxwayna ayay ku jirtay

Cafis loo fidiyey maxaabiis

Madaxwaynaha Puntland inta uu hadlayay waxa uu sidoo kale sheegay inu cafis u fidiyay 91 maxabiis oo ku xirnaa magaaladda garoowe ,isagoona ku tilmaamay inay noqdeen dad kasoo waantoobay arimaha ay sameeyeen ,cafiska dadkaasi ayaa kusoo aaday xuska dhalashadda Puntland.

Xiriirka Caalamiga Puntland

Xiriirka Caalamiga horumar wayn ayaan ka gaarnay Shir walba oo ka dhaca Dibadda Puntland way ka qayb gashaa waana loo yeeraa taasi waxay ka turjumaysaa sidda Puntland loo ixtiraaf san yahay waana guul wayn oo usoo hoyatay Dowlada iyo shacabkeeda /

Ugu danbayntii Madaxwaynaha Dowlada Puntland ayaa amaan balaaran usoo jeediyay Haweenka Soomaaliyeed kuna tilmaamay inay yihiin kuwo howl kar ah, wuxuuna sheegay haweenka inay yihiin kuwo u dhabar adeega howl walba loona baahan yahay in doorkoodda si wanaagsan loo horumariyo.

Wajiga saddax ee munaasidda Xuka 1-agtoosto oo xalay lagu qabtay xarunta madaxtoyadda ayaa ahayd mid si wanaagsan looga soo shaqeeyay ,iyadoona guud ahaaba goobta la fadhiyay ay ku sharaxnaayeen hidaha iyo dhaqankii soomaali ay laa hayd.

 

Xafiiska Horseed Media
Garoowe- Puntland

Comments

  1. ogaal says

    Sc. Taa haka yaabin, ilaa aad dhinac lugaha isugu duwataan nina niyad iyo qalbi uma hayo nin asagu gurigii hooyadii gubaya cidna uma badbaadin karto. Somalidu waxay tiraahdaa nimay meeli u caddahay meeli ka madow, war nimanyahow haddaad magaaladiina xoreysanaysaan nadaaya oo ordayoo xoreysta oo jaqjaqda nagalataga.
    Teeda kale mee Garaad pintiland iyo sscdiisii Farmaajo kama damayn.

  2. AMSHIRE says

    Caasimada Puntland ha loo raro Badhan City ee Gobolka Sanaag, 37 degmo bay leedahay Puntland, Badhan waxay ka mid tahay 9 degmo ee leh Golayaashii deegaanka oo u dhisan si cadaalad ah , xildhibanada Golaha deegaanka Badhan waxay ka koobanyihiin 28 xubnood, Toban xubnood waa dumar, gudoomiye ku xigeenka Golaha deegaan Badhan waxaa la dhahaa Saynab Cabdi Aaar.

    9- ka degmo oo leh Golayaasha deegaanka, Badhan waxay noqonaysaa Golaha degaanka ugu cadaaladsan oo dumarka qaybtooda la siiyey, sababtaa aan u leeyahy ha laga dhigo Badhan Caasimada Puntland waxaa ka jira cadaalad, waxaa ka jirta kala danbayn, kama dhacaan qaraxyo, waa dhul ilahay ku manaystay nabada.. Alxamdulilaah..

    Puntland cadaaldeedu waa Badhan, rere Puntland waxay mudanyihiin iyagoo aan qabeel eegayn, dano kale ka eegayn in lagu tartamo cadaalada maanta si horumar loo gaadho , oo aynu caalamka u hiigsano.. Wixii fiican waa in la isaga daydaa, madaxweyne iyo caasimad baan isku qaadanayaa waa inana ka hor nimaadnaa..

    Yaan la arag mamaulka ka jira, kii SSDF ee laga soo gudbay iyo in uu u shaqeeyo qaabkii jabhadii SSDF..

  3. wiil bari says

    abdul sxb isku fikrad ayan nahay wayo wadanku wa isku mid lkn ninkasta ama qofkasta mel ayu ku dhasahèy ugu so koray sxb garoowe cid cdi ka xiqta ma jirto lkn dadka is xejiinaaya waxn oranlaha iska dhafaa caqli xumada garoowe intan puntland ladhisin waxay ahyd tulo sxb mantana wad aragta mashallah madaxweynuhu waxuu sameeyey xaqdaro aad uweyn abdul sxb thanks hadalkaga wanagsan

  4. Abdul says

    Sanaguuro fiican, dadka muwaadininta ah xaq ayay u leeyihiin in ay dhahaan maxaa magaaladeyda loo soo saari waayey xitaa tuulo ahaatee. Waayo qof waliba meel ayuu kusoo korey. Markaa insha allah sanadka danme waa in Madaxda Dowlada isku kala qeebiyaaan dhaman dalka oo dhan sida Galkacyo, Boosaaso, Cardho, Galdogob iyo magaaloooyin kaloo badan.

  5. wiil bari says

    saahid qamaan sxb si wanagsan ayaad u hadashay lkn dadka tuloyinka degan oo gow xaqbay le yihin garoowe in ay tahay casumada puntland cid diidan malahan lkn sxb waxaa ficnaan lahayd in puntland oodhaan laga ciido ayan jeclaa anigu lkn nasiib daro ma noqon in sha aallah sanaad dada dambe ayan sugeyna hida alle idmo cid xanuun qabtaa ma jirto bro adi isku dhaaf cadifada cidna garabka ha siiniin madax weyno umada reer puntland oo iska dhaan ayu madax u yahay

  6. Saahid Qamaan says

    Hambaly Hambaly Hambalyo ayaan leeyahay, maanta horumarka iyo aragtida fog ey Puntland tiirsanayso cid inkiri karayso majirto.

