Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo gaaray Djibouti

Published: February 4, 2012

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Sabtigii 4ta February soo gaaray Djibouti si uu uga qeybgalo shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG).

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lgu wadaa inuu shir-guddoomin doono shirka IC, khudbadna ka jeedin doono furitaanka shirka oo socon doona labo maalmood 5ta iyo 6da February. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelle uu isna halkaas qudbad ka jeedin doono furitaanka shirka.

Shirkan ICG ayaa ku soo toosaya waqti xasaasi ah ooDowladda Soomaaliyeed ay ku howlan tahay dhaqangelinta Roadmap ka iyo sidii loo soo afjari lahaa xilliga kala guurka ah oo ku eg 21ka August 2012. Sidoo kaleDowladdu waxey ku howlantahay dib-u-habeynta baarlamaanka iyo dhameystirka Dastuurka. Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimaah Roadmapka iyo shirka London lagu qaban doono 23 February.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Jimcihii kula kulmay Nairobi Wasiirka Arrimaha Dibedda ee UK Willaim Hague oo ay ka wada hadleenshirka London iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen in shirku uu noqdo mid najaxa. Ra’iisul WasaareAbdiweli ayaa u sheegay William Hague in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan shirka London inuu xal u helosidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya, isla markaana uu shirka London u sii cayilin lahaa horumarkalaga sameeyey Roadmap ka iyo Garowe Principles.

Horseed Media