Mucjisadii Computer-ka oo geeriyootay

Waxa ay dunida Muslimka ahi todobaadkan weydey alle u naxariistee gabadhii loogu magac daray ilbaxadii Computer-ka , oo magaceeduna la yiraahdo Cafraa Kariim una dhalatay dalka Pakistan .

Tacsiyo fara badan ayaa dunida daafaheeda laga soo kala diray markii Sabtidii bilowgii todobaadkan la shaaciyay inay geeriyootay ilbaxadii yareyd ee Computer-ka Cafraa Kariim Randaawa oo ku geeriyootay Magaalada Feysal Abaad ee dalka Pakistan , iyadoo da’deeda lagu sheegay 16 jir ah , waxaana ay u geeriyootay qallal iyo wadnaha oo joogsaday.

Aas’aasaha Shirkadda Microsoft Bill Gates ayaa aad uga muragooday geerida gabadhaasi yar , isagoo horey u balan-qaaday inuu dusha u ridanayo dawenteeda , hayeeshee dhaqaatiirta Pakistan ayaa ka biya diiday in gabadha lagu daweeyo dibadda.

Bill Gates ayaa ku tilmaamay gabadhani inay laheyd hibo gaar ah oo dhanka Computerka ah , waxaana uu ugu magac daray mucjisadii computer-ka marka loo eego xirfadaheeda iyo ilbaxnimadeeda ku aadan Tiknoloojiyadda tan iyo yaraanteedii markii aabaheeda uu u iibiyay Computer si ay ugu adeegsato dirista Emailada.

Gabadhani waxa ay ka heshay shahaadada la yiraahdo ( Xirfadda lagu kalsoonyahay) Shirkadda Microsoft sanadkii 2005 , iyadoo xilligaasi da’deeda aaney gaarsiisneen sanadka sagaalaad ( 9 sano jir) waaana ay noqotay qofka ugu yar dunida ee shahaadadaasi hantiya.

Shahaadada ( Xirfadda lagu kalsoonyahay ) “MCP” ee ay bixiso shirkadda Microsoft waxaa la siiyaa shakhsiyaadka si hee rsare ah xirfadooda ugu sara maray dhanka Computer-ka iyo agabyada ay soo saarto shirkadda Microsoft .

Markii ay hanatay shahaadada , Cafraa waxaa ay casuumaad ka heshay Bill Gates, si ay u booqato xarunta shirkadda Microsoft ee Magaalada Washington , gabadha yar waxa ay booqatay dhamaan xafiisyada shirkadda , halkaa

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.