Zambia oo Laga Xusey Maalinta Puntland 1-da Agoosto (Sawiro)

Xaflad 13 guuradii Dawlada Puntland ee Soomaliya oo si heer sareeysa loogu soo agaasimay ayaa Lugu Qabtay Zambia Magaalada Ndola. Jaaliyada Qurbo joogta reer Puntland ayaa 31 kii July isugu yimid xaflad iyo damaashaad masrax kamida masrax yada magaaladaas, waxaa barnaamij quruxbadan,heeso iyo riwaayad wadani ah soo bandhigay uruurka dhalinyarada Jaaliyada.

Vice Chairman ka Jaaliyada Mudane Cali Baashi ayaa ku booriyay in wax la taro dadka walaalaheen soomaaliyeed ee abaartu wax yeelaysay. waxaa khudbado qiimo leh ka jeediyay munaasabada wax garadka iyo ganacsatada iyo dhalinyarada. waxaa shahaadado abaal marina lagu siiyay shirkadaha taakulada ka geeysta barnaamijyada Jaaliyada.

Mohamed Abdi Horeeye
Madaxa Maamulka Jaaliyada
Zambia

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.