Sweden Oo Oggolaatey In Soomaalida Qaxootiga Ah Dadkoodi Loo Keeno

Istaahil-Hussein-Farah-660

Istahil Hussein Farah, Dadka uu saameeyey sharcigii adkaa ee qoysaska soomaalid: Photo by: Erik Esbjörnsson/Jonas Lindstedt

Kadib markii Dawladda Sweden ay xanibtey isla markaana sharci adag ka soo saartey in qaxootiga Soomaalida ah ee dalbanaya dadkoodi loo keeno, ayaa waxaa hadda soo baxaya in sharcigaas meesha laga saareyo isla markaana Soomaalida qaxootiga ah ay xaq u leeyihiin in dadkoodi loo keeno, waxaana arrintaas is afagarad ka gaarey Xisbiga Deegaanka ee dalka Sweden iyo Hay’adda soo galootiga iyo socotada.

Joornaalka ugu weyn dalka Sweden ee Dagens Nyheter ayaa sheegay in arrintan ay kashifeen daahana ka qaadeen Wasiirka Soogalootiga (immigration minister) Tobias Billstrom iyo Maria Ferm oo ka tisan xisbiga Deegaanka mar ay waraysi khaas ah siiyeen DN. Labada masuul ayaa sheegay in barnaamijkan loogu talo galay lacag dhan 850 milyan oo Swedish Kron ah.

Advertisements

Caqabada u weyn ayey ku sheegaen in ay tahay beddelida sharciga, taas oo siineysa kumaankun Soomaali ah in ay la midoobaan qoyskoodi ee ku sugan Sweden, kuwaas oo horey sharci dalka Sweden soo saartey u diidayey in ay midoobaan, waxaana sharciga cusub dhaqan geli doonaa sanadka danbe bisha July 1 July 2012.

Midig Wasiirka Muhaajiriinta Tobias Billström iyo Maria Ferm (MP) Photo: Sanna Sjöswärd

Sidoo kale Joornaalka ayaa sheegay in caruurta aan haysan wax dokumenti ah ay xaq u leeyihiin in ay aadaan Iskuulada, waxaana su’aashaas ka jawaabey wasiirka waxbarashada Jan Björklund kaas oo horey u balan qaadey in caruurtaasi ay iskoolada aadi doonaan wixii loo gaaro sanadka 2012.

– Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan heshiis ka gaarney arrimaha la xiriira qoysaska Soomaalida ah, taas darteed ayaan isku waafaqney in aan ka taxadarno in Xisbiga (SD) uu ku kasbado taageero aragtidiisa ajnabinacayka ku dhisan isla markaana aragtiyo uu ugu gudbin karo dalalka kale.

– Xisbi ahaan weli waan canbaareyneynaa dadka la masaafuriyo lagana tarxiilo Sweden, laakiin su’aashaas maaha mid aan hadda wadno ayey tiri Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga deegaanka.

Waxaa xusid mudan in Xisbiga Deegaanku aanu ka mid ahayn Xukuumadda wadaaga ah ee ay ku midoobeen Xisbiyada Hantigoosadka ah, Xukuumadda hadda ka jirta Sweden ayaan ahayn mid aqlabiyad haysata, laakiin Xisbiga Deegaanka ayaa wadashaqeyn la leh Xukuumadda si ay u meel maraan qorshayaasha xukuumaddu.

Soomaali badan ayaa ka faa’iidi doonta qorshahan cusub marka uu dhaqan galo kuwaas oo caruurtoodi iyo iyagii kala xaniban yihiin. Joornaalka DN, ayaa maqaal dheer ka qorey gabadh Soomaaliyeed oo la yiraahdo Istaahil Hussein Farah taas oo ku nool magaalada Folkoping, ilmaheedi u yaraa waxaa uu ku xaniban yahay dalka Kenya, waxaana ugu danbeysey saddex sano kahor, waxaana kala xanibey sharciga adag ee dalka Sweden ka soo saartey dadka la isu keenayo, joornaalka ayaa tusaale ahaan u muujiyey xanuunka uu lee yahay sharciga kala xanibey qoysasa Soomaalida.

Horseed Media + DN