    Dad baa inagu dhex jira oo caqligooda siiyey inay deegaan, magaalo, tuulo inaga mid ah ku mashquulaan. Dadka waxaanu leenahay Puntland lagama kala xigo xaga deegaanka, Garoowana waa isha Puntland ee kan xanuusanayo kana xun xaflada loo qabtay Puntland oon Soomaali mar ka tahay in lamidkeed aysan lahayn/jirin ama qof ku fakiri karo xataa in ay intaa abaabul bulsho iyo bilicdaa aanu aragnay ay soo bandhigaan amaba haday isku dayeen aan xata ku kalsooneen in heerka Puntland waxay muujiyeen xag horumar, dhaqaale, bulsho iyo siyaaso ay u barbar dhig karaan.

    Kan leh Puntland meel kale lagama farxin, tolow muxu wadaa? Bulshoy bal is weydiiya soo ma cado in ruuxaa uu yahay qof aan isku kalsooneen ama ka been sheegaya meelahii kale ee Puntland aadka loogu xusay sanadguuradeeda.

    Waa nooc kamid ah afkaarta nabadiidka/qof aan doonayn wanaaga iyo horumarka Puntland ey tiigsatay uun baa saa u hadli karo. Xaasadkana amase habaarka hore baan lagu faaiidayn oo, ma horumarka iyo wanaageeya baan diidi karaa? Aniga oo u soo maraya madalka ummada u dooradeen Caasimadooda.

    Jawaabtu waa maya.

  7. wiil bari says

    marka hore salan qali ah dhamaan umada reer puntland melkasto ay joogan waxan le yahay sanad wacan oo wanagsan ilaah tan teda kale nabad hanagu gaarsiyo amiin lkn aniga farba iitagan waayo sanad gurada waxa lagu qabtay garoowe kaliya goboladi kale aaway oo ay ugu horeyso bosaaso ama bari maxaa loogu qaaban waye mise faroole garoowe wa gurigiisii cml waxan ilaahay ka baryeena madaxweyne khry qaba oo kan no bedela wayoo dadki ayu cuqdaad ku kala beeray garoowe na halaga farxo gobolada inta kalena yaan laga farxiin bosaaso galkacayo sool sanaag qardho iyo waliba qar kalo badan insha allah waxan ilaahay ka baryeenaa mid khry qaba oo dadka iyo dalka si wanagsan u hogaamiya dadkana isku mid ka dhiga waxba hadalka sii badin maahyo waa malin ramadan ah marka reer puntland oo dhaan iyo umada musliminta ah ramadan kariin

  8. AMSHIRE says

    Sanad guuro Wanaagsan, qofkasta oo muwaadin ahna waa ku farxayaa sanadguurada 13- aad ee ka soo wareegtay asaaskii Puntland. Waa sheey qaali ah ilahayna loogu xamdiyo sharafta iyo wanaaga aynu hormuudka uga nahay Soomaali maada aynu soo ceshanay nabadii kala danbayntii dadkeenuna ay xilagan ku soo gaareen barwaaqo..

    hadab ogow waxaa jira 2 gobol oo Gacanta ugu jira SL. Sida Sool Iyo Cayn. Marka laga reebo magalada Buuhoodle oo aan laga xusin sanadgiradii 13-aad ee Puntland. Waxaan qabaa rayi ah

    ” Xukuumadda Puntland ee hada jirta waxay ku dhaaratay in gobolada maqan ay soo celinayaan, maadaama looga qabsaday qaab Maamul oo la dhigma kan Puntland , soo ma ahayn si kastaba ha ku soo celisee gobolada maqan in ay soo celiyaan!!!”

    Xukuumadan faroole wax sumcad ah io wax sharaf ah heli mayso ilaa intay ka dhabaynayaan balanqaadkii shacabka, sanadguuradan waxa haboonayd in la soo celiyo laascanood oo aynu wada dabaal degno!

    Waxa maqan tageero aad u baaxad wayn oo dhanka shacabka,waxaad maanta arkaysaa dad Puntlander ahaa oo ana lagu soo hadal qaadi karin maanta Puntland, mucaaradkaaba fiicane dadkaasi waa iska aamusnyihiin ilaa inta ay ka helyaa leadership hogaamaya goboladii dhisay maamulka Puntland , isla markaana la yimaada siyaasad fur furan ee gobolada soomaliyeed ee kale nagu soo biiraan!

  9. M-xarigle says

    Horseed aad iyo aad baa u mahadsan tihiin sawirada quruxda badan .. hormar baan idin rajayn …xafladii mataxtoyada oo daawasho ah HD baan idin ka sugaynaa hadaad heesaan .. mida kale xaflad hyderbad ka dhacday miyaan laydiin soo dirin …?

  10. framtiden says

    Marka hore waxan halakan ka salaamaya dhamaan muslimiinta Somaliyeed. waxan mar kale hambalyo u diraya shacabka Puntland dhamantod. Maalmahan hawada waan kamaqnaa lakinse hadda waan soo laabtay.

    Hambalyo mar kale.

    HRM sawirada kale ma daawan karo ma aqaan ciladu ma xagaygaa mise waa xagiina. waxan kawada sawirada badan halakan daawo ku qorantahay. Mahadsanidin.

    • Abshir Said says

      Sorry malaha private ayaan ka dhigey hadda waa Public, haddii ciladdu weli jirto ila socodsii.

      HM

      • framtiden says

        Waad mahadsantahay waa shaqayn hadda. sawiro aad u wanagasan weeye waadna ku mahadsantihin soo galinta.

  11. muwaadin1 says

    masha alah waa wax lagu farxo in PUNTLAND hormarkaas ay gaarto aad baan ugu faraxsanahay hormarkaas waxaana leeyahay let’s Go to development