Gaari layaab leh oo Gaalkacayo lagu sameeyey [Daawo]

Published: February 5, 2012

Bandhig xirfadeed dhowaan lagu qabtay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu soo bandhigay waxyaabo badan uu kamid ahaa gaari ka yaabiyey dhamaan dadkii munaasabadaas kasoo qayb galay iyo intii kale ee aragtay amase looga sheekeeyey.

Gaarigan oo ah nooca kala jiidan ee Limousine-ta loo yaqaan ayaa waxaa sameeyey ardayda wax ka barta machadka farsamada gacanta ee Mudug (Mudug VTC)

Samaynta gaarigan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya lagu farsameeyo waxay qaadatay mudo sanad iyo bar ah, waxaana xusid mudan in agabyada gaarigan laga sameeyey oo intooda badan ahaa biro duug ah ay isug jiraan walxo laga keenay dhowr gaari oo laysu geeyey.

Horseed Media waxay bahweynta ku taxan usoo gudbineysaa Video muujinaya sidii ay u dhacday munaasabadii gaarigan oo loo bixiyey magaca ah (Gaariga Puntland) lagu soo bandhigayey.

[youtube]http://www.youtube.com/watch?v=fE3xav3mmnE&feature=youtu.be[/youtube]

 

 

Axmed Maxamed Cali [Caano-Geel]

Horseed Media

Gaalkacayo