Dhamaan dadki daganaa Guriga Hooyooyinka Muqdisho oo laga saaray

Published: February 4, 2012

Dowlada FKMG Soomaaliya ayaa maanta marki ugu horeysay mudo 21-sana ah kadib gacanteeda soo galay xarunta Gurigi Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Maanta ayaa waxaa ku ekaa mudo 12 cisha ah oo uu u qabtay gudi ay dowlada u xilsaartay ka saarida qoysaska ee xarumaha dowlada, waxaana guriga Hooyooyinka oo ku yaala kasoo horjeedka Tiyaatarka Qaranka ee degmada Xamar Weyne uu noqday kii ugu horeeyey ee ay dowlada la wareegto.

Qoysas fara badan oo ku noolaa mudo 20 sana ah ayaa ka guuray barqanimadi maanta iyado goobta ay xilligaasi ku heerarsanaayeen ciidamo boolis ah oo ay hogaaminayeen saraakiil sare.

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa booqday guriga oo ka kooban dhowr biyaano kuwaasi oo uu mid mid ugu wareegay isaga oo ay la socdeen gudi heer sawiir ah iyo saraakiisha ciidanka.

Madaxweynaha wax war ah muusan siinin warbaahinta waxaana lagu wadaa inuu goor dhaw la hadlo, inkastoo aysan wali fari ka qodneyn ka saarista dadka xooga ku qabsaday xarumaha dowada ee magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay dowlada la wareegto xarumo badan oo uu leeyahay qaranka kuwaasi oo hada hooy u ah qoysas badan si sharci darro ah ku daganaa.

Dhamaadki bishi hore ayey madaxda dowlada isku raaceen in xoog loogaga saaro oo xitaa dhiig laga daadiyo dadka ka dhaga adeega in ay ka baxaan xarumaha dowlada ee ku yaala magaalada Muqdisho.

 

Horseed Media