Xuska Dhismihii Puntland ee 1da Agoosto oo ka dhacay Kambala, Ugandha (Sawiro)

Xaflad si heersaraa loo soo agaasimay oo lagu xusaayay 13 guuradii ka soo wareegtay maalintii la asaasay Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu qabtay Dalka Uganda Magaaladiisa Caasimada Kampala, Xaflada ayaa ka dhacdey Hool aad loo qurxiyay oo lagu magacaabo Agakhan School.

Xaflada oo ay ka soo qeyb galeen Marti sharaf kala duwan oo qaarkood ay ka socdeen Madaxda Dalka Uganda ayaa waxaa lagu furay ayaadaha Quraanka kariimka kadib ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Xildhibaan Cabdixakiin Dhooba daareed oo ka mida Xildhibaanada Maamulka Puntland oo ka hadlay Aasaaskii Puntland sida uu ku yimid iyo waxtaabihii laga faa,iidey intii uu jiray, Xildhibaanka oo Munaasabdaan iyo faa,iidada ay u leedahay Dadka Reer Puntland iyo Soomaali oo dhan ayaa tilmaamay in ay Burburkii kadib ay Degaanada Puntland ay noqdeen degaan ay Soomaali oo dhan kaga gabadaan Dhibaatooyinka ka dhacaaya Koofurta Soomaaliya aydoo Puntland ay raadinayso sidii ay iskugu imaan lahayd ayna u soo ceshan lahayd Qaranimadeedii ayuu yiri Xildhibaanku.

Advertisements

Kadib markii uu furay Xildhibaanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ruwaayad ka hadlaysay Horumarka Puntland oo aad u soo jiidatay dadkii ka soo qeyb galay Xafladaa.

Xaflada oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Reer Puntland ee dalka Uganda ayaa waxaa ka hadlay Bulshada kala duwan, waxaa ka mid ahaa ganacsade Cabdulaahi Yuusuf Ilkacase oo ku hadlaayay magaca ganasatada Reer Puntland ee ku nool Dalka Uganda Ilkacase ayaa sheegay in ay aad ugu weyntahay maalintaan oo kale sababtana ay yahay ayuu yiri in markii laga soo qaxay Koonfurta Soomaaliya ay Degaanadaan ka sii wateen Noloshooda taana ay noqotay mid Illaah loogu mahadiyo, waxaa kaloo ka hadlay Maama ayaan Xasan Jaamac oo ku hadlaysay magaca Dumarka Reer Puntlabd oo sheegtay in ay aad ugu faraxsanyahiin ayna hada wadaan sidii ay Dhaqaale ugu ururin lahaayeen Dadka Soomaaliyeed ee uu dhibku ka soo gaaray Abaaraha.

 

Sarkaal ka mida Madaxda ugu sareysa Ciidamada Amniga oo lahu soo dhaweeyay ayaa ka hadalay sida ay ugu faraxsanyihiin Xadlada iyo isku duubnaanta Dadka Reer Puntland maalintaana ay ugu tahniyadeynayaan Sanad guurada 13aad ee ka soo wareegtay xiligii la aasaasay Maamulka Puntland ayna ka codsanayaan Jaaliyada Reer Puntland in ay kala shaqeeyaan Aminiga wadanka ay ku noolyahiin si loo helo wada shaqeyn lagu sugayo Aminiga tasoo muhiim u ah nolosha guuf ee Soomaalida iyo Uganda.

Ugu dambeytii ayaa waxaa la gudoonsiiyay Qabanqaabiyayaashii Shaqaadooyin dhiiragalina waxaana xaflada ugu dambeentii ka hadlay xafladaa Hogaamiye dhaqameed ka mida hogaamiye dhaqameedyada Reer Puntland oo lagu magacaabo Maxamed aadan Firin oo ku soo gabagabeeyay Duco guud oo Soomaaliyoo dhana iyo mid Reer Puntland ah.

Horseed Media